“Sharif” Sakiiiiin = Dhibaatada Koofurta Soomaaliya! (Daawo Video)

Khilaaf aan dhamaan, qeyla dhaan joogta ah, is riix riix la mid ah kan ciyaal xaafadeedkii weerada ay dhex marto ee warafka isku rida waa u caado ku tirsanayaasha xubnaha dowlada magac iyo mansab ay doonaanba ha yeeshaane.
Maqaallo Keydmedia Online
“Sharif” Sakiiiiin = Dhibaatada Koofurta Soomaaliya! (Daawo Video)

Kol walba oo ay laba is qabato isla markaana khilaafkooda xal laga gaaro waxaa hadana abuurma khilaaf kale oo cusub isla markaana waji cusub leh, bal milicsi olalihii lagu eryay Aadan Madoobe kadibna lagu keenay Shariif Sakiin, sii eeg doodii Sharma’arke oo markii danbe ku baxay sharuud uu  la galay Shariif Sakiin madaxweyne Shariif.

Kadib sagootintii Sharma’arke waxaa mugdi balaaran uu soo kale dhex  galay laba shariif oo la aaminsanaa in xulufo aan sinaba u kala harin ay ahaayeen, ogow akhriste in madaxweyne Shariif xiriirka dhaw ee uu Shariif Xasan la lahaa darteed uu ku lumiyay saaxibo hore oo ay maxkamadaha ka wada tirsanayeen kuwaasoo dareensanaa siyaasadda jalaafeysan ee Shariif Xasan.

21 September oo ku beegneyd Maalinta nabadda aduunka ayuu R.wasaare sharma’arke ka dhawaajiyay inuu is casilay, waxaana la sheegay in sharma’arke intaanu is casilin uu helay balan qaad lacageed oo balaaran, shariif Baarlamaan waxa uu madaxweyne Shariif shuruud uga dhigay inta aanu is casilinba Sharma’arke Shuruud ah in R/wasaaraha soo socda uu noqdaa shaqsi dhaga nugul isla markaana aan hami dheer laheyn kana tala qaata isaga

Laakiin talooyin badan kadib ayuu ku gacan seeray madaxweynaha inuu ayido doonista gudoomiye Shariif xasan waxaana uu si madax banaan ugu soo magacaabay R.wasaare Max’ed C/llaahi Farmaajo oo sida taariikh nolaleedkeedkiisa ku xusan ah aqoonyahan.

Talaabada uu qaatay madaxweyne Shariif waxa ay sababtay inuu ka gadoodo saaxibkiisa shariif baarlamaan oo isla markiiba go’aan aan ka laba labeyn laheyn ku gaaray in Baarlamaanka uu ku jalaafeeyo Farmaajo si dalabkiisa loo dhageesto, waxaana taasi cadeyn nooga filan qaabkii ay wax u dhaceen shalay markii ay baarlamaanka u kulmeen kalsooni siinta R/wasaaraha.

“Waxaan aaminsanahay in Max’ed C/llaahi uu yahay shaqsi isbadal dhalin kara, isla markaana wax ka qaban kara xaaladaha cakiran ee hadda dalka uu ku jiro, hadaba mudanayaal waxaan idinka dalbanayaa in aad codka kalsoonida siisaan” sidaa waxaa Baarlamaanka ka hor sheegay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, waxaana xildhibaanada ay ugu jawaabeen sacab iyo marxabeyn.

Soomaalidu waxay tiraahdaa nimay  meeli u cadahay meeli ka madow, gudoomiye Shariif oo kulanka garwadeen ka ahaa  ayaa dood galiyay mooshinka la xiriira ansixinta R.wasaaraha cusub, isagoona kala dooran siiyay xildhibaanada in codka kalsoonida loogu qaado R.wasaaraha qarsoodi ama fartaag ayaa waxaa batay xildhibaanada dalbaday fartaaga laakiin gudoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in codka uu noqon doono qarsoodi kulankana uu xiranyahay isla markaana sabtida leysu soo laaban doono.

Xildhibaanada dareenka dadnimo iyo wadaniyadda ay ku dheehantahay leh waxa ay arinkaasi ka muujiyeen guux siyaasadeeda iyagoona halkaasi ka bilaabay shoor la xiriira in talaabo laga qaado gudoomiye shariif oo ay sheegeen in baarlamaanka uu u afduubanyahay.

“Kama yeeli doono Shariif mar walba inuu siduu doono naga yeesho, waa in aan dar dar galinaa Moshinkii aan kol hore bilawnay isla markaana aan isaga qudhiisa meesha ka saarnaa” sidaa waxaa ku  doodayay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo iyaga oo gadoodsan ku dhex doodayay shalay gudaha xarunta golaha shacabka.

Madaxweyne Shariif inkastoo uu qodbad ka jeediyay fadhiga hadana kuma sii nagaan oo xili hore ayuu isaga tagay goobta waxaana is qabsiga iyo dooda badankeed ay dhacday markuu baxay kadib,  laakiin waa loo sheegay waxa dhacay iyo sida ay u dhaceen.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Nabar aad fileysay naxdin malahan, sababtoo ah madaxweyne shariif marka loo sheegay qaabka ay wax u dhaceen wallow uu ka naxay hadana waxa uu isku qanciyay in  Shariif Xasan ay ka suurowdo jalaafo siyaasadeed  bareer ah inuu u dhigo R.wasaaraha si uu danahiisa gaarka ah uga dhex helo xukuumadda la soo dhisi doono.

Xildhibaano badan ayaa rumeysan haddii shariif Sakiin uu sii wado siyaasadda jalaafeynta ku dhisan ay isaga qudhiisa ku foorin doonaan isla markaana ay xilka ka qaadi doonaan, iyadoona dhanka kale ay taalo xirfadiisii aheyd iibsashada shaqsiyaadka uu u arko in ay fahansan yihiin qiyaanooyinkiisa , kuwaasoo inta badan uu ugu baaqo kulan gaar ah oo natiijadiisu noqoto boorso madow oo Doolar ku jiro.

Madaxweyne shariif iminka waxa ay arini ka joogtoo si la mid ah Heestii jaceylka aheyd ee "DHICI WEYDAY SIDAAN RABAY, DHAAWICII HOREYN QABAY WAA DHABOOBAY JACEYLKAAN DHEEL DHEELSANAAYAY" oo isaga hadda ay ugu qorantay heestaasi  qaabkan “WAA DHABOOBAY KHILAAFKAAN DHEEL DHEEL SANAAYAY”
Hadaba akhriste noogu soo dir aragtidaada ku aadan qaab siyaasadeeda Shariif Baarlamaan iyo hammiga madaxweyne Shariif, yaase mudan baad is leedahay in talo laga dhageesto labada shariif?

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.