Talafi oo Muslimiinta Nabiga S.C.W Xusta ku tilmaamay Gaalo!

Axmednuur Cabdulaahi Cali - Iyadoo intabadan Muslimiinta Caalamka ay u dabaaldagayaan Maalinta Qiimaha weyn ugu fadhiso ee Mowliidka Rasuulka S.C.W ayaa hadana waxaa soo baxayo Dad culumo sheeganayo oo ay dhibeyso weyneynta iyo kor u qaadista Xabiibkeena Muxamed ah S.C.W.
Maqaallo Keydmedia Online
Talafi oo Muslimiinta Nabiga S.C.W Xusta ku tilmaamay Gaalo!

Markasta oo ay Bisha Rabiilcul Awal curato Muslimiintu cadaan iyo Madow waxay si kal iyo laab ah ku soo dhaweeyaan soo ifbixida Nuurkii Aduunka oo ah Sayidkeena Muxamed S.C.W.

Waxay  qurxiyaan bilicda Masaajida iyo guryaha, dhar Qurux badan ayay xirtaan sadaqadana waa ay badiyaan, waxaadna wajigooda ka dareentaa Farxad iyo reynreyn dheeraad ah.

Goobaha ay Xafladahu ka dhacayaan waxaa lagu xardhaa waxyaabo aad u Qurux badan oo uu kow ka yahay Magaca Nabiga S.C.W.  

Maalinta 12 oo loo badanyahay inay tahay Maalintii uu ifka u soo baxay Sayidkii ugu Kheyrka badnaa Alle intuu abuuray ayaa Wadamada Muslimiinta ka ah maalin feestaa oo aan shaqo iyo waxbarasho mid loo dareerin.

Dabaaldaga waa mid aan kala go’in bisha oo dhan.

Waa Waqti Barakeysan oo laba guur ku heshiisay ay madladaan inay dadabgalaan markii la gaaro Bishan oo kale. 

Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah maqaawiirta Kooxda Talafka ee ku abtirsata Wahaabiyah ayaa aflabadiis yeeray kadib markuu arkay Xafladaha mowliidka oo Caalamka dhan isqabsaday.

Sida laga dhadhansanayay hadalkiisa waxaa utun weyn ku heysay Shucuubta Musliminta ah oo u istaagay inay taageeraan Culimadii asalka aheyd ee diinta fidinteeda geed gaaban iyo mid dheer u koray oo ah Ahlusuna Wal Jamaacah.

Umal wuxuu mowliidka ku tilmaamay Bidco aan raad kulaheyn diinta Islaamka isagoon ayaad, xadiis, qiyaas ama ijmaac midna keenin. (Mar hadii uusan xujo cad la imaan culimada waxay leeyihiin Umal wuxuu u hadlay afkeygaa qoyan).

Dowladaha u damaashaada farxada Mowliidka Rasuulka S.C.W ayuu ku shabadeeyay inay yihiin dowlada aan diinta ku Dhaqmin. 

"Waagii hore waxay aheyd laba wadaad oo inta isku timaado kitaab aqriso, wax sheeg sheegto raashin cuno iska tago, hada waa ay kadartay, waxay noqotay ciid rasmi ah oo ay dowladuhu tabaniyaan, dowladahaas waa kuwa aan diinta ku dhaqmin."

Sidaas waxaa ku calaacalay Umul talafi oo ka xun sida caalamul islaami ay ugu dabaaldageen Mowliidka.

Arinta layaabka leh waxay tahay in uu sicad isu barbardhigay Kirishtanka iyo Mu’miniinta u ixtifaalo mowliidka isagoo yiri waxaad moodaa Inay kalaab ku jiraan oo ay Dance Ciyaarayaan.

Umal iyo dhamaan Kooxa Magacyabadan waxay caan ku yihiin gaaleysiinta Umada Muslimiinta ah wayoo wixii aan iyaga ku fakar aheyn waa u Mushrikiin.

Dadka u dabaaldago dhalashada Nabiga S.C.W waa kala Af, kala jinsi, kala midab waxaase mideeyo hal arin oo ah Jaceylka ay u qabaan Nabigooda, sababta ugu weyn oo ay sameynayaan mowliidkana waa farxad iyo inay Rabbi S.W uga mahadceliyaan Nimcadan weyn ee uu ku galaday oo ah dhalashada Xabiibkeena Muxamed ah S.C.W.

Hadaba Akhristow Ma waxaa saxan Muslimiintna Billions kor u dhaafay ee Sanadkasta sameeyo Mowliidka Misa Kooxa Magacyabadan ee laga masruufo Sucuudiga Sida: Iqwaanul Muslimiin, Wuxdatu Shabaab, Itaxaad, Majmac, Maxaakiim, Islaax, Talaf, Ictisaam Al-tabliiq, talaful Jadiid, Tadaamun, Shabab, Xisbul Islaam, Aala Shiikh, iyo kuwa kale oo wadada ku soo jiro.Xaqiiqadu waxay tahay, Xaqu isma badalo mana ahan Shirkad Musalafto.

Sidaa daraadeed hadii diin la wdo intaan oo magaca maxaa loo badashay? Waxay ilatahay qofkii caqli u saaxiib ah waa fahmi karaa.

W.Q. Wariye Axmednuur Cabdulaahi Cali - London - ahmednur@journalist.com





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.