? Video - “U Sheeg Caalamka, Muqdisho Wey Iftiimeysaa!” - Isbedelka Dhalinta Xamar!

Cumar Nuur (Keydmedia) - Qormadan waxan idiin soo gudbineynaa Qaabka ay ku noolyiihiin Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magalada Muqdisho, kuwaasi oo hadda Indhaha ku haya Mustaqbal iyo Fursado Wanaagsan oo dhinaca Mustaqlkooda ah kadib markii oo mudo 20 Sano ah uu dalkooda Hooyo burbursanaa oo aysan helin wax Fursad ah.
Maqaallo Keydmedia Online
? Video - “U Sheeg Caalamka, Muqdisho Wey Iftiimeysaa!” - Isbedelka Dhalinta Xamar!

Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaliya kadib waxaa Wadanka ka dhamaaday Noloshii iyo Farxadii Barbaarta, iyadoo ay qaar kamid ah Dhalinyarada ay u hayaameen Wadamada Caalamka si ay u helaan Nolol ay isleeyihiin wey dhaanta mida ka jirta Dalka Soomaaliya, halka qaar kamid ah Dhalintii ku hartay Gudaha dalka ay iyagana ku biireen Maleeshiyaadkii ka daglamayay gudaha dalka Soomaaliya, halka qaarkoodna ay ku nool yahiin Nolol u dhaxeeysa Cidlo iyo Ciil. 

Hadaba iyadoo Dagaalada Dalka ay si weyn u saameeyeen Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ayaa hadana waxaan Qormada si gaar ah ugu hadlaynaa isbedelka Wanaagsan ee hadda ku yimid Dhalinyarada Reer Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxa ay hadda kasoo kabanaysaa Dhaawacyada Dagaaladii Sokeeye ee soo maray Dalka, waxaana hadda Dhalinyarada ay ku Mashquulsanyihhin inay la jaanqaadaan Isbedelka.

Waxaa Muqdisho hadda ka socda Dayactirka Dhismooyinkii ku burburay Dagaalada iyo kuwa cusub oo hadda la dhisayo, waxaana taasina ay ku timid Amaanka Magaalada oo marba marka ka danbaysa soo hagaagayo.

Sidoo kale waxaa ay Dhalinyarada ay u kala tarmanaan Waxbarashada noocyadeeda kala duwan sida Jamacadaha iyo Iskuulada.

Tartamada Ciyaaraha Kubadda Cagta, Kolayga, Oradada iyo Gacanta ayaa ka socda Garoomo kala duwan oo ku yaalla Muqdisho.

Isbartiibo Luujino oo ku taalla Degmada C/casiis ayaa waxaa ka socda Diyaargarowga Ciyaaraha 27-aad ee Kubadda Kolayga oo ay ka qeybgali doonaan in ka badan 20 Kooxood oo isagu jira Wiilal iyo Gabdho Soomaaliyeed.

Dhalinyarada ayaa isagu yimaada Habeenkii Meelaha lagu caweeyo ee ku yaalla muqdisho, waxaana Dhalinyardaasi kamid ah Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Arday dhigta Jaamacadda Muqdisho University wuxuuna Keydmedia u sheegay in intii uu ku noolaa Muqdisho xiligan ay tahay Waqtigii ugu wanaagsanaa ee Caasimada soo marto.

“Hadda waxaan aadaa Xaafado kamid ah Muqdisho xiliyada Habeenkii ah Anigoo dareemin wax cabsi ah, taasi waxa ay ku tusaysaa isbedelka dhinaa Aamaanka ee ka dhacay muddooyinkan danbe” Sidaasi ayuu sheegay Maxamed.

Markii aad marto Wadooyinka ugu waaweyn ee Muqdisho waxa ay indhahaagu qabanayaan Dhalinyaro badan oo u socda Koox koox, kuwaasi oo markii aad weydiiso Dareenkooda ku aadan Nabada kuu sharaxaya sida ay ula dhacsanyihiin Ifaalaha nabadeed iyo Wadajirka Shacabka Muqdisho ugu muuqda Nabada Soomaaliya.

“Saacada hadda waa Afarti Habeenimo Xiliga Muqdisho, goorma ayay kugu danbaysay inaad Aragtid Qof Dumar ah oo si cabsi La’aan ah u soco Wadooyinka Muqdisho, shaki kuma jira inaan dareemayno Neecaaw nabadeed” sidaasi waxaa tiri Shukri Maxuud Cali oo xiligaasi ku sugnayd Isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

Jawiga Nabadeed ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu dhiiro geliyay Dhalinyaro badan oo markii u qorshaysanaa inay markii hore Dalka dibadiisa u Tahriibaan, waxaana kamid ah C/rashiid Xasan oo hadda kamid ah Kooxaha Kubada Cagta ee ka dhisan Muqdisho.

Cabdirashiid ayaa mar aan kula kulanay Maqaaxi ku taalla Nawaaxiga Wadada Maka Al Mukara oo ay camireen dadweyne aad u fara badan ayaa waxa uu sheegay isagoo xiligaasi Labisnaa Dareeska Sportiga Kooxdiisa islamrkaana u degdegay Kulan Kooxdiisa ay ku laheyd Garoonka Jaamacadaha ee Muqdisho, waxaana uu Keydmedia u sheegay: “Waan deg degsanahay ciyaar ayaan ka daahayaa, haddi aan kaaga hadlo Nabada waa mid runtii aan arag intii aan noolaa, sababtoo an anigoo ku tala jira Tahriib yay Nabadu kaiftay inaan joogo Dalkayga Hooyo.”

Sidoo kale waxaa sii badanaya dadka Maalinta Jimcaha u Dabaal taga Xeebta Liido - Halkaan ka Aqriso Reportka aan kasoo Qornay.

Shugri markaan weydiinay sideed ku tilmaami laheyd Nolosha Muqdisho, waxey tiri "Muqdisho waa Nooshahay, Muqdisho waa iftiimeysaa, ee fadlan hanaga dhigina Dad iyo Magaalo dhinteen" 

Muqdisho waa iftiimeysaa!

Keydmedia.net


Cumar Nuur - Keydmedia.net Editor - Mogadishu, Somalia - Omar.nur@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.