Sidee ku noqon kartaa Farmaajo oo kale

Maqaallo Xasan Mudane

Xasan Mudane oo ka mid ah dhallinyarada aqoon-yahannada ah ee wax ka dhiga Jaamacadaha dalka ku yaalla ayaa qoray 10 qodob oo Farmaajo caan ku yahay, wuxuuna ciwaan uga dhigay, SIDEE KU NOQON KARTAA FARMAAJO OO KALE?

Sidee ku noqon kartaa Farmaajo oo kale

Way sahlan tahay in aad noqoto madaxweyne Farmaajo oo kale, keliya waxaad u baahan tahay in aad raacdo tallaabooyinkan soo socda:

1. Iska dhig waddani cirka ka soo dhacay! Ka sheekey xilligii berisamaadka. Markasta oo aad shacabka la hadlayso adeegso halhayska "Soomaaliya ha noolaato." Inta aad kari karto iska dhig keligiis waddani.

2. In aad farmaajo noqoto macnaheedu waa in aad iska dhaadhicisaa in aad leedahay shacbiyad dadweyne. Sidaas darteed, sameyso dhallinyaro badan oo kaala shaqeysa sidii aad ku yeelan karto taageero shacab. Ha u daymo la'aan carruurta iyo hooyooyinka. Markaad adduunka la hadlayso u sheeg in dowladdaada ay tahay dowlad shacab (populist state).

3. Iska indhatir xaqiiq kasta oo ka jirta dalka, taas oo liddi ku ah rabitaankaaga. Iyada oo sagaashanka la maraayo oo firimbiga afka lagu haayo waxaad iska dhahdaa doorasho qof iyo cod ah ayaan qaban karaa. Maskaxda ku haay halhayskaagii "Soomaaliya ha noolaato."

4. Askarta la joog, lana saaxiib. Mushaharkooda meel u saar, kana dhaadhici in dalkan uu leeyahay laba cadow oo keli ah: Qabiil iyo Mucaarad qaran-dumis ah.

5. Sharciga jebi, wax ka beddel haddii aad rabto. Ha u dulqaadan hay'ad kasta oo caqabad ku ah rabitaankaaga! Wax kasta xafiiskaaga ha ka bilowdaan, hana ku dhammaadaan. Yaa u baahan Baarlamaan iyo Garsoor madaxbannaan? Wax kasta adigaa qaban kara. Ha hilmaamin in aad tahay madaxweyne shacab.

6. Marnaba niyaddaada ha ka saarin kuwii hawada kugu cunay xilliyadii adkaa ee noloshaada, meel iska dhig cafis! Cagta mari iyaga dhan. Kana aargudo! 

7. Albaabka ka xiro warbaahinta madaxbannaan iyo xisbiyada mucaaradka. Ciddii iyaga ka mid ah oo ku fahmi weyso qaran-dumis iska dheh. Haddii ay macquul kula noqotana kireyso qaar iyaga ka mid ah, si dadban u yeelo (co-option strategy), afkana u buuxi.

8. CBB badan sameyso. U sheeg in aad tahay astaan qaran oo lamataabtaan ah.

9. Waxqabadkaaga sawir ku soo muuji. Ha dhayalsan igu sawirta. Wax kasta sawir, xitaa sawirka laftirkiisa sawir si ay uga mid noqoto waxqabadka dowladda.

10. Siyaasadda waaweynka (big men politics) ku dhaqan. Ha u dulqaadan cid aan adiga ahayn in ay wax ka goyso siyaasadda dalka.

Xasan Mudane 

Bare Jaamacadeed




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.