SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

Bashiir Cali Xaashi — Siyaasaddu waa cilmi guda weyn, oo kaligii Sanado badan loo xereysto barashadiisa, qoraal iyo qoraallane laguma koobi karo waxa siyaasadi tahay, laakiin hadaan Soomaali nahay Sawir qaldan baan ka heysanaa Siyaasadda.
Maqaallo Keydmedia Online
SIYAASADDA MIYAA QIYAANA AH MISE SIYAASIGAA QAA’IN AH?

Siyaasaddu waa hannaan ama hab caddaaladeed bulsho meel wada dagto loogu qeeybiyo awoodaha siyaasadeed iyo midda kheeyraad ee ka dhaxeeyo bulshadaas, isla markaane waajibaad lagula xisaabtamo loogu dajiyo bulshada. Siyaasadda nuxurkeedu waa mujtamaca oo baraaro iyo barwaaqo la gaarsiiyo.

Siyaasadda waxa aan ku fasiri karnaa maamulidda shirkad saamileey lacago isku darsatay ka dhaxeeyso, taas oo koox yari maamusho inta kalane xisaab xirka sanadka la isugu yeero loona sheego qasaaro iyo faa’iido wixii soo kordhay, Mareeyaha iyo shaqaalaha kala ee shirkadda kala shaqeeyo sida ey rabaan hantida guud kama sameeyn karaan oo iyagu malahan, sidaas si la mid ah ayaa siyaasigu shaqaalo ugu yahay bulshadda, oo taladooda kuma tagri fali karo, ee waa inuu ugu adeegaa sida ay rabaan iyo habka ay doonayaan.

Soomaalida sooma marin waligeed siyaasiyiin dhisa dowlad sal adag,  oo u jeeddada laga leeyahay tahay ku furista bulshada berrin barwaaqo, sinnaan, is jaceyl, dhaqaalo dhisid iyo wax wadaqabsi. Haddii taasu soo mari laheed maalin qura doowladi kama burburteen. Siyaasiyiinta soomaalidu waxey siyaasadda macnaheeda u badaleen musuq maasqu aan xadeysneen , ina adeersi, laaluush qaadasho, isku dir beelo wada daggan, hanti gooni ah abuurasho, kaligii talisnimo iyo qaar kale oo badan.

Marin habaabinta siyaasi xumuhu fahanka aragtida siyaasadda ka sameeyay ma ahan mid la soo koobi karo. Habsami u socdka nolosha bulsho dhan fakar, maamul, dhaqan dhaqaale facibo facbuu ka dhaxlaa, oo waata odayadu marka ey la dardaarmayaan dhallinyarada ku dhaho; "Waxa aad tihiin madaxdii berri".

"Ratiga yari ratiga weyn buu saan qaadkiisa leeyahay” dhallinyaradu kolka ey heer talin soo gaaraan waxa ey taladooda ku jaan gooyaan qaabkii ey ka dhaxleen jiilkii ka horreeyay. Ilaa maanta waxaa la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.