Shirka Brussels ‘New Deal’ - Live Stream

Brussels (KON) - Shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’ ayaa Saaka ka furmay magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Belgium, Halkan Toos uga Daawo Shirka.
Maqaallo Keydmedia Online
Shirka Brussels ‘New Deal’ - Live Stream


Shirka wuu dhamaaday | Keydmedia Online

Halkaan ka fillo dhawaan Warbixin kooban oo ku saabsan Shirkii Maantay ka dhacay Magaalada Brussels iyo wixii kasoo baxay.


Isniin - 15:30 AM (Saacada Brussels) - Keydmedia Online

Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay $862-Milyan oo Dollar.

$862 Milyan ayaa la sheegay in lagu taageeri doona Qorshaha Dib u dhiska Dalka Saddexda Sano ee soo socota.

Barroso ayaa yiri: “Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan Dowladda Soomaaliya ku yaboohno 650-Milyan oo Euro (oo u dhiganta 862 Milyan oo Dollar) oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo dib u dhiska dalka Soomaaliya”

Jose Manuel Barroso ayaa xusay in Midowga Yurub uu 1.2 bilyan oo Euro uu ku bixiyay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008.

Isniin - 11:30 AM (Saacada Brussels) - Warsaxaafadeed

Madaxweynaha DFS ayaa khodbadiisii horudhaca ahayd faah-faahin buuxda uga bixiyay tilaabooyinka dhanka xalka iyo horumarka loo qaaday asagoo dhanka kalana xusay caqabadaha jira iyo baahida ay Soomaaliya u qabto taageerda caalamka si looga gudbo marxalada adag ee dalku mudada dheer ku soo jiray.

Waxaana uu caalamka ugu baaqay in wax laga badalo qaabkii hore ee arrinta Soomaaliya loo wajihi jiray.

“Waxaan ku tilaabsanay horumar la taaban karo waxaana hiigsanaynaa Soomaaliya nabdoon oo horumar ku wajahan. Waa ay jiraan dhinacyo aan wali ka liidano, waxaanse caalamka u xaqiijinaynaa inaan ku dadaalayno hirgalinta dawlad wanaaga iyo sidaan wadanka ku xasilin lahay,” ayuu yiri madaxweynaha DFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khodbo dhinacyo badan taabanaysa ku gabo-gabeeyay in guusha ugu weyn ee qorshan New Deal laga gaaro ay noqoto dhismaha Soomaaliyada cusub.

Shirweynaha New Deal ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wafuud ka kala socota in ka badan 70 wadan iyo hayado caalami ah oo isugu yimid sidii looga wada qeyb qaadan lahaa hirgalinta qorshahan Hiigsiga Cusub. Khodbooyinka wufuuda sare ee shirkan ka soo qeybgalay ayaa dhamaan muujiyay taageerda ay u hayaan hirgalinta qorshahan New Deal iyo dib-u dhiska dalka Soomaaliya.

Isniin - 08:15 AM (Saacada Brussels) - Keydmedia Online

Waxaa Maanta ka furmaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium Shir Caalami ah oo loogu magacdaray Shirka Hiigsiga Cusub ee Somalia ‘New Deal for Somalia’ kaasi oo si wadajir ah u Shirka guddoomin doona Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Catherine Ashton.

In ka badan 200 oo wafdi oo dalal, Ururro, Hay’ado horumarineed iyo Deeq-bixiyeyaal isugu jira ayaa la filayaa inay Shirka ka qaybgalaan.

Shirkan waa Shir inta badan loo qabta Dalalka Dagaalada kasoo kabsanay, waana markii ugu horeysay oo Somalia loo qabto.

Dhaqaalaha:

Dalalka Midowga Yurub ayaa la filayaa inay dhaqaale lagu horumariyo Ciidamada Soomaaliya, dib-u-dhiska Hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta Bulshada ay ku taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in Lacagaha loogu deeqo Dalka lagu bixin doono Baahi dadka Soomaaliyeed kasoo tashteen iyada ayaana lagu daboolayaa.

Wuxuu xusay xasan Sheekh in Hay’ado ay qaadan jireen Lacagaha loogu yabaaho Somalia, oo aysan dadka Soomaaliyeed wax soo gaari jirin, balse markan Go’aan ay leedahay DF Somalia.

Somalia waxa ay Safka hore ka gashay 6-dii Sano  ee lasoo dhaafay Liiska Dalalka fashilmay “Failed States”,waxaana lagu eedeeyay Dowladihii dalka ka jiray 22 Sano ee ugu danbeeyay Musuq-maasuq iyo Maamul Xuko Lacaga Deeqda ah ee Caalamka ugu deeqo.

Amaanka:

Dowladda Somalia waxa ay Dhanka Amaanka ku tiirsantahay 17,000 Ciidamo AMISOM ah oo ka socda Dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Sera Leon, Djibouti kuwaas oo Askari kasta oo kamid ah qaata Mushaar ahaan $ 1,200 halka Askarta Dowlada loo la’yahay $100.

Dowlada Somalia ayaa lagu eedeeyay Wax ka qabshao la’aanta Amaanka Dalka, gaar ahaan Muqdisho Tan iyo Markii Xafiiska ay yimadeen Taliyaal Cusub oo Ciidanka.

Waxaa joogsaday Howlgaladii iyo Dagaaladii Al shabaab looga saarayay Gobolada Dalka oo kahor inta aanan la bedelin Saraakiishii hore ee Howlgalka hormuudka ka ahaa ay si xowli ah ku socdeen.

Waxaana taasi ay keentay in Al shabab ay dib ugu soo laabtaan deegaano iyo Magaalooyin badan oo horay looga saaray sida magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. 

Rajada Shirka:

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo Warysi Siiyay BBC-da ayaa sheegay in wax badan uu ka duwanyahay Shirka Brussels kuwii hore, waxaana uu xusay in kan uu soo afjarayo  kala qeybsanaantii Caalamka ayuu soo afjaray oo Hal taageero oo mideysan ayaa kasoo baxaya.

“Shirkan waxa uuu qabsoomaya Xili dalka ay ka jirto Dowladda aan KMG ahayn oo matalaysan Dalka, waxaan ka qeybgalaya Madaxda maamul Goboleedyo,” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Wuxuu sheegay in Dhaqaalaha kasoo baxa Shirkan uu noqon doono mid horumariya Danaha Shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay Musuq-maasuq dhanka dhaqaalaha ayaa Madaxweynaha  wuxuu ku jawaabay in Soomaaliya muddo 22-sano ay aheyd dal bur-bursan uusana dafiri karin in musuq maasuq ka jiro balse Dhaqaalaha kasoo baxa Shirkan uu noqon doono mid meel wanaagsan mara. 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.