Sharif Xasan (Sharif Sakiin) - “Aniga ayaa idin keensaday, Idinkana dhigay Xildhibaano”

Maadeey Eenow Deerow - Shariif Sakiin ayaa Shir Deg Deg ah isugu yeerey Xildhibaanada Cusub ee Beelaha Digil & Mirifle , Beesha Shanaad, Odey Dhaqmeedyada iyo Saraakiisha Ciidamada ugu jira DKMGS oo waqtigeedu dhamaadey, wuxuuna u jeediyey Khudbadiisa Dar Daaranka ahayd kuna yiri sidatan:
Maqaallo Keydmedia Online
Sharif Xasan (Sharif Sakiin) - “Aniga ayaa idin keensaday, Idinkana dhigay Xildhibaano”

Waa idin salaamey Kulligiina, waxaana idinku hambalyeynayaa Guusha aan gaarney oo ay sida sahlan uga soo gudubney is-haysiga badan ee weli ka dhexeeya Beelaha kale ee Somalia , guushaas oo aan ku gaarney Lacagteyna, Caqligeyna iyo wadajirkeyna.

Tan kale waxaad ogaataan “ ANIGA AYAA IDIN KEENSADEY, IDINKANA DHIGEY DHAQAN , XILDHIBAANO IYO SARAAKIIL DAWLADEED, WAANA INAAD ANIGA MOOYEE CID KALE  AADAN DOORANIN, ADEECIN , HADDII AAD TIHIIN DAD FIICAN OO DAREEN LEH ABAALNA GUDI KARA, HADDII KALE WAAN XISAABTAMEYNAA WAQTIGEEDA MEEL KASTA OO AAN WADA JOOGNABA “

Sida aan horey idin farey oo aad ku dhaarateen waxey ahayd  inaan leysku soo sharaxi Karin Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka , haddana waxaan arkayaa in kuwo badan oo ka baxe ballantaas oo uu  ugu joreeyo Xildhibaan Jawaari iyo kuwo kale oo habeenkii u dhuunta Musharaxiinta kale sida ay ii soo sheegayaan Madaxda Ciidanka Boliiska iyo kuwa aan ku leenahay Nabadsugidda , asluubta iyo  dadweynahaba, arrintaas oo aan ka qaadi doono tallabo kasta ee ay mudan yihiin kuwaas oo ballantii nooga baxey, doonayaan iney Hawiye iyo Daarood u sharciyeeyaan Jagada Madaxweynaha Somalia oo xilligaan ay noo ballan qaadey Dawladda Ethiopia , unpos, IGAD iyo Dawlado kale ee Carbeed iyo IRANba.

Waxaan ballan ku qaadney oo aan amar ku siiyey Saraakiisha inoogu jiro Dawladda oo ugu horeeyo Taliyaha Booliska iney ka qaadaan kuwaas nagu caasiyoobey iyo Salaadiinta Dacwadaha nagu furey  in Tallaabo kasta oo lagu ciqaabi karo, lagu xiri karo, lagu eedeyn karo, loogu diri karo beesha Caalamka iyo kuwo ka sii adagba haddii loo baahdo, waxaan idinkaga digayaa inaadan khatar is-gelinin maxaa yeeley idinkoo aan waxba ahaynin ayaan wax idinka dhigey, idinka oo dhanna aniga ayaa idin leh.

Waxaa kale oo aan idin sheegayaa inaad la shaqeysaan Guddigeyga Doorashada iyo Xuuraanka Siyaasadda D&M oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada kala ah Khalid Cumar, Fousia, Nuuraani Bakar, Farkeeti, Ibrahim Cali Cumar , Xuseen iyo Libaax , iyo Xildhibaanada Beesha Shanaad oo kala ah Burci Hamza, Sharif M. Cabdalla, Khadija iyo kooxdooda oo  kuligooda ay ka go’an tahay in Kursigaan Madaxwene aan aniga ku guuleysto Sanadakaan, haddii kale ogaada waxaan saran nahay hal doon oo ku safreysa Badwenta dhexdeeda oo haddii ay nala degto inoo dhamaaneyso kulligeyna.

Ugu dambeyntii waxaan idinkaga digayaa inaad ka baxdaan dhaartii aad marteen iyo ballantii aad qaadeen tasoo haddii ay dhacdo aad ka shalleyn doontaan idinka iyo caruurtiinaba.

Khudbadaan ayaa ku abuurtey dhegeysteyaasha Baqdin, fajac, iyo wel wel waxeyna durbadiiba bilaabeen iney mid mid uga baxeen shirka oo aan dhamaanin weliba qaarkoodna bilaabey iney dhuumaaleysi ka bilaabaan Muqdisho dhecdeeda.

Afhayeenka Labaad Dhaqanka Digil & Mirifle

Maadeey Eenow Deerow - Email: Digil_mirifle13@yahoo.ca


Masuuliyada Qoraalka waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan! Keydmedia Online Ma Qorin Qoraalkaan!




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.