“Wadaadka” Wadanka ha laga qabto…!

Bashir M. Hersi - Sabanka jadbada jihaadka, waxaa soo baxday dhaqan xumada wadaadada, kolkii hore waxaa dhaleecaynta lala duljoogay siyaasu ku sheegga qabqablaha iyo dagaal oogaha, oo lagu asteeyey dhiigyo cabyo aan cidna u aaba dayin, waxaase tartankii dahsoonaa ee laynta umadda iyo dhibaataynteeda uga dheereeyey kaalinta koowaadna ka ka galay “WADAAD”.
Maqaallo Keydmedia Online
“Wadaadka” Wadanka ha laga qabto…!

Gar dheer qayd cad tafo xaydan iyo astaamaha dhaqan rogga ah mindhaa lama illaabo? Gacan camaacumta laga gooyey ee dhiiggu ka hoorayo mindhaa lama illaabo? Lug iyo gacan isdhaaf loo jaroo dhiiggu ka gojo’ leeyahay mindhaa lama illaabo? Baad leejo iyo beeso qasab laysaga qaado “ZAKO” mindhaa lama illaabo? Madfac joogtaa qarax aan dhammaan iyo qax raatiba mindhaa lama illaabo?.

Qodobka u dambeeya waa isaga mid wadaad iyo qabqable, balse inta kale waxay u gaar tahay wadaadada halaagga, waana qodobada ay ku mutaysteen inay noqdaan horyaalka halaagga iyo hagardaamada umadda, dhibka wadaadada si wada jir ah ayaa looga qaybqaatay, maadaama ay huwan yihiin magaca ruuxaaniyadda “DIINTA”, qof walbana uu ka cararayo caro Alle iyo cadaab aakhiro, sidaase xaalku ma ahan.

Dulmarkaa gaaban ka dib, haddaan u dhaadhoco dulucda qormada, Sheekh Shariif maanta meesha uu taagan yahay yaa is lahaa wuu tagi? Mayee yaa aamin sanaa meesha uu dalkii iyo dadkii ku furay ayuu na dhigi? Dhanka kale ka eegoo, yaa xisaabta ku darsaday in wadaadka diinta gaarka ka hayey uu geeska ka joogsan doono? Yaa filayey in wadaadka diinta loo wakiishay ee lagu daba faylay uu dalka faraha ka bixin doono?

Weydiimuhu badan walaacuna ka daran, waxaanse jirin jawaab aan ka ahayn ma jirto qof sidaa u saadaaliyey, hadduu jirana waa naadir, “naadirna xukun ma leh”, waa : “wadarta iyo waaxid yaa waalan”, xasuustiinna balaan tijaabsho, sidee Xamar loogu qulqulay markii wadaadadu qabsadeen Muqdisha? Ujeedku ma ahaa talobixin toosin iyo tusmayn? Ilama ahan!, ila xasuusta shirkii  Asmara ee habqanka wadaadadu qabteen sida loo xaadiray, waxaad garan sida sunta diintu u xoog badan tahay!

Diin dhaqankiisa iyo qaabka uu u diimaysto waa mid u gaara, shuqul iyo shaqo kuma lihin, xilna nagama saarna, teeda kale diinta guud aheenteeda waa halkuu Mudallib ka yiri: “Geela Anaa u Rabbi ah, Kacbadana Rabbi ayaa iska leh kaa ceshan doona”, hadda Diinta Rabbaa iska leh ka ceshan doona, ha ka been sheego, hana ku been sheego!, ee wadanka yaa nooga qabanaya? Yaa gaar ka joojiya oo ka dheereeya? Yaa caymin kara inta harsan inta uusan miiska xaraashka gayn? Yaa ku dhalin kara inuu sidan isu dhaamo oo dhulka badbaadsho?.

Wadaadkii Islaamka wuxuu aqbalay awood qaybsi uu la galo dawladdii C\laahi Yuusuf, fikrad fiican, waxaana u muuqday kursigii buluugga ahaa, qaladkii koowaad ee uu sameeyey wuxuu ahaa aqbalka 4.5, isagoo awood buuxda u lahaa inay hannaan urur ku galaan baarlamaanka, kaliya ama han, ee tiro badane tayo yare ayey hormood ka noqdeen(550 baarlamaan), illeen Madax maran maan Maqan iyo Majo xaydan ayey meesha la tageene!, waxay nagu sexeen qaladkii qodbanaa, mid kalana waa nagu fureen, heer la yiri: 500 ka hadal ma leh!

