GHDHF ee 20/21

Toban Su’aallooyin oo laga qabo Warqadda RW Rooble

Maqaallo Mohamud M Uluso

Warqadda Rai'sul Wasaare Maxamed Xussein Roble u diray Afarta Dowlad gobolleed ee Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug- ee taarikhdeeda tahay 17.10.2020, kuna saabsaneyd magacaabidda Xubnaha Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal GHDHF 2020/2021, waxay abuurtay isweydiin badan:

Toban Su’aallooyin oo laga qabo Warqadda RW Rooble

Tobanka Su'aallooyin oo Toban Su'aallooyin oo laga qabo Warqadda ayaa ah: 

1. RW Roble ma ogaa khilaafka wejiyada badan ee ka dhex aloosnaa Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynayaasha DG qaarkood muddada 2 sano? Haddiise uu ogaa muxuu ku tala galay? Ma inuu sii wado oo ka qayb qaato ama inuu wax ka qabto kana fogaato inuusan lug ku yeelaan hurinta khilaaf cusub?

2. RW Roble ma la socdaa jaahwareerka ka taagan DG Hirshabelle? Mase og yahay in muddo xileedkii Barlamaanka iyo Madaxweynaha Hirshabelle dhammaaday ka hor 17.10.20? 

3. RW Roble ma la socda inaan heshiis buuxa laga gaarin guddiga xallinta khilaafaadka? 

4. RW Roble ma og yahay in dadweynaha soomaaliyeed la socon in DF, Gobolka Benadir, iyo Koofur Galbeed ay soo magacaabeen xubnahooda, lana shaacin haddii ay soo magacaabeen? 

5. Sidee RW Roble rabaa inuu isu waafajiyo qalalaasaha ka taagan Gedo ee Jubbaland iyo Hirshabelle iyo hirgelinta doorasho heer federaal oo heshiis lagu yahay, xor iyo xalaal ah, daahfuran, loo siman yahay? 

6. RW Roble ma tixgeliyay inta uusan qorin warqadda in dalku weli yahay xukuumad la’aan madaama uusan jirin Gole Wasiirro ee Golaha Shacbiga ansixiyay, taaso sawir buuxa ka bixin doona isbeddelka hoggaanka dowladda federaalka? 

7. RW Roble ma ku tala galay kalsooni darrada iyo saluuga ballaaran ee laga qabo Madaxweyne Farmajo iyo in talada dalka gacanta ugu jirto shakhsi aan la dooran isla markaana diidan ixtiraamka dastuurka RW Roble lagu magacaabay?  

8. Haddii Madaxweyne Farmaajo iyo RW Roble diideen inay dhawraan dastuurka iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, suura gal ma tahay in Madaxweynayaasha DG u hoggaansamaan qoraallada RW Roble? 

9. RW Roble ma qiimeeyay xaaladda murugsan ee dalka ku jiray intaan la magacaabin, taaso keentay in RW Xassan Cali Kheyre 7 daqiiqo xilka looga qaado, loona diiday inuu wareejiyo xilkii uu soo hayay 3 sano 6 bilood? 

10. RW Roble ma la socday in 3 sano iyo 6 bilood dalka ka hanaqaaday nidaam fowdo ah oo laga tagay ilaalinta hab dhaqan dowladeed ee dastuurka iyo sharciga iyo maamul wanaagga waafaqsan? Muxuuse yahay ku tala galkiisa?

Mohamud Uluso




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.