Taageera Beenaadka Hey’adaha iyo Tabarta Bulshada - Madina Hospital (Daawo Video)

Soomaaliya hey’ada badan ayaa sheega in ay u sameeyaan maalgalin iyo taageero, laakiin xoogga taageeradaasi lama gaarsiiyo meelaha looga baahanyahay, waxaana dhaqanka Hey’adaha uu u muuqdaa halkudhigii Soomaalida ee ahaa qofkii quraac heli kara ayaa qado loogu daraa.
Maqaallo Keydmedia Online
Taageera Beenaadka Hey’adaha iyo  Tabarta Bulshada - Madina Hospital (Daawo Video)

Waa dhif iyo naadir in la arko hey’ad sheeganeysa magac samafal oo ka shaqeyneysa horumarinta goobaha caafimaadka ee u baahan taageerada ee ku yaala Muqdisho, waxaana taas badalkeed ay isku madadaaliyaan Hey’adaha goobo dhibaato aanay ka jirin.

Warbixin ay soo saareen saraakiisha gaadiidka gurmadka Deg dega ah ayaa sheegtay in mudadii u dhaxeysay 2009-2010 qasaaraha rayid ee ay la kulmeen gaadiidka gurmadka inuu ahaa 4,260 oo dhimasho ah iyo dhaawaca 12,567 Xafaahada magaalada Muqdisho oo kaliya, laakiin ma ahan intaas oo kaliya dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ee qiyaasaha la hayo qaarkood ay wadarta ka dhigaya geerida ku dhawaad 70 kun oo qof halka dhaawacana uu yahay in ku dhaw 100 kun.

Mala awaalka hey’adaha marnaba saameyn kuma yeelan hamiga iyo doonista bulshada Soomaaliyeed, waxaana bulshada ay iskood u garteen in ay abaabulaan qaabab ay uga kaaftoomi karaan u gacan hoorsashada hey’adaha.

Muqdisho inkastoo ay tahay magaalo kulansatay dhibaatooyin badana hadana ma quus dhigin dadkeeda oo dadaalka halkiisa ayuu ka socdaa isla matkaana waxaa jira shaqsiyaad Soomaaliyeed oo waqti badan ku bixiya waxayaaba ay danta ugu jirto bulshada Soomaaliyeed.

Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waa goobta ugu weyn ee ay daryeel caafimaad ka helaan shacabka dhibaatada kala kulma madaafiicda maalin walba leysku asqeeyo, waxaana isbitaalka iminka uu la daalaadhacayaa taageera la’aan tiyoo dunida qarashaad badan looga cuno horumarinta caafimaadka Soomaaliya, balse waxaa qarashkaasi jeebka u dhigta hey’ada beenaad ka taajiray dhiiga shacabka.

Isbitaalka waxaa lagu dabiibayaa iminka dhaawacyo kale duwan oo badankood waxyeelo ay ka soo gaartay madaafiicda Muqdisho leysku weedaarsado, iyadoona dhanka kale ay jiraan dad tira yar oo dhibaatooyin kale la soo kulmay oo ku jira isbitaalka.

Dr Max’ed Yuusuf Xasan waa agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina oo aan wareysanay ayaa sheegay in isbitaalka marka laga reebo ICRC-aanu cid kale ka helin taageero, waxaana uu hoosta ka xariiqay in aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay ku wadan howasha isbitaalka.

Iyadoo arimahan oo dhan ay jiraan aya hadana Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho waxaa ka soconaya dagaal aan ujeeda laheyn kaasoo lagu leynayo shacabka isla markaana aanay jirin cid haba yaraatee mas’uuliyadda dhabarka u ridaneysa.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.