Qaladkaa ka hor, miyaan isku diidan nahay inay horseed u ahaayeen Xabashida wadanka qabsatay ee naf iyo maal baabi’isay? Ninkii dood ka qaba ama shaki uga jiro waxaan dhihi lahaa dhacdooyinka dhaca dhugasho la’aan ayey kugu dhaafeen!, qabqaqble ayey xoog ku saareen iyagoo kaashanaya taageerada bulshada, waxayse noo soo xera galiyeen Amxaar qadiinle, waa “ka dar oo dibi dhal”.

Hadduu madaxweyne noqday maxaa dhacay? Amxaaraduu shalay caynayey ee lahaa waa gaalo ayuu afcad ugu yeertay, waa tii la yiri: “Afkii ba’ay yiri toobay wuu karaa!”, aqriste is qabadsii Adigu, Ani isu kay qaban waysoo madaxu igu daalye? “Alif wax ma leh iyo wuxuu leeyahay” sheekhaa laga hayaa, filo mardhow qormada taxana ah ee labo codleyn, qayb isaga ku saabsan.

Codsi arintu dhaaftay, Kenya iyadoo qulqulaysa ayey wadanka soo gashay, cid ogayd ma jirto, haddii la ogaana waxa ahayd munaafaqad qarsooneed, waxaa la yaab ah, wadaadku ma wax buusan fahmayn? Mise dan iyo qushi kama lahan waxa dhacaya? Wafdiga Kenya markay Xamar la joogeen hadal lagama maqal, markay soo taageen ayuu tannaagooday, ka dibna gaabsaday, kala hadalka waaba ku ogayne ma wuxuu is leeyahay dadku wax ma fahmaan?.

Kenya kaliya ma ahan, Xabashi ayaa iyana soo gashay wadanka, ilaa iminka wax hadal ah lagama hayo wadaadka, shibtuu galay warkii ayuuba ku gabay, dad badan ayaa ugu qiilaya muxuu qaban karaa? Hubaal inuu wax qaban karo, ha isaga dhex boxo kuwa wadanka xaraashayaa, taa miyuusan qaban karin? Ha ku darsoomo umadda xalaasha ah ee wadanka ka yuraynaya waraabaha, hadduusan taasna samayn karin, saw ma ahan inuu ujeed kale wato”Meel ama waa Muuqdaa ama waa laga Maqnaadaa”.

Dadkeennu waa is dili jireen abid, Xabash oo loo xeraysto qabqable ayaa lagu dhaleecayn jiray, wadaadadii ayaase uga dheereeyey, bal Shiikh Shariif eega maanta xaalkiisa, Ahlusuunnada Galduduudna iyana eega, saw dhal Amxaaro ma ahan? Diineey ba’ nin darajo kugu doonaa muxuu ku dulleeyey? Waase adduun iyo xaalkiis, dadkayguse wali ma fahmin ujeedka gurracan ee loo wada dig leeyahay.

Alshabaab in la ciribtiro asalkooda iyo faracooda la jaro Soomaali diiddan maanta ma jiro, in kasta oo ay awood ahaan itaal dhigeen, oo waa dabeecadda noloshoo, “weel walba markuu  buuxsamo wuu daataa”, ee ma waxay naga dhaadhicinayaan Alshabaab ayaan la wada dagaalaynnaa? Inta dawladeed ee wadanka ku jira ma waxay u wada bira tumanayaan afar wiil oo afka duubatay? Ilama ahan,” Oohintu Orgiga ka weyn”

Shisheeyahan hubaysan ee wadanka ku soo qulqulaya, ma la dhihi karaa waxay ka hortagayaan mashaariicda Turkigu ka billaabay wadanka? Maxaa ku soo beegay soo galitaanka Kenya ka dibna Xabashi, xilli dawladda Turkiga wadanka ka hirgalinayso mashaariic horumarineed? Ujeedku wuu noqon karaa in Turkida la leeyahay meeshaan boos idiin kagama bannaane ee ha isku soo hallaynina, darisnimo iyo danba Anaga ayey nala wadaagaan, yaase taa kuu garanaya!

Madaxda madaxtooada, nin walbaa wuxuu eeganayaa sadax arimood oo kala ah: (Sanuud) jeebka oo loo buuxsho, (Sadbursi) Beeshiisa oo dheeri la siiyo iyo (Saldhigasho) in Kursiga loo daayo, hadduu sadaxdaa wada helo guushii sanadka dheh, hadduu waayo laba ama mid ayuu cayminteeda ku dadaalaa, waddan iyo umad warkood adaaba sheegaya, waxba kama galin warna uma hayo, Gaas oo Bakaaraha ka dukaamaysanaya ayaan arkayey, hooyo Soomaaliyeed oo Raashin tumanaysana Kashii ku haysta, nin dhargay dhaqankiis dheh.

