Wax aan Culeys kugu aheyn ayaad Qoys dhan ku Afurin kartaa (Daawo)

Muqdisho (Keydmedia) - Alle qur’aankiisa waxa uu ku sheegay faa’idada laga heli karo in la afuriyo qof sooman, waxaana uu alle cadeeyay in qofkii qof sooman afuriya uu helayo ajarkiisa iyo ajar la mid ah kan qofka sooman ee la afuriyay.
Maqaallo Keydmedia Online
Wax aan Culeys kugu aheyn ayaad Qoys dhan ku Afurin kartaa (Daawo)

Ardayda Soomaaliyeed ee caalamka (Worldwide Somali students) ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iminka waxa ay ka wadaan afurinta in ka badan 450 qof oo Soomaali, waxaana howashaasi afurinta ah ku howlan fulinteeda dhalinyaro mutadawiciin ah, kuwaasoo alle agtiisa ka filaya abaalmarin.

Dadka ka faa’ideestay howashan afurinta ah ayaa u badan dhibanayaasha abaarta ka soo barakacday, iyadoona ay ku jiraa  barakacayaashii hore ee magaalada ku sugnaa, waxaana dadka laga soo kala xulay ku dhawaad 20 xero barakacayaal oo ku yaala magaalada Muqdisho.


Howashan ayaa waxaa si weyn gacan uga geestay C.llaahi Xasan oo isagu ah nin dhalinyara ah oo naafa ah kaasoo ku nool degmada wadajir, waxaana C.llaahi uu ka casuumay keydmedia iyo WWSS in hoygiisa ay ka dhigtaan halkii lagu quudin lahaa dadka dhibanayaasha ah ee aan awoodin iyagu in ay guryahooda afur ku sameestaan.

Agaasimaha guud ee keydmedia Cali saciid Xasan ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku howlan howasha afurinta in ay u daacad falaan dadka isla markaana si siman oo cadaalad ku dheehantahay dadka in loogu gargaaro, waxaana uu uga digay in dhalinyarada ay waxyeelaan dadka xiliga lagu guda jiro qeybta kaalmada.

Kaasim Ali oo isagu ah aas-aasaha Ardayda soomaaliyeed ee caalamka (Worldwide Somali students) ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka ay u socoto howasha ufurinta ah, isagoona xusay in qiima gaar ah ay u leedahay sanadkan howasha afurinta maadaama qaab maamulka howasha ay yihiin dadka gacanta ku haya dhalinyaro mutadawiciin ah

Keydmedia iyo WWS S oo wada jira waxa ay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku nool in ay ku dadaalaan sidii mar walba looga shaqeyn lahaa u gurmashada dadka ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya ee colaadaha, abaaraha iyo rabshadaha isbiirsaday.

Howashan afurinta ah ayaa ku bilaabatay nidaam dar dar wanaagsan ah iyadoona ilaa iyo hada aanay jirin wax cabaqad ah oo ay la kulmeen dhalinyarada howasha wada ee maalin walba u taagan in ay siiyaan afurka dadka dhibaateysan.

Dhalinyartada afurinta ku howlan ayaa waxaa ay sheegeen in dadka ay u kariyaan maalin walba Bariis iyo Hilib waxaana si toos ah u timaada xarunta afurinta 120 qof kuwaasoo qofkiiba la siiyo cunto uu ku ay ku afuri karaan 4 qof taasoo wadarta guud ee dadka ka faa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.