Wariye iyo War gure maxaa kala haysta?

Cabdiraxiin Hilowle Galayr — Waa goor subaxnimo ah, goor sheegtaduna ay abbaareyso 9:30kii subaxnimo. Waxaa la soo wacay, Warriye Gallad, oo sidii lagu yaqaannay, shalay galab iyo habeennimadii ilaa subaxnimadii goobaha dowladda iyo ganacsiga lugta soo mariyey...
Maqaallo Keydmedia Online
Wariye iyo War gure maxaa kala haysta?

Sii fiican u soo xuuraamey wixii magaalada ka jiray, waxaa isaga iyo muuqaal duubihiisii soo heleen warar xiisa leh oo ay ku qanacsan yihiin iyagoo  sdioo kale filanaya war gurahooduna, xilhayaha, telefishinku ku qanci doono.
 
Wargure Xurguf: Hello, may maqlaysaa Galladoow?.

Wariye Gallad: Haa, mudane, si fiican baan kuu maqlayaa.

Wargure Xurguf: Maxaad haysaa maanta oo kaa diyaara?.

W. Gallad: Warar badan ayaan soo duubey, goobo badanna waan tegay, hadda, waxaan u socdaa xafiiska si aan isugu dubbarido, oo aanu u tafatirno uguna reebno midh xunka, iyagoo hufanna kuugu soo gudbino.

W. Xurguf: Bal ii taataabo wararka qodobbada ugu doorka roon ee aad soo heshay iyo meelaha aad ka soo heshay?.

W. Gallad: Waxaan ka soo helay, (1)Ardeydii Jaamacadaha oo Imtixaankii u billowdey, (2)Ceelweyn oo laga qodey degmada Buula Khayraad (3) Masaajid Afar dabaq ah oo leh qaybo waxbarasho oo dowladda Turkigu dhistey (4) Waddo cusub oo dayactirkeeda la dhagax dhigay (5) Dambiilayaal lagu xukumay Xabsi, Waa shantaa war mudane, oo aanu si wanaagsan wareysiyo iyo warbixinno uga soo qaadney.

W. Xurguf: Waryaahee Waryaahee, ma waxaasaad doonaysaa inaan caawa ka sii deyno Telefishinka Caalamiga ah. Maya maya, ma soconayso saaxiib, ee war kale ma haysaa? Waxaani war maaha waa malaayacniye.

W. Galad: oo u maleeyey inuu u haysto been ayaa yidhi mudane, waa wada muuqaal wax been abuur ahi kuma jiraan waana warar xaqiiqo oo horumarka dalka iyo dadka ka hadlaya.

W. Xurguf: Yaa kuu dirsaday Horumarka? War waxaanu doonaynaa, warar xalad iyo xiiso leh, oo dadku dhegaha taagaan oo lagu lafa  guro goob walba, saaka Madaxtooyada (GURI BAASKII) ma tagtay Galladoow?

W. Galad: Haa, waan tegay, wax xaalad cusubi kama jiro, hawlahooda shaqo ayay wateen, shir jaraa’idna lama qaban, cid nagu casuunteyna ma jirin, xafiisyada madaxda iyo shaqaalahana waxay si habsami leh u wateen shaqadooda, Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaarahana waxaa ka muuqday dareen wanaagsan.

W. Xurguf: Adeer waxaasi maaha wax kaa soconaya kow dheh, shaqo tagna uma ekide saaka wax dhintay ama  la qarxiyey miyaadan arag?

W. Galad: Wax dhintay aa,  Haa, waxaa dhintey Oday Jimcaale oo deriskayaga ah oo 94 jir ahaa aadna u xanuunsanaa, Ilaahay baa u doorey hadhoow duhurkaa lagu tukanayaa,  wax qaraxa iyo dhimasho kale ma arag.

W. Xurguf: Well done, hagaag, sidaasaa lagaa doonayaa, Odayga qabrigiisa tag, waxaadna tidhaahdaa, waxaa diley, dad ay dhul isku haysteen ayaa sumeeyey, waxaana arrintaa ku daba jira ciidamada Nabadgelyada, waana qofkii 7aad ee sidan oo kale arrimaha dhulka iyo guryaha laysku haysto si dadban loogu khaarajiyey, nin ay Madaxweynaha qaraabo yihiin oo ka shaqeeya Madaxtooyada ayaa arrinkana lug ku leh dheh!