Dadkaygu ma illoobi doonaan sheeko diimeedka lagu fashilmay? Diin meesha ay na gaysay aragnaye ma ku dagaalgali karnaa mar kale? Ma heli karnaa dad waddaniyad iyo dadnimo huwan? Haraaga Alshabaab ma qaadi doon waddo ka duwan tii ay ummadda Soomaaliyeed ku halaageen muddo lix sano ka badan? Calalkooda madaw ma ku badali doonaan calanka Soomaaliyeed? Halganka billaaban doonana kaalinta uga aadan ma ka qaadan doonaan?.

Dhanka kale wadaadku kuma ekaan xabashi jeclaysi iyo Kenyaan kalkaalide, wuxuu xaraashay Baddii Soomaaliya, isaga haddii uusan si toos ah uga lug lahayn, wali wax hadal ah ma ka haysaan?, “Madax meel la salaaxo oo ka sarraysa ma lahan”, kaliya ma ahan ee wuxuu garoonkii Aadan Cadde ku wareejiyey maafiya calooshood u shaqaystayaal ah “SKA”, oo qaadanaya 75% dakhliga soo gala garoonka!, wali wax uu ka dhahay ma jirto, balse waxayba nagu mashquuliyeen hebel ayaa saxiixay iyo hebel xafiiskiisa ayaa waraaqda laga helay!

Aqriste, shilin Soomaaligii la soo daabacayey ee qandaraaska lagu siiyey Sudan meel ma ku sheegtaa? Mise maqashay wax hadalkiisa wada iyo warkiisa? Intaa waxaa dheer hantida ay lunsadeen kuwa isku sheega madaxda qaranka, qaarkood waxayba ku qaataan rakaato iyo canaad, sida Ina Rashiid oo ku xiray xil ka dagistiisa in beeso boorsada looga buuxsho, safarka joogtada ah ee ay maalin walba ku jiraan waa qarash gooni ah, halkii diyaarad ugu yaraan waxaa lagu kireeyaa afartan kun oo dollar, deeqda bulshada ayeyna ka go’an tahay.

“Warkii hore war soo dhaaf Waayeel qolof lehaa yimid”, intii hore caano bogga kula carar ah ayey ahayd, ugama jeedo in dhibaatdu yarayd, balse waxaan ka wadaa wadaadku maalinba maalinta ka dambaysa falalka gurracan ee uu wadanka ku wado way ka sii xun yihiin kuwii hore, wadankii wuxuuba si toos ah u hoos geeyey maxmiyadda Ugandiiska, taasna waxay ku hirgashay heshiiskii Kampala, ee lagu qadaanqadayey Farmaajo, isna beentiisa ku lahaa: “DAN SOOMAALI AYAAN XILKA UGA DAGAY!”.

Sida cinwaanka qormadaba ku cad, intii taageeerada la daba joogtay wadaadka, miyeysan ku habboonayn inay taageeradooda ku wajahaan badbaadinta wadanka? Oo wadanka nooga qabtaan, maxaa yeelay wadanku waa naga dhexeeyaa waana dhaxalkeenna dhammaanteen, diinta wuxuu ka galo isaga iyo Rabbigiis ayey u gaar tahay, balse xadgudubyada uu ka galayo wadanka Annaga dhan ayuu xil naga saaran yahay, dadka ku doodaya maanta ayaaba wadanku marayaa meeshii ugu fiicnayd, Alshabaab bexeen, ciidamada nabad ilaalinta la soo kordhinayaa, ciidanka Somalidu awood lee yihiin, ee maad dacaayadda daysid?

Hubaal in wax walboo dhalaalaa aysan dahab ahayn!, teeda kale Anigu dacaayd ma wado ee xaqiiq ayaan soo gudbinayaa, ee haddaad roonan u malayso boobka kaalmada masaakiinta loo keenay waa gaar, haddad roonaan mooddo musuqa madaxda dawladdu wadaan wa gaar, hadaad roonaan mooddo in wadanka la xaraasho waa gaar, haddaa roonaan mooddo in la kala sixi waayo yaa muumula wadanka waa gaar, haddaad roonaan mooddo in tiiha lagu sii jiro waa gaar.

Ugu dambayn wadaadku ma waalnee maa yac la dhaha, wadaadku ma dhimanee maa hooy la dhaho, wadaadku ma marnee maa maya la dhaha, wadaadku ma dammanee maa daay la dhaho, wadaadku ma sixranee maa la saxo, wadaadku ma ….. Intaa iyo inta aanan qorin waxay u taal isaga qudhiisa iyo inta u sacbisa ee taageeradiisa wali u taagane, war hooy wadaadka wadanka ha laga qabto.
 
Aragtida: Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.