Bisha Cibaadada & Jihaadka

Soonku waa Samafal iyo Sahayda oo la badsado

Maqaallo Keydmedia Online

Bisha Ramadaan waa bil bilaha kale oo dhan uga duwan is-beddelka ay la timaado taas oo ay ugu weyn tahay ka soomidda cunnada iyo cabitaanka iyo aqriska Qur’anka iyo badinta acmaasha wanaagsan oo dhan, hadaba tani waa waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Soonku waa Samafal iyo Sahayda oo la badsado

Dad badan waxay doorbidaan inay in yar ka shaqeeyaan; in bandanna ka nastaan si ay uga gaashaantaan oonka iyo harraadka maalinkii oo dhan. Waayo uma tix-geliyaan camal weyn howlaha ay qabanayaan; umana arkaan mid loo xisaabinayo ajir inay ku sugnaadaan howshooda maalinlaha ah oo ay qoys iyo qaranba u hayaan.

Waxa kaliya oo ay ka ferkeraan ayaa ah inay salaadaha dheeriga ah sid Taraawiixda iyo dabcan maba dhacdo inta badanse, inay ku ictikaafaan masaajidda ama saacado xiriir ah ku dhex wardiyaan.

Laakiin, xaqiiqdu sidaas ma ahan. Bisha Ramadaan looma soo dejin inay qofka Muslimka ah ka joojiso wax walba oo noloshiisa anfaco u leh – isaga oo xujo u arkaya inay ku adag tahay soonka. Balse, taasi beddelkeeda, waxay usoo degtay inay caafimaad jir ahaaneed iyo hufnaan ruuxinayadeed ay siiso qofka Muslimka ah.

Diinta oo asalba diidan caajisnimada iyo meel-fadhiga, in Bishan laga dhigto ay noqoto cudurdaar qofka ka qaada rabitaanka iyo jaceylka shaqada waa gef. Kamid noqoshada bulshada Muslimka ah ee howlahooda adduun ku dhinac wata gudashada waajibaadka la saaray waa lama huraan. Waxaase sii amaanan kuwa shaqada iyo ugu yaraan cibaadada sida Alla-bariga isku wada oo fursadii u timaadaba uu kaga faa’iideysto istiqfaar iyo Qur’an aqris.

In masaajidda la camiraa halka ay aad u lama huraan tahay goor walba, hadana waxaa kasii lama huraansan inaan la moogaan dhacsiga nolol maalmeedka iyo dalbitaanka deeqaha Ilaahay si aad kaga kaaftoonto gacan kale.

Bisha Ramadaan ma ahan inay qofka ka qaado khiyaarka sida inuu shaqadiisa suuqa ka gaabiyo; ama uu salaadaha geyn waayo jameecada masjidka; ama inay ka fogeyso hiwaayadiisa sida kubaddii uu galab walba dheeli jiray.

Waa inuu shaqadii uu bulshada u haayay Soonqaadka kahor si kasii firfircoon kana dulqaad iyo deeqsinimo badan ugu soo dhalaalaa si aanay kaalintiisu u lumin. Waxaa kale oo lama filaan ah in qofku sidii uu bulshada ula macaamili jiray kahor uu si kasii qurux iyo soo dhaweyn badan ula dhaqmo bulshada – isaga oo maanka ku heynaya in daqiiqad walba oo maalinkaas kamid ah ay macquul tahay in hal ficil oo uu sameeyo loogu dambi-dhaafi karo.

Waxaa aad loo bogaadiyaa kuwa aan xisaabta ku darsan oonka iyo gaajada oo ku mintida inaysan firaaq u abuurin jadwalka noloshooda. Waayo waxay og yihiin inay jir ahaan is beddeli karaan sida inuu culeys dheeri ah ku yimaado jirkooda haddii ay ku qancaan inay kala dhantaalaan howlihii ay horay marqura wada qaban jireen.

Bahda caafimaadka ayaa ku taliya in qofka aanu bixin daaqad ka badan intuu horay u qaban jiray Soonka kahor, haddana aanu kala dhantaalin. Sababta oo ah, ayay yirahdeen jirku macquul ma ahan inuu la gegsan waayo maalmaha kooban saacadaha cunna la’aanta marba haddii uu ka nasanyo la falgalka cunnooyinkii lagu shubi jiray caloosha.

Talada ugu habboon in qofku ku dhaqaaqo si aanay daqiiqad walba uga qasaarin istigfaar la’aan waa inuu usoo iibsadaa tusbax oo mar walba oo si ku meelgaar ah uu kaga nasanayo shaqada uu awoodi karo inuu gacanta ku qabsado.

Waxaa kale oo xusuusin mudan in saacadaha uu qofku saaran yahay gaadiidka dadweynaha ama uu xaafadda dhex marayo inuu heysto waqti ku filan oo uu tasbiixda iyo taxmiidda afkiisa bari karo si saacadahaas tira badan uu in yar oo xasanaad ah uu ugu darsado.

Muslimiintii hore waxay bishan u arki jireen bishii cibaadada; iyo Jihaadka. Waxaana xusid mudan in futuuxaad badan ay sameeyeen iyaga oo sooman.

Haddaba, waa adiga iyo khiyaarkaa: inaad Soonqaadka ka nasato shaqooyinka ama iska yareyso – iyo inaad wax cusub oo umadda iyo degaanka anfacaya – af iyo addin – kusoo biirayso si ajirkaadu u lala laabmo!

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.