Soomaalida Maantay - Hamigga Bulshada iyo howalaha horumarka (Daawo Video)

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay xukuumadii dhexe ee Soomaliya laga tuuray Xukunka waxaa gabi ahaanba bur buray adeegyadii guud ee bulshada, iyadoona leyskaba hilmaamay daryeelka waxyaabaha danta guud ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay - Hamigga Bulshada iyo howalaha horumarka (Daawo Video)

Dharaartii laga itaal roonaaday taliskii Max’ed Siyaad Barre wixii ka danbeeyay guud ahaan Dalka waxaa si siman u saameeyay bur bur qeyba badan leh, oo aanay jirin cid u diir naxday.

Wadooyinka qeyb ayeey ka ahaayeen waxyaabaha burburay ee aan misna daryeelka helin, waxaana taasi dhaxalkeeda uu noqday in shilalka ay bataan wadooyinka qaarkoodna ay gabi ahaanba xirmaan.

Marka laga soo tago wadooyinka burburka guud uu saameeyay waxaa jira wadooyin xeelad dagaal darteed loo burburiyay kuwaasoo shacabka aanay iminka isticmaali Karin oo ku yaala Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, bal eeg wadada dabka hoosteeda agagaarka Baar Raaxo Buhulaha ka qodan, milicso wadada warshadaha iyo ilinka Wasaaradii Gaashaandhiga, gudaha u gal uu eeg Guryihii Saraakiisha iyo Shirkole Ofishaale intuba waxaa ka muuqda burbur loo bareeray oo misna cusub.

Burburka ujeedada dagaal iyo tan Siyaasadeed uu ka danbeeyo marka laga yimaado, burburka dabiiciga ah wax ka qabashadiisa waxaa isu xil-qaamay dad waxgarad Soomaaliyeed ah kuwaasoo si madax banaan u shaqeeya iyaga oo aan cidna taageera ka helin marka laga reebo Shacabka Soomaaliyeed eek u nool deegaanada howasha dayactirka laga fulinayo iyo kuwa isticmaala gaadiidka wadooyinkaasi mara.

Inkastoo Muqdisho iminka badanka wadooyinkeedii ay xaniban yihiin isla markaana laga adeegsado kaliya wadooyin aan badneyn, isla markaana ay tahay wadada ugu weyn halbawlahana ah ee hadda la adeegsado tan warshadaha ayaa hadana shacabka aanay quusan oo wali waxay leeyihiin niyad wax qabaneysa iyo damiir wadaniyadeed.

Sida ka muuqata Video –ga ku laafiqan qoraalka muuqaalka aad daawaneysaan waa dhismo gudi mutadawiciin ah ay ka fuliyeen wadada dan wadaagta ee xiriirisa Isgoyka Soobe ilaa xaafada Ceel-qalow kuna darsanta wadada ka timaada Airpor-ka ee aada degmooyinka wadajir iyo Dharkeynley ee Gobalka Banaadir.

Waa hubinta haddii Soomaalida oo idil uu ku beernaan lahaa dareenkan wanaagsan eek u dhisan horumarinta dalka waxaa durbaba suurta gal noqon lahaa in xaaladda Dalka isbadal deg deg ah laga dareemo isla markaana shacabka ay noqdaan kuwa isku calool furan oo isu diirnaxaya.

Haddaba akhriste ma kula tahay in Muqdisho oo maalin walba dhibaato dhimasho, dhaawac, barakac iyo macluul laga soo wariyo hadana ay ka socoto howasha ceynkan oo kale ah ee dib u dhiska ah? Fadlan aragtidaada noogu soo dir youtube-ka iyo facebook.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.