Soomaalida Maantay #5 - Badda Somalia Kaluun ma ku Haray? (Daawo Video)

Soomaaliya Juquraafi ahaan waxa ay ku taalaa Bariga Qaaradda Afrika, waxaana ay leedahay dhul badeed aad u weyn oo baaxadiisu tahay 3333km kaasoo ay dhex ceegaagaan kheyraad fara badan laguna khiyaaso 250kun oo mt , laakiin waxaa iminka muuqanaya in dagaal la xiriira suulinta kheyraadka lagula jiro Dalka Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
Soomaalida Maantay #5 - Badda Somalia Kaluun ma ku Haray? (Daawo Video)

Soomaaliya waa Dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaarada Afrika marka laga reebo Dalka Koonfur Afrika, waxaana wehliya dherarka xeebta cimilo aad u wanaagsan oo dunida meel laga helaa aanay jirin inuu leeyahay Dalka

Xeebaha Dalkeena iyo gudaha badweyntaba waxaa ka socda dhaq dhaqaaq xoogan oo lagu suulinayo kheyraadka Soomaaliya, kaasoo ay wadaan Shisheeye aanu jirin cid kala xisaabtameysa dhibaatada ay wadaan maadaama dalka aanu ka jirin Dowlad waxtar leh oo daafici karta guud ahaan amniga iyo kheyraadka Dalka.

Warbixinadda Qaarkood ayaaba sheegaya in maraakiibta Shisheeya ee gurta kheyraadka Dalka ay xiriir la leeyihiin dad ka tirsan  horjoogayaasha Siyaasadda Soomaaliya, waxaana la sheegaa in maraakiibtaasi ay wataan Documents loogu ogolaaday in ay xalufinta kheyraadka Dalka.

Magaalooyin xeebeedyada Soomaaliya waxaa ku nool dad fac ka fac nolashooda ay ku tiirsaneed kheyraadka badda, waxaana hadda dadkaasi ay dareemayaan nolal xumo iyo dhibaato lagala kulmay kheyraadka Badda Soomaaliya ay caanka ku aheyd oo qaarkood ay dabar go’eyn kuwa kalana ay isaga gurtaan la xisaabtan la’aan maraakiib shisheeye.

Cali saciid waa nin oday Da’diisana ay ka sara martay 50-sano waxa uu ka kaluumeestaa xeebta degmada Xamarweyne gaar ahaan xaafadda A’aweyska, waxaana xiligii aan la kulmeynay ay Makaadin uga raaracday  Jamalka korkiisa, saacado waxa ay aheyd 10:00 Subaxnimo xiliga Muqdisho laakiin mudada afarta Saac ah ee uu Jamalka dul fadhiyay xittaa hal Kalluun ah Makaadintiisa sooma qaban.

“Maalin walba halkan ay nimaanaa, xiliyada qaarna waxaan dib u laabanaa annaga oo xittaa helin kaluun aan qoysaskeena u geyno marka laga yimaado mid aan u iib geyno Suuqyada, waxaana taasi sabab u ah xaalufka ba’an ee ay badda ku hayaan maraakiibta Shisheeye” sidaa waxaa yiri Cali Saciid .

Waxaa uu intaasi ku sii daray ninkan odayga ah in xittaa la waayay qeyba ka mid ah kaluunkii, isagoona taasi u sababeeyay xaalufka Shisheeyaha ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya, .

Max’ed waa nin dhalinyara ah, kana mid ah dhalinyarada adeegsata doonyaha ee ka jalaabta xeebaha Gobalka Banaadir ilaa Sh/hoose , laakiin Max’ed waxa uu cabasho tii ugu darneed ka muujiyay Ciidamada Amisom ee taageera dowladda, waxaana uu xusay in AMISOM ay dhibaato ku heyso kaluumeysatada Soomaaliyeed xiligan, gaar ahaan kuwa Gobalka Banaadir.

“Dhamaan meelihii aan badda ka gali jirnay waxay ka sameeteen fariisimo, mana ogola in agtooda la tago, waxaaba taasi dheer in hub walba oo ay keensadaan lagu tijaabiyo badda taasina waxay sababtay in  kaluumeysatada ay dhibaato ka gaarto, Shiikheey oo ahaa nin Kaluumeesta ah waxa uu u dhintay Naxdin kadib markii doontiisa uu ku agdhacay hub ay soo tureen Amisom, sidoo kale waxaa wali nolal iyo gaari  meelna lagu sheegin wiil la socday doontaasi” sidaa waxaa yiri Max’ed .

Waxaana uu intaasi ku sii daray  “  45 shabaakadood oo aan Badda la galnay dhawaan waxaa jaray  markab aynaan aqoon cida leh, nolasheena xittaa halis ayeey gashay, mana jirto cid arimahaasi lagala hadli karo oo garab taagan kaluumeystada Soomaaliyeed, Dowlad ma jirto, waxaana dalka Dowlad ka ah AMISOM oo waxay doonta ku dhaqaaqda” ayuu yiri Max’ed oo isaga jamal dushiisa saaran ay la kulantay keydmedia.net.

Waa hubinta in hey’adda badan oo Sheeganaya Samaflayaal ka shaqeynaya horumarinta bulshada Soomaaliyeed in qarashaad badan ay ku cunaan magaca bulshada Soomaaliyeed, wacnaan laheydaa haddii qarashaadkaasi sida maalaa-yacniga loo adeegsanaya ee Hoteelada lagu daganyahay si dhab ah loogu maal –galin lahaa mashaariic horumarineed sida kalluumeysiga oo kale.

Hadaba akhriste sideed is leedahay waa lagu horumarin karaa Kallumeysatada Soomaaliyeed, laguna joojin karaa xaalufka baddeena ay ku hayaan maraakiibta Shisheeya ee heysta Saxiixa Soomaaliga aan wadaniga aheyn? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.