Warbixin: Xasan Sheikh oo furay Mashruuc Taariikhi ah // 90 Sano Türkiye - Daawo

?stanbul (Keydmedia Online) - Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdo?an ayaa Maanta (Talaado) si rasmi ah u furay Mashruucii u horeeyey ee Tarreen Badda hoosteeda maraya oo isku xiraya 2 Qaaradood, Qaarada Yurub iyo Aasiya.
Maqaallo Keydmedia Online
Warbixin: Xasan Sheikh oo furay Mashruuc Taariikhi ah // 90 Sano Türkiye - Daawo

Mashruucaan oo uu ku riyoon jiray Sultaankii Xukumay Turkiga 150 Sano kahor ayaa Maanta wuxuu noqday Mashruuc dhab ah, wuxuuna socon doonaa 9 Sanno, waana 12 Kilimitir oo ku kacaya 4 Bilyan oo Dollar.

Mashruuca "Marmaray" ayaa waxaa Maantay Xariga ka jaray Hogaamiyaha Xisbiga AKP ahnah R/Wasaaraha Turkiga iyo Madaxweynaha Turkiga Cabdullah Gül.

Munasaabadaan oo ay kasoo Qabgaleen Madaxweynayaal farabadan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud lagu casumay in uu Qudbad u jeediyo Shacabka Turkiga, halka ay dhageysataal ahaayeen Madaxweynaha Japan, kan Romaaniya, Bulgariya iyo kuwa kale oo badan.

Madaxweynaha oo Shalay gaaray Turkiga ayaa Qudbad Taariikhi ah ka jeediyay Maalin Taariikhi u ah Turkiga iyo Qaaradaha Yurub iyo Aasiya, wuxuuna Shacabka Turkiga uga mahadceliyay garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Protokolkii oo xoogaa isku dhexyaacay

Tifaftiraha Miiska Xafiiska Yurub ee Keydmedia Online, Cabdullahi Axmed oo Maanta ku sugnaa Istanbuul ayaa kasoo waramayay Xafladaan, wuxuuna sheegay in Baalka Qudbada alaga aqrinayay ay soo safteen Madaxdii Dalka Turkiga iyo Madaxdii Caalamka laga casumay, wuxaana midwalba loo galiyay Maqas iyo Marro si ay u furaan Mashruuca Gacan Baddeedka

"Markii ay fureen ayaa waxaa la raacay Tareen kuwa Dheereeye ah oo Goobta waxaa ka dhacay Qorshe Xumo iyo Isku dhex yaac soo wajahay Ciidamadda Nabad Sugidda ee Ilaalada u ahaa Madaxda, Dadkii baa isbuurtay, Albaabka Tareenka ayaa la isku cariiriyay oo Qolo walba ay dooneysay in ay raacdo Qeybta hore ee Tareenka, kadib ayaa waxaa lasoo helay Madaxweyne Xasan Sh. oo la ag istaajiyay Madaxweynaha Turkiga, halka Madaxweynaha Japan iyo Wasiirka Iskaashiga ee Shiinaha ay banaanka Tareenka taagnaayeen ayagoo waayay meel ay kasoo galaan"

Cabdullahi oo taagnaa Goob si fiican looga arki karay "Isku-dhexyaacaan" yar ayaa yiri: "Muddo kadib Tareenkii waa uu dhaqaaqay, Daqiiqado kabacdinah wuxuu istaagay Meshii loogu talagalay, Madaxdii baa kasoo dagtay oo uusan la socon makaan Xasan Sh. Maxamuud, Nabad Sugidda oo is-dar-dareesa ayaa Cabdalla Gül hoos wuxuu ugu baaqay in ay so dhaweeyaan Xassan sheeg oo ay Goobta ugu keenaan, kadib markii lasoo helay ayaa Gacanta waxaa qabsaday Cabdalla Guul si aan mardambe loo riixin ama aan Gadala loo reebin - Goobtaas ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay Labo Shahaado oo midna la siiyay Xassan Shek midna Madaxweynaha Japan."

Ciriirigaas soo wajahay Nabadsugudda mooyee Munaasibaddu sideeda kale waxey u dhacday si Heer sare ah oo galay Taariikhda Caalamka iyo Riyadda Turkiga.

Sidoo kale Maantay ayaa waxey aheyd 90-guuradii ka soo wareegtay markii Turkiga uu xornimada qaatay ooku beegan maanta oo ah 29-ka Oktoobar.

Talyaanigga ayaa wuxuu dhisaya Buundo isku xirta Kanaalka Siciliya iyo Calabria oo Labo Kilomitir ah, waxaana teer iyo hada ku baxday 22 Billion oo Dollar, mana dhamaan Mashruuca, kan Turkiganah waa 12 Kilomitir oo ay Badda hoosteeda marsiindoonaan.

Gacankaan Badda hoosteeda mara markuu dhamaado Qofkii Yurub ka yimaada ayaa Gaarigiisa Shiina ku tagi kara.

Keydmedia Online - Editorial Desk


Abdullahi O. Ahmed - Keydmedia Online – abdullahi.ahmed@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.