Muqdisho: Xarunta Muqaabaraadka Aduunka!!

Haaji Seeko (Keydmedia) - Isbriirsiga dowlad la’aanta iyo xuduudaha aan la kala xigin ee Soomaaliya waxaa laga dhaxlay in Dalka uu noqdo buhulo galeen cid walba ay si gooni ah uga daneysato, waxaana ku soo qulqulayo hey’ado iyo ururo qatar badan lagala kulmi karo oo caalamka ku sugan.
Maqaallo Keydmedia Online
Muqdisho: Xarunta Muqaabaraadka Aduunka!!

Hey’adaha Wardoonka ee Maraykanka Central Intelligence Agency (CIA) iyo Faransiiska Direction Générale de la Sécurité Extérieure (DGSE) ayaa la xaqiijiyay in iminka howla kale duwan ay ka hayaan gudaha Dalka Soomaaliya iyagoona ku hoos qarsan ciidamada Amisom ee hoos taga Midowga Afrika.

Hey’adaha kale oo wali la xaqiiyin waxaa ka mid ah Hey’ada Wardoonka ee Ingiriiska Secret Intelligence Service (SIS) iyo Mossad Hey’ada Wardoonka ee dalka Israel.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ah halka ugu xooga badan ee ay sirdoonka ku sugan yihiin, waxaana gudaha garoonka iyo hareerahiisa ka socda iminka tababaro loo sameynayo Soomaali la doonayo in howlo basaasnimo ay ka fuliyaan gudaha Dalka.

Qeybta xigta dhanka Afisyooni ee Garoonka ayaa mudadii la soo dhaafay waxaa ka socday dhismo ka sameysan guryo gaagaaban oo u muuqaal eg teendhooyin, waxaana Keydmedia ay u xaqiijiyeen dad ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha oo ay wareysatay in dhismayaashaasi ay ku nool yihiin ciidamada sirdoonka Maraykanka iyo Faransiiska.

Sirdoonka Maraykanka (CIA)

CIA-da ayaa iyadu ah mid si weyn ugu firfircoona howlaha ka socda Soomaaliya, waxaana wada shaqeyn balaaran ay la leedahay ciidamada Nabad sugida dowlada KMG ah kuwaasoo mushaaraadkooda ay toos u bixiso Xukuumada Washinton, shaqsi ka tirsan hey’adda Nabad sugida oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay keydmedia mar uu safar ku yimid kenya in mushaarkooda oo dhan $200 ay bixiso dowlada Maraykanka isla markaana ay qaataan maalmaha ugu horeeya bisha.

CIA waxay ku leedahay gudaha Muqdisho xabsi balaaran kaasoo loo nasbeeyo in Nabad sugida ay maamusho, waxaana xabsigan uu shaqeynayay tan iyo dowlada C.laahi Yuusuf, laakiin xiligaas waxaa maamulayay Soomaali oo sirdoonka ajnabiga ah kormeer iyo la socod ayuu ku lahaa howasha.

Waxaa la tilmaamay in bishiiba Soomaaliya ay ka howl galaan ku dhawaad 30 ka tirsan CIA-da waana kuwa isbadbadala oo mar walba waxaa la keenaa koox cusub, arintaasi waxaa lagu sababeeyay iyada oo la diidayo bulshada Soomaalida in ay isfahmaan oo danaha Maraykanka la ogaado.

YAA LA SHAQEEYA ?

Ka sakow Soomaalida waxaa la shaqeeya oo gacan saar xoog leh ay ka helaan dowladu kale duwan oo ka tirsan kuwa Gobalka, howsha ugu weyn waxaa qabta Itoobiyaan, Iyadoona shaqsiyaad u dhashay, Kenya, Uganda iyo Burundi ay qeyb ka yihiin howl galka Socda..

Inta badan dadka la shaqeeya ayaa waxa ay yihiin kuwa siyaaba kale duwan looga soo xulay dowladaha ay u dhasheen, waxaana asalkaba dadkaas shaqadooda ay aheyd nidaamka Sirdoonka iyo xeeladaha la xiriira.

