UNDP waa Dowlada saxda ah ee Soomaaliya! (Daawo Video)

Nairobi (Keydmedia) - Siyaasadda Soomaaliya waa mid aan sal laheyn isla markaana gadgadoon badan, waxaana loo aaneeyaa arintaasi horboodayaasha oo aan aheyn dad u bisil caqli ahaan, aqoon ahaan, karti ahaan iyo waliba muuqaal ahaan ka mid noqoshada majliska siyaasadda.
Maqaallo Keydmedia Online
UNDP waa Dowlada saxda ah ee Soomaaliya! (Daawo Video)

Waxaa jira aqoonyahano tira yar oo ka mid ah golayaasha dowlada, laakiin waxa ay macna ahaan aqoonyahanadaasi la mid noqdeen cirbad Badweynta ku dhacday oo kale, waayo waxaa ka xoog batay duulka kale ee aan aqoonta laheyn isla markaana u fahmay siyaasad qeylo iyo dhaliil joogta ah oo dhisma laheyn.

Sida uu xusay Pro Max’ed Cumar Dalxa oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka qaar ka mid ah ragga Baarlamaanka ku jira aqoon uma lahan hey’adaha dastuuriga iyo qaab holweedkooda waxaana ay aaminsanyihiin wax walba in lagu xalin karo buuq, fowdo iyo qeylo.

“Taraafikada shaqadooda waxa ay tahay in ay ogaadaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana xiliyada ay dhacaan shilalka iyaga oo adeegsanaya Mitir ay kala saaraan gartana u kala qaadaan gaadiidka is hartiyay, Dastuurka waxa uu jooga halkii taraafikada waa hadii loo hogaansamayo, laakiin dowlada uma muuqdo sharciga oo cid walba waxay la tahay ayeey iska fashaa” sidaa waxaa yiri Pro Max’ed Cumar Dalxa oo wareysi siiyay keydmedia.

Sidoo kale Pro Dalxa ayaa qiray in dowlad aan la sheegan Karin iyadoo aan la heysan kalsoonida shacabka, waxaana taasi ay meesha ka saareysa jiraalka iyo sheegashada dowlada xiligan jirta ee ku sugan degmooyin ka tirsan muqdisho oo kaliya.

“Sharciga waa kan dadka kala haga dowladana ay ku dhisantahay,bari dhaweyd markii xadgudubka lagu sameeyay xilkii aan hayay ee gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka xildhibaanada qaar waxa ay sheegen in xil ka qaadisteyda loo adeegsaday Qodobo loogu magac daray “ Wuu, waa iyo dar dar” waxaana ayaan dara ah in dastuurka oo yaala la adeegsado nidaam fowda ah” ayuu yiri Dalxa waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata yiri dhibaatada soomaaliya ka taagana waxaa horseed u ah hey’adaha QM oo ah kuwa dhab ahaan maamula xiligan Soomaaliya

Waxaa jira dad ka faa’iday nidaamka dowlad la’aanta, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaan, waloow uu ka gaabsaday professor-ka inuu farta ku gudo dadka sifahaaasi leh.

“U jeedada ka danbeysa taageerada ajaanibta waa “Give And Take” mana dhaafsiisana awooda ku tirsanayaasha dowlada magac-uyaalnimo, waayo ajaanibta ayaa kor ka xukunta dowlada iyo qaab howleedkeed” ayuu yiri pro Dalxa

“UNDP ayaa ah dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya, waayo waa tan guud ahaan korka ka heysata arimaha guud ee dalka Soomaaliya, waxa jira iyo Somaalida is daba ordeysa waa iska maga-uyaal ah” ayuu yiri Dalxa.

Tani ayaa daboolka ka qaadeysa in kooxaha magacyada kale duwan sheeganaya ee ku hardamaya Soomaaliya aanu farahooda waxba ku jirin, isla markaana ay yihiin shaqaale u shaqeeya QM isla markaana dana gaar ah ka fuliya Dalka Soomaaliya.

Marka leysku biiriyo erayada Professor Dalxa iyo muuqaladii ka soo muuqday Shirkii New York ee Max’ed C.llaahi Farmaajo uu ka qeybgalay dabayaaqadii bishii tagtay iyo qaabkii uu ku qaabilay Farmaajo madaxdii dowladaha Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha in Soomaaliya ay gashay maxmiyada Qaramada Midoway, taasoo abaabulkeeda iyo diyaarinteeda mudaba ay soo jiitameysay.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.