Balankayagu Waa “Gilgila Oo Ridda Dowladda R/wasaare Saacid”

Najiib Cabdisamad - Kooxda Kablalax oo Halkudhagoodu yahay: GILGILA oo RIDDA DOWLADDA R/WASAARE SAACID, ma ogtahiin Raggan, maxayse Shalay ahaayeen?
Balankayagu Waa “Gilgila Oo Ridda Dowladda R/wasaare Saacid”

Ragaan waxaay ku Cayileen oo ku Taajireen Dhiiga Bulshadda Soomaaliyeed oo Tabarta yar. Kooxdaan waxaa loo yaqaan GAFANAYAAL, Gafanahu waa Bahal Qurun badan oo Dhiiga Xoolaha ku Nool.

Bal aan Mid mid u fiirino Shalay waxay  ahaayeen:

Xasan Abshir Waraabe: Waxuu ka mid aha As Sasayashii Jabhadii SSDF (Soodaf) oo Dalka Soomaaliya u horseeday Burburka. Xasan waa Ninkii 1989 Maxamed Siyaad Barre Shilka galiyey asagaana Rang Roverta Gacantiisa ku waday dabadeedna Rang Roverta ka booday. Siyaad Barre waxaa lola cararay Magaalada Riyad hal Sano ayuuna Kooma ku jiray.

Cumar Cabdirashid: Waa iska reer Muqaadaraad oo Taariikh Madow,  waa Ninka Gatay oo Kenya u Saxiixay Xeebta Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas: waa Profesoorka ku taqasusay “Teoriyada Qabiilka Kablalax Daarood”. Waa Ninka Saxiixay Ciidamada Kenya in ay Dalka Soomaaliya qabsadaan, oo ay Jubooyinka xarun ka dhigtaan.  Waxuu ku faanaa Qabiilkey Soomaali waan uga Exday oo Dhaqaale iyo Mashaariic baan Bari u leexshay.

Yusuf Cumar Azhari: Waa Oday 80Jir ah oo waxuu Guursaday Ina C/rashiid , C/rashiidna waxuu ka dhigay Safiir madaama uu Gabadhiisa guursaday. Yusuf Azhari waxuu ka mid Noqday Golaha dhexe ee Jabhadii Dalka Buburisay SSDF (SOODAF). Azhari Muqdisho ma joogo, waase  Khabiirka daaha dhabarkiisa ka wada in Khalkhal la galiyo  Dawladda R/wasaare Saacid.

Jurilla, waa ninkii 1990 Bishii Oktober Xaday Khasnada Mashruuca fidinta Beeraha. Jurille waxaa kalo lagu xasuustaa Musuq Maasuq iyo lacag farabadan oo u ka dhacay Mashaariicdii Talyaniga ee loogu Magacdaray FAI. Waxey Jaraa’idka Aduunka qoreen in uu lunsaday Hanti Farabadan oo Dawladda Soomaaliya Bangiga Talyaniga “Banca Nasionale del Lavoro Bnl” ugu Keydsaneyd.

Cali Khaliif Galeyr, ma Ogtihiin inu Dalka ka baxsaday/fikaday?. Cali Khaliif markuu ahaa Wasiirka Warshadaha waxuu Wadanka kala Fikaday/baxsaday 3 Malyan oo Dollar oo loogu talagalay Mashruucii Warshadda Mareerey. Sidoo kale, Cali Khalif markuu ahaa R/wasaaraha dawladii C/qaasin Salaad Xasan waxuu dhacay $18 Malyan oo Dollar oo waa tii ay C/qaasin is Dagaaleen ka dibna waa asagii Ameerika u Cararay.

Aduunka kama jirto meel ay ka dhayday, Dad intaan oo danbi ah Dalkooda ka galay inay misanah Masrax Siyaasadeed ka dhex muuqdaan.

Aduunka kama jirto Dad wax xaday oo Wadankooda Jariimo ka galay (Traitor) oo Xil Dowladeed haya, oo waliba Xildhibaan Qaran ah. kuwaas oo kale Cinqaabtoodu waa Xabsi Daa’im, ee maxaa lala sugayaa, maa Maxkamad la soo taago.

Raggaan Qalalaasaha Soomaaliya ku Shirkoobay, hadii lala xisaabtami lahaa, Maanta Xabis bay ku sugnaan lahaayeen.

Wariye Najiib Cabdisamad (C/samad Cibaar) oo Keydmedia Online usoo diray Qoraalkaan!

Halkaan kala xiriir Wariye Najiib: Najib.yare.samad@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.