Shirkii Wadatashi-kushegu Waa Shirqool!

Xisbiga Dadka ayaa ka soo saaray warsaxaafadeed Shirka wadatashiga ah ka socda Magaalada Muqdisho kaasi oo u qoran sida tan.
Maqaallo Keydmedia Online
Shirkii Wadatashi-kushegu Waa Shirqool!

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbiga Dadka uu ka soo horjeedo qaabka loo diyaariyey wadatashiga. wuxuuna ku tilmaamay inuusan ahayn mid ummadda Soomaaliyeed wadatashiga laga qeybgeliyey. wadaxaajoodkaas wuxuu u muuqda labakacleyn lagu sameynayo sii wadida habka KMG ah iyo sii xoojinta Heshiiskii Gerowe.

UN-ka waxay ku guuldareysteen 20-kii sanno oo la soo dhaafay iney Soomaalida ka gacan siiso dhismaha dowlad Soomaaliyeed. 20-kaas sanno UN-ka ayaa si dadban iyo toosan u maamuleysa siyaasada Soomaaliya. maanta waxaa la soo gaarey wakhtigi UN-ka ay qiran lahayd karti darida ay wax uga qaban weydey dowladnimada Soomaaliya.

Abaarta hadda ka jirta wadanka Soomaaliya waxaa loo bixiyey Abaarta Mahiga, taas oo xambaarsan in UN-ka ay kari waayeen in wadanka Soomaaliya gudihiisa ay ka furaan xerooyin lagu nabadgeliyo dadka xoolo la,aantu ku dhacday laguna taakuleeyo. waxaa aad loola socdey abaaraha soo socdey haddana UN-ka wax qorsha oo lagu badbaadiyo dadka Soomaaliyeed lama aysan imaan.

Shirka wadatashiga ah ee ka socda Muqdisho ayaa hadda u muuqda mid ay UN-ka ku dooneyso in maamulka dalka loo celiyo nidaamkii musuqmaasuqa oo ay ku dhaqmayeen dowladihii Soomaaliyeed ee dalka ka jirey 1960 ilaa 1969. waxaa muuqata in shirkaas ay ku wada tashanayeen oo kaliya maamulka Puntland, UN-ka iyo madaxda DKMG oo wakhtigeedi dhamaadey.

Waxaan shaki lahayn in Ergada Suufiyiinta uu soo magacawdey Sheekh Shariif, arrinkaas oo waafaqsan heshiiskii Garoowe, sidaas si lamidana maamulka Gal-mudug cadaadis lagu saaray inuu meesha ka muuqdo oo uu Puntland u rukuuco. natiijada la sugayo waa in qodobada ay soo go,aansadeen madaxda UN-ka loo yeeriyo oo sidaas Soomaalida lagu ansixiyo xal aysan taladooda lahayn.

Waxaa iska cad in UN-ka ay dooneyso iney arrimaha Soomaliya sannadka soo socda ka baxdo, Soomaalidana ay madaxa u geliso siyaasad dhibaatadeeda aan la xalin 20-sanno oo soo socda, waxaan u soo jeedineyna UN-ka iney haddaba arrimaha Soomaalida ay gacmaha kala baxaan haddii aysan awoodin in Soomaalida ay soo dhexdhigaan katalinta ayaha dowladnimadooda Soomaaliyeed.

Shirka wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho waa mid bulshada Caalamka loogu jilayo si ay u sii wadaan dhaqaalaha lagu bixinayo siyaasada ku saleysan ku mashquulida heshiisyo dhalanteeda. Xisbiga Dadka wuxuu ka soo horjeeda heshiisyo gaara oo loo sameynayo kooxo gaara, wuxuuna soo dhaweynayaa wadatashi dhaba oo lagu ansixin karo tabagelinta mariinka toosan ee loo marayo dhismo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Xisbiga Dadka wuxuu ku tilmaamay Maamulka Puntland Madaxdooda iney qaadeen jidkii kelitalisnimada kadib markii ay xasuuq kula kaceen rayidka degen Gobolka Mudug, xoogna ay qorsheysteen iney ku xaliyaan qilaafka kala dhexeeya Maamulka Galmudug.

Dadka dagen gobolka Mudug waxey ka tirsan yihiin dadweynaha ku nool gobolada dhexe, mana ahan shacab lagu qasbi karo iney hoos yimaadaan Maamulka gobolada waqooyi bari ee Puntland.

Xiisada dagaalkaas waxaan u aragna mid maamulka Puntland uu ugu cagajugleynayo, fariina u noqota dadka ku nool gobolada dhexe, sidaasna uu ku doonayo damaaci ku qotoma siyaasadii Cali Yusuf iyo in gobolada dhexe ay maamul ahaan hoos yimaadaan gobolada waqooyi bari.

Ugu dambeystii warsaxaafadeedka ayaa u soo jeediyey Ummadda Soomaaliyeed ineysan aqbalin xal aysan taladeedda wax ku lahayn oo shisheeye u soo minguuriyey. sidoo kale waa iney ka soo horjeestaan in dib loogu celiyo siyaasadii lixdankii oo qabiilo gaara ay ku haminayaan ayaaha siyaasada Soomaaliyeed iney keligood u tashadaan.

Mr. Faroole, Sheekh Shariif, iyo Sharif Xassan Soomaalida uma sameynayaan kalaguur nabada ee waa in la iska kaashado iyaga iyo UNka sidii ay howlgab uga geli lahayeen mariin habaabinta ay ku hayaan arrimaha siyaasada Soomaalida.

Soomaalidu uma baahna guuldarrada ku timid U-Nka iyo madaxda ay wadato iney noqoto mid lagu daboolo heshiisyo iyo wadatashi lagu mariin habaabinayo xal u helida siyaasda murugeysan ee hortaagan dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Xisbiga Dadka.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.