W. Galad: Ayaa intuu anfariirey oo naxay, haddana, yaabay oo dhabanka iyo gacanta isa saarey, hareerahana eegay iney cid kale maqashay warka la farey, ayaa yidhi; Mudane, dee warkani waa been abuur, sumcaddeyda iyo tan warbaahineedba waxbuu u dhimayaa, reerka Odaygu ka dhinteyna xidid baanu nahay, oo ceebbaa iga soo gaareysa waxaasoo been ahna ma sheegi karo, waa arrin ka baxsan  anshaxa warfaafinta, sideen u tebiyaa war aan la hubin?

W. Xinif: Haddaadan sidan u shaqaysan kareyn, ma waxaad doonaysaa inaan lacag bilaash ah ku siiyo? Adeer maanta laga billaabo fasax baad tahay ee meel kale u shaqo raadso jaaw, Dhiiiiidh, Khadkii waa go’ay.

W. Galad: Ilaahaybaa irsaaqad baxsha, Warbaahinta gaarka loo leeyahayna dhibkaaney qabaan, kan dowladdana haddaad ka shaqeyso ka daran oo ama waa lagu dilayaa ama beentan iyo ka daran inaad sheegto weeyaan oo waxaad ogtahay aad qariso, maxaan saxaafadda u bartey maan wax kale iska barto, aaway hankaygii warriyennimo ma inaan BEENHAWAAS noqdo iyo Makarafoon colaadeed ayuu noqdey?

W: Xurguf: Ayaa isla markiiba telefoonka ku dhuftay, Xildhibaan Raamsade, Mudane Xildhibaane haye waa xildhibaankii beesha, maanta arrin baan kaa leeyehee ma haysaa waqti kooban?.

X. Raamsade: Aad iyo aad, Xurguf ii warran  beryahaa laysma maqale, shirkii beeshaa isugu keen dambaysay, waxaan ku weydiiyey maxaa maanta iga kaa soo galay, ma wareysi xiiso leh ayaad iga qaadi rabtaa?.

W: Xurguf: Mayee, mid yaroo dhalliyarada Jaamacadaha ka soo baxdey ayaa dhawaan shaqso siiyey, marka waa mid iska daacada, wuxuu igala dhammaan waaway, Laamibaa la dhisay, iyo Ardeybaa qalinjebisay, iyo horumar baa jira, anigana telefishinku sidaa iigu socon maayo, ee waxaan doonaya, nin warar xalad ah oo culculus oo dhulgariira keena oo Afmiinshaar ah.

X. Raamsade: Alleylehe anigaaba habeennadan idinku nacay oo waxaan is idhi war ma kacaan bay noqdeen maalin kasta magaaladan qudhunka ah maxay ka faaniyaan iyo dowladdan fadhiidka ah?!
Waxaan idiin hayaa nin belo ah, oo afkaa hadal loogu tirey, oo aan run iyo been kala jeclayn, warriyennimadana jecel, dee wixiisa yar uun baad u soo direysaan, warkana isagaa samaynayaa, Jeebkuu uga buuxaa.

W. Xurguf: Allow alle, markaan ku soo wacayey waan ogaa inaad tahay nin sidaan wax u rabo iila fahmaya, ee waxaan kaa doonayaa ninkaa raadi maanta wada fadhiista arrinta kala hadal, Kamare haddaanu haysanna waa la qalabeynayaa, laakiin warar Dhulgariir ah ayaa laga doonayaa, adiguna  xawaaladda Beesha tag, oo ka qaado Laba boqon iminkaan la hadlayaa hawshana soo kala tuur.
 
X. Raamsade: Wallee waa arrin wanaagsan, Xildhibaanka beesha oo Warguraha beeshu ugu soo direy lacag Xawaalada Beesha, lana doonayo warriye Beesha u adeega, igu hallee markaan u tagaan ku soo wada wacaynaa oo aan iskiin barayaa, uma baahna sawirqaade iyo filinqaade ee isagaa wax walba magaalada ka helaya, dee wada shaqayn wanaagsan.
 
La soco qaybaha dambe iyo wariye jabshe, hawlgalkiisa cusub.
 
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.