Warsaxaafadeed ka soo Baxay Beesha Leelkase ee North America

Waxay beeshu caddaynaysaa in dagaalkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo 01/09/2011 uu ahaa mid ay ciidamada Puntland ku soo qaaday shacabka reer Gaalkacyo. Dagaalkaas waxaa ku dhintay dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaa lagu burburiyey hanti, waxaana lagu qafaashay dad jooga guryahoodii iyo goobohoodii ganacsi.
Maqaallo Keydmedia Online
Warsaxaafadeed ka soo Baxay Beesha Leelkase ee North America

Ku: Isimada iyo samadoonada beesha Daarood ee fadhida gogosha nabadeed ee Galkacyo.
Ku: Isimada Reer Puntland.
Ku: Shacabka Reer Puntland.

Ujeedo: Bayaamin Marin Habaabinta Maamulka Puntland ee Arimaha Gaalkacyo.

Tixraac: XWBTNA2011-09

Taariikh: 08/09/2011

Waxay beeshu caddaynaysaa in dagaalkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo 01/09/2011 uu ahaa mid ay ciidamada Puntland ku soo qaaday shacabka reer Gaalkacyo. Dagaalkaas waxaa ku dhintay dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaa lagu burburiyey hanti, waxaana lagu qafaashay dad jooga guryahoodii iyo goobohoodii ganacsi.

Ka dib dhacdadaas fooshaxun, waxaa soo gurmaday isimadii iyo waxgaradkii beesha Darood si loo demiyo dab ay huriyeen shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ka tirsan maamulka Faroole. Waxay beesha Leelkase waafaqday qodobadii ay soo jeediyeen ergadu ee horudhaca u ahaan xal-uhelida shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo kuwaas oo kala ahaa:

    * In la joojiyo xabadda
    * In la kala durkiyo ciidamada
    * In la soo celiyo dadkii ka barakacay magaalada, goobihii ganacsigana la furo
    * Iyo in la joojiyo dacaayaadka keeni kara in fidno hor leh bilaabato.

Hadaba, waxaa ayaandaro ah in maamulka Faroole uu ka warwareegayo kuna xadgudbayo qodobadii la isku raacay; isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah dadkii uu ka qafaashay guryohooda iyo goobahooda ganacsi kuna tilmaamay in ay yihiin argagixiyo dagaal lagu soo qabtay, isaga oo ku soo dhexdaray maxaabiis horay ugu jirtay xabsiyada kala duwan ee magaalada, arrintaas oo maamulka Faroole uga danleeyahay in uu kumarin habaabiyo ra’yul-caalamka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in intii uu jiray maamulka Faroole uu tacadiyo kala duwan ugaysanayey dadka ka soo jeeda asal ahaan gobalada Koonfurta Soomaaliya—sida Shabeellooyinka, Bay iyo Bakool, Kismaayo, iyo Muqdisho. Tacadiyadaas oo isugu jira in si foolxun loo laayo, in la xirxiro, iyo in laga tarxiilo gobalada Puntland oo ay ammaan soo bideen, ka dib markii dagaalo aafeeyeen Koonfurta Soomaliya. Arrintaasoo aysan marnaba raali ka noqon shacabka reer Puntland, dadkaan marnaba wax dhib ah kalama kulmin maamuladii ka horreeyey Faroole.

Waxay hadaba beeshu caddaynaysaa in ay dhinaceeda adkaynayso go’aamadii hordhaca ahaa ee isimada iyo samadoonadu ay soo jeediyeen. Waxayse beeshu walaac ka muujinaysaa qaab-dhaqameedka iyo dacaayaadka been abuurka ah ee maamulka Faroole kumarin habaabinayo xaaladda dhabta ah ee magaalada Gaalkacyo; taasoo ay beeshu u aragto waddo lagu burburinayo wadahadallada ka socda magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambayntii waxay beeshu caddaynsaa in hab-dhaqameedka maamulka Faroole ragaadinayo dadaalkii nabad-raadinta ee ay wadeen isimada iyo waxgaradka beesha Daarood marka laga eego daacaayaadka been abuurka ah iyo uruurinta hub iyo ciidan hor leh ee uu ku soo gurayo gobalka Mudug.

Xafiiska Warbaahinta Beesha Leelkase
Ee North America.
Xog-haya ururka
Bashiir A. Muuse
Bashirash2011@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.