Tallo: Safiirka Tahriibka Ka Taajiray, Yaan Dib Loo Arag!

Keydmedia Online - Soomaaliya waxey ku jirtaa Wadamada ugu Safaaradaha badan Aduunka, waxeyna ka Safiiro badantahay Dowlada Ruushka ama Sacuudiga waayo Madaxdii Dalka soo martay midwalba wuxuu Magacaabay Ragg uu ku kalsoonyahay.
Maqaallo Keydmedia Online
Tallo: Safiirka Tahriibka Ka Taajiray, Yaan Dib Loo Arag!

Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre Safiiradii uu Magacaabay waxaa ku darsoomay oo lagu kordhiyay kuwo uu magacaabay Xukuumadii Manifesto oo uu Madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed. Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad ayaa wuxuu Magacaabay Safiiro kale, kuwii ugu tiradada badnaanah waxaa Magacaabay General Gabre iyo Col. Cabdullahi Yusuf, Sharif Sheikh Axmed ayaa asaguna 2009 ilaa 2012 wuxuu Magacaabay Magacowday Safiiro & Qunsulo oo uu Asagu ku kalsoonyahay

Safiirada Tiradoodu waxaa lagu sheegay 160 Safiir oo midwalba Soomaali wakiil ka yahay, sidaa xogogaal u tihiinba markii la iska dulgeeyay Safiiradaas waatey is-Dagaaleen oo qaarkood Gacanta iskula tageen.



Dhamaantood Safiiradaas waxey ku yimaadeen Qaab Beeleed, qaab 4.5 iyo qaar Doollar ku iibsaday Safiirnimada. Midwalba Dowlada uu martida u ahaa ayuu Gacanta hoorsadaa, waxey qaarkood ku howlanyihiin iney Viisooyin codsadaan kadibnah Tahriibayaalka Soomaalida ka gataan, qaarkood iney codsadaan Deeq Waxbarasho oo ay Ardada Soomaaliyeed ka iibsadaan, qaarkoodnah waxey iibsadaan Baasaboorada Soomaaliga ah siiba kuwa Gaduudan oo Diplomaasiyiinta qaadato, kuwanah Daroogada ayeeba xambaaraan oo waxaa loo yaqaanaa "Corrieri".


Info-Box:

Bishii Mai ee Sandkii lasoo dhaafay ayaa Dowladda Zambia shaaca ka qaaday in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Zambia ay irdaha ay isugu dhufatay Sababo ay ku sheegtay is qab qabsi ka dhex dhashay Safiirkii hore iyo Safiir cusub oo dowladda KMG ah ay soo magacowday.

Afhayeen u hadlay Booliska dalka Zambia ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay amar ku bixisay Jimcihii lasoo dhaafay in Safaaradda la xero si KMG ah maadaama uu muranka sii xoogeysanayo , waxana haatan Dacwadda la xiriirta Arrintan ay Gacanta ugu jirtaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Zambia....


Fadeexadaha ay faraha la galeen waxaa laga tilmaami karaa: Safiirka horey u joogi jiray Liibiya, hadanah ku sugan Safaarada Soomaaliya ee Tanzaania, ninkaas waxaa laga qoray Warbixino farabadan iyo Ashtakooyin ay soo jeediyeen Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Tahriibka ah.

Waxaa lagu eedeeyay inuu Dhalinyarada Xabsiyada Tanzania ku xiran iibsado. Eedeyntaasinah waxaa dusha ka saaray Dhalinyarada Xabsiga Tanzania ku xiran iyo kuwii uu gatay.

Horin kale oo Safiiradaas kamid ahwaxey u adeegaan Beeshooda oo kaliyah waayo wuxuu leeyahay "Anigu waxaan ku imid 4.5, Soomaali ima keenin ee Qabiilkega ayaa i keenay, Xafiiskaanah Anigaa Maamula".



Prof. Maxamuud Cumar "Maxamuud Shimbir" oo dhiga Psychologie (Culuunta Bulshada) ayaa Keydmedia Online ka codsaday in ay Gudbiso Aragtidiisa ku aadan Boqolaalka Safiir oo Soomaaliya Masala.

Prof. Maxamuud oo ka xajimooday tirada Safiirada iyo tayo-xumadooda ayaa wuxuu yiri "Hadii taladayadu wax tareyso, waxaan Dowlada Soomaaliya iyo Madaxdeeda ugu baaqi laheyn in dhamaantood la daadsho (Casilaad) oo Jaa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.