Xog la hubiyay oo ay keydmedia heshay ayaa tilmaameysa in dadka qeybta ka ah xubnaha CIA –da la shaqeeya ee u dhashay Itoobiya in ay ku jiraan kuwa sanada badan ku sugnaa Muqdisho isla markaana wadooyinka Muqdisho ka dawarsan jiray si howl basaasnimo ay u qabtaan.

Waxaa shaki badan la galinayaa in sidaas oo kale ay hadaba la shaqeeyaan dad noocaas ah, waxaana warar ay keydmedia ka heshay ilo la hubo ay sheegayaan in ay jiraan dad la shaqeeya CIA-da oo bulshada kolka ay ku dhex jiraan isu muujiya kuwa maskaxdooda ay isku yaacday oo xaaladooda ay cakirantahay...

XABSIYADA CIA EE SOOMAALIYA

Waxaa jira inta hada xogtooda la hayo laba xabsi oo ay CIA-da maamusho kuna yaala gudaha Magaalada Muqdisho, mid waa kan ku yaala madaxtooyada dhabarkeeda ee lagu xiro dadka godka Hoostiisa isla markaana sida daran leysugu ciqaabo, kana kale waa mid ujeedadiisu ay tahay qabashada howl la mid tan Guantanama Bay ka socoto, waxaana xabsigan uu ku yaala deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho iyadoona dhawaan dhismihihiisa uu soo dhamaaday.

Dad eheladooda lagu xiray xabsiga Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in xaalada Nolaleed ee halkaasi ka jirta ay tahay mid adag oo aan sinaba loo fahmi karin, waxaana warku intaas uu ku darayaa in dadka CIA-da ay danbiyada ku weyso in laga soo iibiyo xabsigaas oo xoriyadooda lacag lagu badalo.

TABABARADA SOCDA

Waxaa ka socda Magaadala Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan cadde tababar balaaran oo ay CIA-da u fidineyso shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya, waxaana tababarkaasi xoogiisa uu yahay mid lagu baranayo waxyaabo la xiriira arimaha wardoonka iyo xog halista.

Inta badan dadka howashan loo leylinayo ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa dhalinyara ah, oo aan laheyn fikir diineed oo fog, waxaana sababta loo xushay lagu sheegay in ay tahay iyaga oo ah kuwa lagu daneysan karo oo aduun iyo aakhiro aanay qiima u kala laheyn.

KAALINTA FARANSIISKA

Inkastoo galaangalka ay ku leedahay xaaladaha sirdoonka ee xooga badan ay iska yaryihiin ayaa hadana waxaa xusida mudan in dowlada Faransiiska iyo dowlada Jabuuti oo is garabsanaya ay iyana howla sirdoon oo wada jira ay ka wadaan gudaha soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Howashan ayaa ujeedadeedu waxa ay tahay in dowlada Faransiiska ay kula loolanto Maraykanka arimaha la xiriira xog halista iyo dhaqdhaqaaqyada wajiyada Badan ee ka socda Soomaaliya, waxaana danaha Jabuuti iyo Faransa lagu saleynayaa howlo ka baxsan la dagaalanka Argagixisada.

MIRAHA MUSTAQBALKA

Dadka dareenka wadaniyadeed leh dhamaantooda arinta socota waa mid si weyn  u walaacineysa qalbiyadoodana saameen balaaran ku leh, waxaana la saadaalinayaa in mustaqbalka Soomaaliya ay noqoto goob dhibaato iyo rabshado ka dhasho sirdoonka faraha badan laga dareemo.

Waa suurta gal in xaalad taasi ka weecsan la galo uuna isbadal dhaco waayo raxmada alle marnaba lagama quusto, laakiin waxaa Runti ah in danaha hey’adaha Sirdoonka ay leeyihiin in ay yihiin kuwa istaraatiijiyad ahaan aad u fog oo qotadoodana ay dheertahay.

Hadaba akhriste marka aad qiimeyso xaalada isla markaana aad eegto, maxay kuula muuqaneysaa sida ay iminka wax u socdaan, ma is leedahay ujeedada sirdoonka waa mid ka baaxad weyn la dagaalan argagagixso? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook iyo qeybta aragtida dadweynaha ee Bogga keydmedia.

Abdikarim Haaji Seeko – Keydmedia.net Investigative Journalist


Copyright Keydmedia.net

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thank




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.