Soomaali Isma Taqaanno!! Waa Run…

By: Cumar Axmed - Maalin maalmaha ka mid ah anigoo geed qurac ah harsanayo baa ii yimid nin oday ah oo rati hogaaminayo. Ninkii baa I nabdeystay wuxuunaa ka dib I weydiiye qolodaan ahay. Waxaan ka hakaday jawaabta illeyn geya aynu joognay baa ka aloosaneyd dhiillo colaadeed oo lama kala garan garaynin qofka kula jaalka ah kan aad iska illaalineysid.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaali Isma Taqaanno!! Waa Run…

Weli waan ka meer-meerysatay jawaabta oo sheeko dheer baan u galay, haseyeeshee wuxuu igu yiri: Anigu waxaan ahay Eeylle.

Wuxuuna ii daba dhigay su’aasha ah in aan garanayo Eeylle iyo sababta magacaas loogu bixiyey? Waan aamusay in door ah, hasee yeeshee odaygii baa ii micneeyey wuxuuna yiri:

“Afar nin oo ku qalabeysan fallaro, eebo iyo burar baa waxay ka qeyb galeen dagaalkii Uxud. Markii fardihii iyo ciidankii waranlleyda ahaa foodda is dareen baa gaaladi  dhan ka soo jeesateen, dhanka kalena Muslimiintii soo safatay.

Maalintaa raggu ma yareen oo waxaad moodaa in gaaladu ay ka soo tegin gaashaan qaad, waayeel iyo dumarba. Muslimiintuna waxay dhamaayeen 1000 keliya.

Markii labadii ciidan isku soo dhawaadeen, dagaalkiina bilowday baa afartii nin ee ahaa rag quluubtooda iimaan buuxiyey goobta dagalka la soo galay eeyo miciya galool ah ee aan laga aqoon yeey-duuur ama uubato oo dagaalka u tababaran. Durbadiiba waxay kuuxa eeyaha baqdin geliyeen gaalaadii waayo in eeyo lagu dagaalamo waxay waagaasi ahayd  xeelad ugub ah ee aan horay la arag.

Intii u dagaalku socday baa afartii nin waxay muujiyeen geesinimo dheeraad ah taasoo gaaladii gayisiisay in dhankoodii baneeyaan oo dhabarka jeediyeen waxaana raacdeystay eeyihii, kolkaas bay xooreen hubkii iyo kabihii ay siteen.

Geesiyadaasi waxay dagaalamayeen ilaa gaaladu u carareen dhanka  Mako oo waxay fuuleen fardahoodii. 

Waxaa kaloo cagaha wax gadayey gaalidii kaloo ku xeernaa oo iyaguna goobtii ka caararay. Waxaa aan kala soocmay labadii ciidan muslimiintii iyo gaaladii xeel dagaal awgeed. Waxaa hakaday dagaalkii muddo gaaban.

Markaa ka dib, Muslimiintii iyagoo koox-koox ah bay u soo kaceen halkuu rasuulka (SCW) joogay.

Rasuulkii baa wediiyey raggii eeyaha watay ee sida geesinimada leh u dagaalamay oo wuxu amray in ay u yimaadaan si uu ugu duceeyo.

Maalintaas baa magaca Eeylle inoo baxay. Haddabo halyeyadaasi waxay qeyb libaax ka qaateen dagaalkii weynaa ee Uxud.  

Ninkii markuu iga taagay baan maskaxdeeda dib ugu laabatay waxaana ii soo baxay in Soomaali aynan weli is baran.

Afeef: Sheekadan waa khiyaali, lakiin suurtagal ah in ay dhacday, ujeedaduna  ma  aha in cid gaar ah lagu xadgudbo.

Cumar Axmed | Keydmedia Online

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.