Tarzan iyo Qurba Joogta Maxaa kala haysta?

By Maxamed Xaaji - Waa hagaag, waxaan Daawaday ama aan dhageystay aan iraahdee qeybo ka mid ah hadal uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" uu ka jeediyay xaruntiisa Daraad.
Maqaallo Keydmedia Online
Tarzan iyo Qurba Joogta Maxaa kala haysta?

Sida ii muuqatay ayaa Mudane Tarsan khudbaddiisu ahayd mid ka dheer tan internetka la soo giliyay balse ahayd mid la soo jar-jaray oo la is ku keenay.Weli, sidaas ay tahay waxa ay khudbadiisu soo jiidatay guud ahaan Soomaalida Qurba-Joogtada aha ama dadka dhowaanahan loogu yeero "Dayuusbaro". 

Inta aanan laygu la dagaalin ereygaas isaga ah aan ka afeefto oo aan iraahdo anigaba waxaan ka mid ahay qoladaas inkastoo aan aanan ka mid ahayn kuwa "Qooqan" waa sida uu Mudane Tarzan hadalkiisu u dhigaye.!  Haddii aanad maqal hadalkii Tarzan waxaad ka dhageysan kartaa Halkaan: http://youtu.be/cv18zF0f4vQ
 
Waan jeclaan lahaa in aan dhihi karo Mudane Tarzan waxa uu u hadlay si ka duwan sida Siyaasiyiinta iyo dadka Hogaanka inoo ah kuwooda ugu fiican; balse, taa waxay noqoneysaa been qayaxan waayo inta badab siyaasiyiinteenu afkaa daloola: Mudane Tarzan-na ugu yaraan shalay Af intuu la ekaa ayuu furtay.!

Waa sax in Soomaalida Quruba-joogta ah ay ka dhaqan duwanyihiin kuwa Wadanka gudahiisa ku sugan -Ha yaraato ama ama habadnaatee-, Aniga halkan uma joogo in aan difaaco Qurba-Joogta. Bal in yar aan isla eegno waxyaabaha Anshax darrida ah ee ka dhaca gudaha Magaala-Madaxda taasi oo ay Qurba-Jogtu wax shaqo ah aysan ku lahayn ama aysan ahayn Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.