WAA RIYOODAY!!!

Dal dayacan, dad aan laga fakarin, hogaano daneeysi ku dhisan iyo danley daris ah oo aan dooneyn horumarka Dalka ayaa ku hareereysan Xiligan Soomaaliya, waxaana taas cadeyn nooga filan sii kala qeybsanka dhinacyada Siyaasada iyo waliba hamiga daris ku sheega ay leedahay Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
WAA RIYOODAY!!!

Horumarka Dalka uu gaaro meelaha laga cabiro waxaa ugu horeysa Caasimada, laakiin Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waa mid kaalinta kowaad ka gashay goobaha Dunida ku yaala ee leysku argagixiyo, isla markaana nolasheeda leysku habaaro.

 

Waxaan sheeko ku maqlay in dadka ka qaxay Dalka ee ku nool xiligan dunida daafaheeda in ay isku habaaraan Allow kuu kas in xiligan Muqdisho lagu geeyo ama xitaa lagaala soo xiriiro  taas oo loola jeedo in dhibaatada Muqdisho hada ka jirta ay dhaaftay heerkii uu qaadan karay caqliga fayow ee cabira horumarka iyo dib u dhaca.

 

Hadaan hada leys barqaban Muqdisho xiligan  waxa ay ku sii siqeysaa waji aad uga naxdin, murugo, uurkutaalo iyo walaac badan kan hada ay ku sugan tahay, waxaana suurta gal ah in dhibaatada hada ka jirta ay noqoto mid loo shalaayo in iyada oo kale oo alle xaalada ku soo celiyo.

 

Muqdisho oo saadaal riya ah ku sii aragtay dhagarta lala damacsan yahay ayaa ku alle tuugtay allow  dhagartooda iyo qiyaanadooda iyaga la rog oo shirtooda I dhaafi.

 

Waxa ay igu dul dilaan dadkeyga oo isugu jira kuwii aan caasimada u ahaa iyo kuwii gudaheyga ku dhashay kuna bar baaray, waxay agoon ka dhigeen caruur badan oo aan ogaa kolkii ay dhalanayeen Haween badana asaay ayeey u saareen, waxaaba intaas ka daran in leynta dadka ay isugu faanaan, mida waliba waa xaq doon waxa uuna warbaahinta ka shagee inuu xaq diidka ka soo horjeeda ka dilay dhawr qof, kuwa kale ka dhaawacy isla markaana hanti uu ka qabsaday, ogooweyse dadka lagu kala faanayo dilkooda laguna kala hor marayo in ay yihiin shacabka aan waxba galabsan.

 

“Waxaan ku riyooday iyadoo aan korkeyga lagu arkeyn qof shacab Soomaali ah, isla markaana waxa dusheyda jooga ay yihiin ciidamo shisheeye oo kala taageeraya dhinacyada Soomaalida ah ee isku maandhaafsan Siyaasada isla markaana bartilmaameedsiga ka dhigtay shacabka Masaakiinta ah” Sidaa waxaa tiri Magaalada Muqdisho.

 

Riyada Muqdisho ee la xiriirta korarka ciidamada Shiisheeya ayaa waxa ay timid xili Dalal dhawr ah oo caalamka ah ayaa u gurbaan tumanayaan in ciidamo ay u soo diraan Dalka si ay qeyb uga noqdaan dhibaatada xiligan jirta 

 

Marka leysku biiriyo Riyada Magaalada Muqdisho iyo saansaanta Dowladaha u xusul duubaya in ay ciidamo u soo diraan Dalka xiligan la joogo  waxaa ka soo baxaya war isku dhinac u qoran isla markaana tilmaamaya in mar kale la doonayo sidii shacabka Soomaaliyeed inta yar ee hartay loo sii dabar jari lahaa.

 

www.keydmedia.net 

 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.