Silsiladda deelleyda Qarniga 21-aad Maansada Dabotaal

Maansadan waxaan tiriyay, ka dib markii dhalinyaro Soomaaliyeed dib u billaabeen Silsiladda Deellayda qarniga 21-aad loogu magac daray, in kastoo maansooyinku badnaayeen: sida Dareen, Dulmigii Shaamoow, Dayax, iyo Dawo, ayaa tan waxaa la yidhaahdaa: Dabataal, oo iyaga ayay meel ay kaga harto weysay.
Maqaallo Keydmedia Online
Silsiladda deelleyda Qarniga 21-aad Maansada Dabotaal

Waxaan u malaynayaa Maadaama aan daba dhigay maansooyinkii hore, inaad dareemi kartaan inay isku ujeedo ama isku hayb yihiin, hadal badan danbaa dhaanta ee maansadii Dabataal iyo bogasho fiican.

Waa daahan oo furan
Waa deel Abwaaneed
Waa dabuub afmaal yiri
Maansadeeydan dabataal
Inta aanan daadegin
Deelka kii billaabiyo
Kii uga dambeeyee
Shaamoow darxumadii
Duhurkii Khamiisaad
Kii taa ka diiroow
Ducadaadi Aamiin.

In dagaalku cudur yahay
Dulli iyo xumaan yahay
Dayax maansadeedii
Dadku waa ku diirsaday.

Inta aanan dowliga
Ceelkaba ku sii deyn
Mid yaroo dardaarana
Deelleeyda maansada
Mar waa dacar macaaniyo
Dumi iyo dhis waayee
Horta yaan la kala didin.

Afartaa digniintii
Hey dareensan waayee
Aan hoos u daadego
Sagaal eber ku dabataal
Bil disember dabadeed
Illaa duhurka maantaa
Maxaa dirac la gowracay
Maxaa degelladeenii
Dusha weerar ba




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.