Turkigu maka garaabi doonaa Gabbood-fallada Gorgor?

Maqaallo Keydmedia Online

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa 19/2/2021, magaalada Muqdisho galisay qalalaasihii ugu xoogganaa oo nuuciisa oo kale aan taariikhda la warin, waxayna joojiyeen mudaharaad nabadeed oo ay ku dhawaaqeen Golaha Midowga Musharixiinta.

Turkigu maka garaabi doonaa Gabbood-fallada Gorgor?

Rajiim-ka waqtigu ka dhacay ayaa maleegay falkii ugu foolxumaa siyaasadda Soomaaliya kaas oo ah in la qaarijiyo Madaxweynayaal hore oo dalka u soo shaqeeyay, tagtadii hore melna kagama taal qorshe ka qalloocan iyo qaab darro ka darran wixii Xamar ka dhacay habeenkii iyo maalintii Jimcaha.

Xasaradihii xarka goostay ee Xamar gilgilay ee Kali-talisku ku doonayay in lagu dilo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, RW hore Xasan Cali Kheyre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo siyaasiyiin kale oo can ah waxaa laga falkiyay Villada ay Fahad iyo Farmaajo sharci darrada ku fadhiyaan.

Falkaas oo loo fasirtay mid dad gaar ah lagu dabar-jarayay, waxaa loo adeegsaday Ciidamadii, gaadiidkii, hubkii, hantidii iyo warbaahintii Qaranka ee la wada lahaa, waxaana howlgalka lagu fuliyay Ciidamada Gog-gor ee lagu soo tababaray dalka Turkiga iyo qalabka Milatari ee Dowladdaas ey deeqda u siisay Soomaaliya.

Si shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir loo caburiyo, waxaa meel kasta la dhigay gawaari gaashaaman oo Turkigu ugu talagalay in ay Gor-gor kula dagaalamaan Kooxda Al-Shabaab, hayeeshee taas baddelkeeda kali-talisku u igmaday in lagu gumaado madaxdii iyo masuuliyiintii dalka keenay Turkiga galayna heshiiska ay Dowladdaas ku tababartay kuna qalabeysay Ciidanka Militariga Gorgor.

Dadka reer Muqdisho waxa ay is weydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin; Dowladda Turkiga ciidanka ay qalabeysay qaladka kama qaban karto miyaa? Gabbood-fallada Gorgor geysanayaan ee Kali-talisku amray Turkigu ma oga miyaa? Dan kama laha miyaa? Saaxiibtinomada ay sheegayeen sax maaha miyaa iyo tan ugu muhiimsan oo ah Turkigu muu ka hadlo?

Odayaasha Muqdisho oo uu hoggaaminayo Nabaddoon Xaad ayaa Jimcihii ugu baaqay Dowladda Turkiga in ay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan arinkaan, isla-markaana ay joojiso taageerada ay siineyso Rajiimka uu waqtigu ka dhamaaday ee Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan.

Keydmedia Online waxa ay ogtahay in waddamada ciidamada u tababara Soomaaliya oo Turkiga iyo Maraykanku ugu horreeyaan ay si toos iyo si dadbanba ugu lug leeyihiin amarada la siiyo si ay howl-gallo u fuliyaan, sharci iyo sharci darraba.

KON markii ay u kuur gashay guuxa Shacabka Muqdisho, waxaa u soo baxay in ay Dowladda Turkiga ku qorayaan buugga ay ugu qoran tahay Dowladda Qatar oo tan iyo markii Farmaajo la dooraty qeyb ka ahayd qalalaasha dalka haddii aysan ka jawaabin hadal heynta jirta.

Siyaasiyiin, dhaqan, dhalinyaro, haween iyo culumo, guud ahaan dadka reer Muqdisho waxay dhagta u taagayaan jawaabta Turkiga, waxayna qalinka u hayaan qoridda taariikh qurxoon ama mid qaraar, mid madow ama mid cad, hadba midda Dowladda Turkigu doorato.

KEYDMEDIA ONLINE.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.