WAA LOO WAQLALAY WAANA LOO DUCEEYAY

Dr. Ismail Malaas - Roobdoontii Siyaasadeed Ilaahey waa aqbalay, hooyadii mudada dheer foolaneysay wiilkeedii waa loo waqlalay, dhammaan xibnihii qoyska waa fool baxsadeen waana duceeyeen wiilkii baari buu noqday, wuxuuna saaxib ka dhigtay intii ay dugsiga ku wada jireen baariga u aheyd, kuna dadaali jirtay cilmi korarso iyo baarri noqashada waalidka dalkooda hooyo oo ay muddo ka maqnaayeen.
Maqaallo Keydmedia Online
WAA LOO WAQLALAY WAANA LOO DUCEEYAY

Qof kasta si kastoo sumcad wanaag iyo dad la dhaqan loogu yaqaa lagama dhex waayo oday dabeecad xun, yaraantiisii dugsiga necbaa, qalinka waranka ka jeclaa, quraan barashada  ka jeclaa geenyo uu dusha kaga dul dhaco isagoo waran iyo seef wat, ayna la socdaan odayaal kaloo ciilanaad wada ah oo dhac iyo boob beesha dhexdeeda kula kaca, beel daajaha beeshana had iyo jeer hortaagan, la hortaagan qas iyo qalalaase, gar kastuu qaadayna dhinaca wanaaggana u qaadayo ka hor isataaga ileen ciilanaadkaas faa’ido aduunyo oo xaaran ah mooyaane horumarka beeldaajuhu la doonayo beesha diida.

Ciilanaadkaas beesha ku dhex jiraa  maadaama uu cilmi diid ahaa, waxbarasho diid ahaa horumarka iyo wadajirka kooxdoo dhan gaareyso ma doonayo ileen waa jaahil doonaya in isaga iyo qoyskiisa dhawrka qof ka kooban mooyee, weliba kuwa dabeecadiisa leh, kuwaasoo uu u yaqaano laba xiniinyood isaga raacay, xirfadiisa bartay halheyskiisa la jiida halheyka ah “ kol hadaan ka lacageysto oo dunida oo idil hadba meel geenyo duuleysa I geyso, 5 Star hotel ku deegaayo  maxaa iiga gidhiisha ah, caruur taya leh oo xishooneysa .

Aad bay u daahday waqlashii magac bixintii iyo ducadii illeen qoyska ciilanaad baa ku dhex jira aan marnaba dooneyn beel barwaaqa sooranka Dalkeena ah, kheyraadka leh ka doorbidaya qadaadiic dad shisheeye Dalka u soo tuuraan aan gaareynin aan gaareynin kumaanka qaxootiga ah ee loo soo diro.

Soomaalida Nayroobi jooga ee qaxootiga ahi Dalkaas iyo Dalal kaloo fara badan ee dunida aad bay ugu farxeen in intii dugsiga ugu fahmadda badneyd ee beesha geeska afrika u dhalatay in qaar laga soo saxay.

Waxaanse maqlayay in badan oo beesha Soomaaliya ka qaxday oo leh  wax kastee cusub waa la sugaa waa la fiirsada durbaba ammaanta lagama badsho, illeen darajada iyo saldanada waa in ay la socotaa wadaniyad, qiiro, naxariis iyo ammaano.

Qaxootiga Nayroobi joogaa goob kastoo aad tagtid yuu yahay hebel, ninka loo dhiibay darajadaas ma laheyn balse waxay ugu duceynayaan in ilaahey ku guuliyo, beeldaajaha weyn inta caruurtiisa uu u doortay in ay hogaamiyaan Dalka darxumada iyo rafaadkana ay ka saaran.

Soomaali waxay noqotay sida dameerkii malabka Siday ee ka baahnaa ee socod dheer qorrax iyo oon kadib markii warka la dhigay ku orday xoogaa cows ah oo meel u yaalay .

Ciilanaadka ilaahbaa naga qabanaya ee ilmaha beesha ee loo doortay in ay hogaanka u qabtaan Dalka ilaaheyna ka dhigo kuwa ka soo faa’ideystay waxa ay dalalka qurbaha ay ku ahaayeen ay ku soo arkeen, ciilanaad dalkaasi ma qasi karo mana xadi karo hanti umadeed, qaanuun jira seef seeftiisa ka afeysan  baa taal waxaana jira kala danbeyn iyo xisaabtan.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.