TALISKII CALI GAROOBKA!!!

Mogadishu ( keydmedia.net ) Mudo ku dhaw lix sano waxaan maqalnaa magaca ah Dowlada Soomaaliya iyo maamul deegaameedyo ku mataaneysan oo ku faana matalaad qaran iyo shacab Soomaaliyeed.
Maqaallo Keydmedia Online
TALISKII CALI GAROOBKA!!!

Tan iyo 2004-tii Muqdisho waxaa soo maray maamul gobaleedyo kale duwan kuwaas oo afkaar ahaan aan wax weyn ku kala duwaneen wallow mid walba marka la soo xasuusto qeyb ka mid ah dadka ay dareemaan uurkutaalo iyo caloolyow daran oo ay la kulmeen mudadii taliskiisa uu jiray.

Waxaa xusid mudan in dhamaan maamuladaasi marka la odaraso fakarkooda iyo hanaan howleedkooda ay u muuqaal ekaayeen kuwa dhagaha shacabka ku shubaya erayo qoran oo mid walba uu ugu yimaado xafiiska gudoonka Maamulka wallow mid walba uu erayadaasi ku sii darsado waxa laabtiisa ku jira.

“Nadaafada Gobalka halaga shaqeeyo, Bilicdii Muqdishow dib ha loo soo celiyo, waana waajib in Geedka cali Garoobka ah laga jaraa guud ahaan magaalada oo laga suuliyaa,maadaama uu bilicda magaalada wax u dhimaya” erayadaasi iyo kuwa kale oo la maatana ah waa erayo ay ku caanbaxeen Mas’uuliyiinta isaga danbeeyay qaab maamulka Gobalka Banaadir.

 

Ma ahan in  aan diidanahay ka shaqeynta Nadaafada laakiin su’aasha ayaa ah Dagaalka Cali Garoobka ee gudoonka Gobalka Banaadir ma ahan mid dhamaada miyaa? Soo tii ay kol hore ugu baaqeen dagaalka Cali Garoobka Madaxdii hore ee Gobalka sida Cadde Gaabow, Max’ed Dheere, Max’ed Dhagaxtuur, ENG Nuune iyo Max’ud Tarsan oo maanta joogo jaranjaradii kowaad ee Cali Garoob la dirirka.

Aan isa su’aalnee Cali Garoob muxuu yahay? Dad bay la tahay marka ay magacan is wata arkaan inuu yahay nin inta mar guursaday xaaski ay kala tageen, kuwa kale ayeey la tahay nin aan ku wanaagsaneen macaamilka Dumarka isla markaana mar walba ay is hiifaan tay dhadab galaan iyadoo aanay waqti badan wada qaadan, laakiin sidaa oo dhan ma ahan  ee Cali Garoob waa geed lagu arkay Soomaaliya wixii ka danbeeyay burburkii Dalka iyo imaanshihii Ciidamada shisheeye ee loogu Magac daray UNISOM dadka qaar baa u yaqaan geedkan Geed Yahuud  .

 

Inkastoo dhamaan  Mas’uuliyiintii soo martay Gobalka Banaadir ay si wada jir ugu wada baaqeen Dagaalka ka dhanka ah geedkan ayaa hadana waxaa xusid mudan in 50-kii Mitir ee aad socoto gudaha Muqdisho aad ugu yaraan aad arkeyso Seddex geed oo isla noocan ah, miyaanay muuqan in xitaa lagu guuleysan la’yahay Dagaalka ka dhanka ah geedkaasi mudo 6-sano ah, maxaad ka maleyneysaa Dagaal kale oo lala galo koox hubeysan ama garab siyaasad doon ah ?

Mudadan lixda sana ah ee Gobalka Banaadir ay isaga danbeeyeen maamulada lixda kor u dhaafaya maamul walba kan uu ka danbeeyo waa ay ka sii yaraanayeen degmooyinka gacanta ugu jira, tusaale kooban hadaan ka dhigano waayadii dhagaxtuur Dowlada degmooyinka ay ku xisaabtanto waxaa ku jiray Kaaraan, C/casiis, Shibib, Boondheere iyo qeyba ka mid ah Yaaqshiid, balse xil ka qaadistii dhagaxtuur kadib degmooyinkaas xoogooda hada gacanta way ka baxeen.

 

Bartamihii bishii hore ayeey aheyd markii xilka laga qaaday ENG-C.risaaq Max’ed oo Nuune loona magacaabay xilka gudoonka Gobalka Max’ud Tarsan laakiin hada degmooyinka Gobalka ee ay Dowlada ku tashato waa Wadajir, Dharkeyley, Waabari, Xamar jajab iyo Xamar weyne  oo iyaga xitaa inta badan ay ka dhacaan falal qal qal galiya Amaanka.

 

Xili walba oo isbadal maamul uu ka dhaco gobalka Banadir waxaa aad u sii bata barakaca shacabka iyo dhibaatada Nolasha ee ay wajahayaan, waxaana intaasi ku xiga balan qaadyo uu maamulka u sameeyo oo ku aadan wax u qabad wallow aanay bishimaha dhaafsiisneen.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa waxa ay tahay hadmuu soo idlaan doonaa dagaalka ka dhanka ah Cali Garoobka ee ka socda Gobalka Banaadir? Muxuuse noqon doonaa dagaalka xiga ee uu gali doona Maamulka ma dagaalka tiitiinkaa mise …? .

 

www.keydmedia.net 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.