Wadanigu Ma Gablamo, Gacal Ma Waayo, Taariikhduna Ma Hilmaanto!! (Daawo Video)

Videos (Keydmedia) - Udubka qaranimada waxaa dhisa hormoodyada bulsho kasta oo isticmaar hoos-gashay, waxayna taariikhda ku galaan aabbeyaasha ummadda. Halgankoodii waxaa ku dhaata jiilasha dambe, iyagoo ka tusaale-qaadanaya daacadnimadii ay naftooda, dhiiggooda iyo waqtigooda u hureen inay dhaliyaan xornimo ummadda wada deeqda.
Maqaallo Keydmedia Online
Wadanigu Ma Gablamo, Gacal Ma Waayo, Taariikhduna Ma Hilmaanto!! (Daawo Video)

Nasiib-wanaag, Soomaalidu waxay yeelatay mawaadiniin himilo dheer kusoo halgamay si ay xornimo u dhaliyaan, sharafta iyo karaamada ummaddana  badbaadiyaan. Geesiga qarameed ma dhinto, qabiilna ma laha oo mar walba waa la xusaa, rag iyo dumarna way leeyihiin.

Haddaan nahay jiilkii geesiyaashaas ka dambeeyey, waxaanu harsanaynaa hooska dhirtii ay noo abuureen, kuwa naga dambeeyana way naga sii dhaxli doonaa.

Geeridii Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxba kama beddelin jiritaanka magaciisa iyo karaamada bulshadu u hayso, wuxuuna halqabsi u yahay inta ay ku jirto qiiro wadaninimo iyo daryeelidda ummadda Soomaaliyeed.

Sawirka boggan ku muuqda waa tusaale muujinaya Madax kamid ah intii faraha badnayd oo kasoo qayb-gashay tacsidii marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaal Muqdisho, waxaana maqaawiirtaas kamid ahaa:

Mudane Maxamad Abshir Muuse oo lasoo shaqeeyey marxuumkaas, kuna dheeraaday ka xog-warranka Cabdullaahi Ciise, wuxuu tibaaxay: Qofnimad Cabdullaahi Ciise, daacadnimadiisa, xilkasnimadiisa, firfircoonida iyo tanaasulkiisa siyaasadeed, dad iyo dal jecaylkiisa, iyo himilada uu xambaarsanaa oo ahayd in shanta Soomaaliyeed ay calan keliya isugu hoostimaaddo.

Waxaa kaloo halka ka muuqda Mudane Bardacad, oo isna ku nuux-nuuxsaday wanaagga Cabdullaahi Ciise uu u hayey ummadda Soomaaliyed. Bardacad wuxuu yiri: Anigu mucaarad baan dawladda ku ahaa, hase yeeshee, Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu ahaa siyaasiga keliya oo aanu is fahmi jirnay.

Madaxda goobta tacsida ka hadashay waxaa kamid ahaa Guddoomiyihii Jabhadda Xoraynta NFD oo safar dheer usoo galay inuu ka qayb-qaato tacsida marxuum Cabdullaahi Ciise, Waxaa asna labo eray goobta Xuska ka soo jeediyey Mudane Saafi Maxamad Sheikh Xasan “EME”.

Waxaa kaloo halka ku muuqda oo tacsida ka qayb-qaatay mudane Salaad Cismaan Rooble, fanaanaddii Dalays Cabdullaahi Camey, Dr. Warsame C/llaahi Camey,  Cali Cabdulle Danan, Mudane Maxamad Axmad “Ottavio”, Inj. C/dir Aden Cabdulle Cusmaan, Mudane “Ibraahim Xisbiyo”, Col. C/dir Warsame Galbeyte Ex, Mudane Maxamuud Xisri Cilmi )Digol), Mudane Calinuur Maxaamad Xaaji Axmad Liibaan, Mudane BIshaaro, Mudane Cali Samatar “Cali Baar”, Dr. Cabdulqaadir Istila,Mudane Cali Siciid Xasan, Mudane Axmad Warsame Cali “Godane”, Mudane Maxamad Dubbad (horseed SYL), Mudane Maxamad Dhalbaas.

Mudane C/dir Xaashi “Dholo Dholo”,Suldaan Faarax Xasan Cilmi Fagaas, Dr. Baashir Xasan Cilmi Fagaas, Mudane Muxyaddiin Xasan Cilmi Fagaas, Dr. Yaasiin Axmad Cossoble, Mudane Sheikh Maxamad Iimaan Aaden, Mudane Bashiir Sheikh Xuseen”Bashir Lugey”, Mudane Skeihk Abbe, Generaal Cali Xaashi Cilmi Barre, Mudane Cabdi Maxamuud Kheyre, Mudane Xaaji Guuleed Diini, Mudane Maxamad Xaaji, Mudane Xasan Cabdi Kheyrre, Inj. Cabdulqaadir (ENEL), Kol. Abshir Kaahiye Faarax (horseed SYL), Mudane Cabdulqaadir Tahliil Warsame,  Mudane Xasan Cabdi Caamalow “Ghiagio”, Mudane Gaagaale(Gole Dhexe SYL)  Jen. Cabdalle W/G

Marwo Faadumo Cabdulle xaskii Marxuun C/llahi Ciise Maxamuud, iyo inta kale oo Muhimka ah hase ahatee aanan magacyadooda aanan maanka ku heynin. Cududaar naga ogolaada.

Wadanigu ma gablamo gacal ma waayo, Taariikhduna ma hilmaanto. - Keydmedia

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.