Soomaalida Maantay #4 - Beenta Hey’adaha Caalamka iyo Horumarka Bulshada (Daawo Video)

Muda badan waxaan idiin soo gudbinay dhacdooyin la xiriira murug, dhibaato, khilaaf, is heysad iyo muran ka jira dalka, laakiin waxaa xusid mudan in taa badalkeed dalka ay ka jiraan howla hormarka la xiriira. Todobaadkan Barnaamijka Soomaalida Maantay ee Keydmedia ay idin soo gudbiso Arbaca walba waxaan idinkugu soo gudbin doonaa muuqaal muujinaya horumar marqaati leh oo aan hubno in dhamaan inta daawata ay u wada riyaaqi doonaan.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #4 - Beenta Hey’adaha Caalamka iyo Horumarka Bulshada (Daawo Video)

Halka aynu joognaa maanta waa deegaanka Lafoole oo dad badani markay maqlaan xusuusanayaan Jaamacadii Lafoole oo qaarkood ay wax ku soo barteen halka kuwa kalana ay barayaal ka ahaayeen, laakiin maanta booskii jaamacadiisa wallow uu banaan yahay hadana deegaanka kama sal guurin howlihii horumarka la xiriiray oo waxaa ka furan iskuul lagu daryeelo ubadka Soomaaliyeed.

Jibriil Foundation Mogadishu boarding School ayaa ka mid ah iskuulada halkaasi ku yaal, waxaana iskuulkan uu uga dawan yahay iskuulada kale ee ku yaala deeganada loo barakacay ama caasimadda Muqdisho iyadoo oo il gaar ah lagu eego danyarta isla markaana aan laga xirin bixinta qarashaad.

Waxaa hadda wax ku barta Iskuulka 450 Arday oo isugu jirta qeybta boarding –ka iyo ardayada iskuulka uga timaada guryahooda, tirada Ardayda dhigata qeybta boarding-ka waa 42 halka 408-da kale ay yihiin Ardayda ka rawaxda iskuulka ee galin kaliya wax barata.

Waxaa isu taagay Ardaydan in ay wax baraan Macalimiin Soomaaliyeed oo tiradooda gaareyso 21 kuwaasoo uu isu keenay isla markaana abaabulay Jibriil Afrax Ayaanle oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo u istaagay waqti iyo qarashba inuu huro horumarinta bulshada gaar ahaan jiilka cusub ee doonaya in ay wax bartaan isla markaana aan awoodeeda laheyn.
 
Jibriil Foundation Mogadishu boarding School waxaa lagu bartaa maadooyin kale duwan, waxaana dugsiga uu ka koobanyahay seddexda heer ee waxbarashada aas-aasiga ah, iyadoona intaasi ay dheertahay daryeel gaar ah oo ay helaan caruurta ku jirta qeybta boarding-ka waxaana ka mid ah daryeelkaasi barashada qur’aanka kariima, ciyaaro ay kubadda cagta ka mid tahay iyo cunto laga taxadaray oo ay u diyaariyaan hooyooyin Soomaaliyeed oo uu mushaar siiyo maamulaha iskuulka Jibriil Afrax Ayaanle.

Inkastoo badanka caruurta iskuulkaasi dhigato ay yihiin kuwa dhaqaale ahaan aan awoodin in ay waxbartaan hadana waxaa jira caruur aan badneyn oo waalidkooda xiliyada qaar ay bixiyeen qarashaad aan badneyn oo ujeedkiisa tahay kaalmeynta dusgiga si howshiisa ay u socota, waxaana gabi ahaan aan jirin wax hey’ad ama urur ah oo gacan ka geysta wax la qabashada iskuulka.

Hey’addaha Qm iyo kuwa maxali ah oo badan waxa u diiwaan gashan mashaariic looga magac daray horumarinta waxbarashada taasoo loo qoondeeyay Malaayiin Doolar laakiin xittaa hal doolar oo ka yimaada hey’adahaasi sooma gaarin abid Jibriil Foundation Mogadishu boarding School oo haya howashan aad arkeysaan oo horumarka leh.

Toban sano ka hor ayaa iskuulkan lagu unkay gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana xaruntiisa ay aheyd Number afar, laakiin waxa uu  goobtaasi ka barakacay iskuulka markii ay bateen dagaalada ka dhaca agagaarka Number afar oo noqotay goob ciidamada shisheeye ee taageera dowlada ay fariisin ka sameeteen, waxaana taasi ay horseeday in iskuulka uu ku biiro shacabka barakacay ee ku sugan duleedka Muqdisho.

Wacnaan laheydaa haddii dadka Soomaaliyeed ee hadda ku mushaquulsan burburinta iyo siyaasadda aan bulshada loogu daneyn ay u soo wada jeesan lahaayeen daryeelka bulshada iyo sidii loo horumarin lahaa, sooma ahan arin mudan gacan ka geysashada howalaha waxbarashada iyo kuwa horumarka la xiriira ee dalka ka jira, hadaba waa su’aale maxaa helay shacabka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad jooga may ka qeyb galaan taageerada howalha horumarka.

Bal daawade adigaba is dhinac dhiig ninka u istaagay yagleelida xaruntan lagu daryeelo ubadka Soomaaliyeed ee Soomaaliga ah iyo Soomaaliga kale ee gantaalada iyo madaafiicda ku garaaca caruurta iyo Haweenka? Fadlan aragtidaada noogu soo gudbi Facebook iyo YouTube.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.