Ardada Somaliyeed ee Hindiya Wax ka Barata

Hindiya oo ka mid ah wadamada ay Ardayda Soomaalidu wax ka baran jireen ka hor xiligii burburka Soomaaliya ayaa wali waxaa wax ka barta ardo farabadan oo ka kala timid guud ahaan gobolada Soomaaliya iyo waliba wadamada kale ee aduunka oo ay Soomaalidu ku nooshahay.
Maqaallo Keydmedia Online
Ardada Somaliyeed ee Hindiya Wax ka Barata

Ardayda Soomaalida e Dalkaan Hindiya wax ka barata o ay tiradoodu qiyaas ahaan garaayso 600 (Lix Boqol) oo Arday ayaa waxay wax ka bartaan jaamacadaha ugu waan wanaagsan uguna Qadiimsan Dalkan Hindiya sida:  Osmania University, University of Madras, University of Mysore, Manipal University, NTR University, Andhara University, JNTU iyo kuwa kale o badan.

Ardayda Soomaaliyeed ayaa waxay dhigtaan kuliyado kala duwan o ay ka mid yihiin: Engineering, Computer Science, Bechelor of Commerce (B.com), Bechelor of Computer Application (BCA), Information Technology (IT), Bechelor of Arts (BA), Master of Business Administration(MBA), Master of Information Technology (MSIT), Medical Lab. Technician (MLT), Microbiology , Nursing, Radiology iyo kuliyado kale, marka laga reebo kuliyadda Caafimaadka, MBBS  ama DOCTOR-ka tooska ah taas o ay sabab u tahay qiimaha lagu barto aad u qaali ah.

Habka Waxbarashada & Nolosha

Ardayda Soomaaliyeed ayaa ah kuwa aad u firfircoon marka la eego xaga Waxbarashada waxayna sameeyaan dadaal faraban iyagoo marka ay Waxbarashada bilaabanba horay kala qabsada duruusta isla markaana is dhex gal la sameeya Maamulka Jaamacada, macalimiinta iyo Ardada Ajaanibta ah ee kala duwan.

Waxayna marwalba ku dadaalaan inay ka faa’idaystaan fursada Waxbarsho oo ay nasiibka u yeesheen maadaama dhalinyaro badan o Soomaaliyeed aysan wali helin fursad Waxbarasho.

Dhanka Nolosha waa dad aad iskugu xiran, badanaa Jaamacaduhu ma lahan Guryo u gaar ah (HOSTEL) marka ardadu waxay dagaan guryo kira ah, waxayna u wada dagaan sida ay hadba isku kuliyad u yihiin ama isku Sanad  amaba isku fahamsanyihiin, waxay kaloo leeyihiin xariiro joogta ah o Gobolkasta o ay Ardadu joogan waxay sameystan (Tajamac) ay ku kulmaan cabsida ALLE ay iskula dardaarmaan iyo sidii loo dadaali lahaa la iskuna caawin lahaa.

Waxaa jira kulamo dag dag ah o ay Ardadu mararka qaar isugu yimaadaan kuwaas oo la xariira arimaha Caafimaadka Ardada, arday la xirxirtay, muran ka dhex dhaca Ardada iyo Bulshada ay la noolyihiin mararka qaar, culays dhaqaale o laga yabo in u Arday so food saaro.

Hamiyada Ardada

Hamiyada Ardaydu aad ayuu u wanaagsanyahay oo marka ay wax baranayaan waa niyad fiicanyihiin dadaal ayeyna sameynayaan waxayna ku fakarayaan in ay mar Saxbarashada dhameeyaan kadinba shaqooyin raadsadaan si ay  ehelkii, dadkii iyo Dalkiiba wax ugu qabtaan.

Waxaana jira Arday badan o halkaan Waxbarashadii ka dhamaysteen oo Dalkii ku laabteen, Qaarkoodnah ay Macalimiin yihiin oo Jamacadaha Dalka wax ka dhigan Bulshadana wax ku taraan uguna fa’aideeyaan waxa ay soo barteen, qaarkoodna ay Shirkadaha ama Hay’adaha Dalka ka jira ka shaqeeyaan.

Soomaalida Hindya wax ka barata waa dad hamigooda la oran karo Mustaqbalka Dalka iyo Dadka meel ayey uga soo bixi doonaan.

Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha soo wajaha Ardayda

Aradayda Soomaaliyeed e Hindiya wax ka barata dhibaatooyin badan ayaa soo wajaha, waxaa kaloo dhibku uu saameyn ku yeeshay Aradadii kale e Soomaaliya joogtay oo rabtay inay halkaan Waxbarasho u yimaadaan, dhibkuna wuxuu gaar u yahay Ardada toos Soomaaliya markii hore uga timid ama rabta inay ku laabtaan Soomaaliya, sababtuna waxay tahay:

Iyadoo Ardayga Soomaaliya ka imaanaya uu wato Passport Soomaali ah kaas o Visa-ha Waxabarasho e Hindiya lagu soo galo ay dhib ka mutaan.

Visa-ha Waxbarasho e Hindiya lagu soo galo waxaa laga soo saaraa Safaarada ay Hindiya ku leedahay Dalka Kenya maadaama aysan Soomaaliya Safaarad ku laheen.

Vis-ooyinka Safaarada Hindya ay Kenya ku leedahay laga so saaro ayaa ah ku qaab qaldan uga so baxa Safaarada, waxana dhacda marka Ardaygu halkan yimado ama Airpor-ka u ka so dago in la xiro amaba isagoo la aqbalay oo Waxbarashada Sanadkii Kowaad ama Labaad wata ama Sanadba u harsanyahay lagu yiraahdo Visa-hagu qalad ayu aha markasna la xiro kadibna la yirahdo Dalka isaga bax.

Hada waxaa joogsaday Ardadii Soomaaliya ka imaan jirtay Visa la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.