Sheekh Shariif Cadaalada Ayuu ka Fogaaday!!

Dr. Ali.A.Hirabe - Heshiiskii aay wada gaareen Puntland iyo dowlada Somalia waa cadaala daro aad iyo aad u weeyn, xaqiiqdii lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga cadaalada iyo sinaanta.
Maqaallo Keydmedia Online
Sheekh Shariif Cadaalada Ayuu ka Fogaaday!!

Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro iyo in uu u kala eexdo umada Somali, haddii aay cadaaladi jirto Shariif ma uusan ogaaladeen heshiiska aanan waafaqsaneeyn dastuurka ku meelgaarka ah iyo shareecada Islaamka.

Puntland waxaa aay ka mid yihiin waxna ku heleen heshiiskii Impagati ee lagu heshiiyay ee ahaa 4,5 sida dastuurka ku-meelgaarka ah dhigayo, Sharif ayaa sheegay in Puntland ay tahay aas-aaska dowlada Soomaliya ayna muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo midnimada dadka iyo dalk.

Waxaa xaqiiq ah in umada Somali dhamaan aay yihiin kuwii aas-aasay dowlada uu hada kursigeeda ku fadhiyo, cid gooni ahna aayan ku laheeyn amaan balse siyaasiyiinta Puntland waxaa aay ahaayeen kuwii dalka ku soo hogaamiyay cadowga Ethiopia kuna xasuuqay shacabka Xamar degen.

Maaha waxa aan dhahayo balse C/ahi Yusuf ayaa qirtay in uu dalka keenay Ethiopia hadafkiisuna ahaa in uu ku qabsado dalka Somali oo dhan, xiligaa culumada, Isamada iyo Garadyada dhaqanka iyo kuwa siyaasiyiihta ahi ee Puntland marna ma aayan ka damqan gumaadka iyo xasuuqa Xamar ka dhacay balse waxaa aay lahaayeen Ethiopiayada maanta aad ayaay ugu duwan tahay tii Mingisto aayna mudan tahay in labada shacab aay isku milmaan (Integration )

Halka Somalida damiirka lehi aay diideen hubkana u qaatay in aay ka xoreeyaan cadowga Ethiopia aaminsanaayen Somali somali ayaa leh Ethiopia Ethiopia ayaa leh (Sapartion).

"And establish weight in justice and do not make deficient the balance"

Waxaanana marna la qaadankarin qodobada 4 raad ee heshiika Groowe lagu gaaray kaas oo qorayay: Waxa la isku raacey in Puntland laga taageero tababarada, gunooyinka iyo qalabeenta ciidamada amniga sida ciidamada booliska, nabad sugida iyo asluubta.

Sow maaha mid jufa yar lagu hubeeynaayo iyada oo aay somali weli aayan helin dowlad u siman dhamaan qabiilada Somalia balse Puntland aay ka jirto colaad xaag leh, waxaa kale oo aanan marna la qaadan karin qodobka ah:

Waxaa si buuxda la isugu raacay in la meelmariyo heshiisyadii horey loogu galey (Heshiiskii gaaljacyo 23 AUGUST 2009 iyo is fahamki isgaashiga xaga amniga iyo burcad badeeda (MOU ee nairobi 12 April 2010). Heshiiskaas hore ayaa wasiirada dowlada iyo baarlamaanka aay u diideen.

Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ayaa lagu qabanaa wejigiisa hor ee wada kulanka halka wejiga labaad lagu qabanyo Groowe si goáamada la gaari doono Garoowe laguu dhawaaqo waa mid iyana aayan Somalida waada qaadan karin, Qabiil Qaran marti uma noqon karo.

Arimaha abaaraha xaqiiqdii umada soo bara kacday waa umadii beeraha tacban jiray labada shabeele iyo Bay Bakool oo aay ku habsatay abaar iyo roob yari, kuwa xeryaha Puntland joogaa maaha kuwa beeraha tabcan jirat balse Somali dhulkeeda dhexdiisa qoxooti ku ah oo colaada ka soo cararay ayaa lagu tilmaami karaa caalamka waa ogyahay.

Reer Puntland kuwa beeraha fashaa abaar kuma aayan dhicin, sawirka qaldan aay muujiyeen Cabdiweli iyo Faroole maaha mid sax ah balse waa mid damac siyaasadeed oo guracn oo ku wajahan gargaarka caalamka in loo soo wareejiyo Puntland, xaqiiqdii Somalida lama jaanqaadi karaan siyaasada foosha xun ee xiligaan ku wajahan boob iyo sadbuursi ee uu horseed ka yahay Shariif.

Waxaan leeyahay Sheekhii diinta lagu tuhmayay aad ayaad cadaalada ugu fogaatay Somalina ma qaadan karto heshiiska sadbuursiga ku dhisan iyo hubeeynta hal Qabiil oo colaad kula jiro qabiilo degeenka wada degani.

Waxaan aad ugu digayaa tababarka ciidamada boliiska iyo kuwa militeriga in aay ku jiheeysan yihiin Somaliland iyo Galmudug haddii aanan laga hortagin heshiiska foosha xun waxaa aay sabbabi kartaa colaad xoog badan oo ka soo cusboonaata dhulkaa somalida wada degen tahay.

Waxaan rajeeynayaa in golaha wasiirda iyo Baarlamaanka Federaalka arintaasi ka hadlaan,s ida oo kale inta ka damqeeysa cadaal darada iyo siyaasada sadbuursiga ku dhisan waa in aay cod dheer ku diidaan waxa lagu heshiiyay.

Waa Aragtida: -> Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com

Keydmedia.net


DAAWO Video -> Sheekh Shariif Cadaalada Ayuu ka Fogaaday!





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.