Sunta lagu Daadsho Xeebaha Soomaaliya… Bal arag Natiijadii (Daawo Masawiro + Video)

Rubac qarni mudo ku dhaw Dalka waxaa ka jiray dhibaatooyin iyo nidaam la’aan baahsan waxaana taasi ay sababtay in Dalka beylah uu u noqdo qataro kale duwan oo midba tan kale ay ka sii darantahay.
Sunta lagu Daadsho Xeebaha Soomaaliya… Bal arag Natiijadii (Daawo Masawiro + Video)

Waxaa qandaraas ku qaatay xeebaha Dalka Soomaaliya in la sumeeyo shaqasiyaad midab iyo magac soomaaliyeed leh balse aan laheyn dareen wadaniyadeed iyo mid soomaalinimo kuwaasoo qadiyadooda dhaafsiistay shilimaad aan badneen oo ay ka qaateen shirkadaha warshadaha leh ee caalamka kuwaasoo haraadiga sunta ku soo shubo xeebaha Soomaaliya.

Soomaalida calooshood u shaqeestayaasha ah ee qandaraasyada sumeenta xeebaha Dalka la soo saxiixday shirkadaha Shisheeya ayaa waxaa ka mid ah.

Kaluumeysatada iyo dadka deegaan xeebeedyada ku nool ayaa mar walaba waxa ay dhaayahooda ku arkaan haamo waa weyn oo ka soo caariyay dhanka xeebaha kuwaasoo la rumeysan yahay in ay qeyb ka yihiin kuwa la ciirciiraya suntan iyo haraadiga wasaqrada warshadaha.

Dadaka arimaha badda ku xeeldheer waxa ay sheegeen in haamanka sumeysan ay ku keydsanaan karaan gudaha badweynta muda fog isla markaana ay tartiib tartiib ugu soo baxayaan banaanka.

Waxaana la rumeysan yahay in haamaha iminka soo caariya ee lagu arka xeebaha in ay yihiin kuwa badda lagu riday mudo sanada ah ka hor, Waxyaalada dadka Somaliyeed haamaha wasaqeysan ku yeeshaan waa kuwo aad iyo aad u badan oo aan qoraal ama filim aan lagu soo koobi Karin.

Cabdikariim Nuur Cali waa Soomaali ku nool Muqdisho waxaa iminka uu dareemayaa xanuun soo shaac baxay bilowgii burburka Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in xanuunka C.kariim iyo kuwa kale oo badan ay ka mid yihiin dhaxalka suntan xeebaha Soomaaliya lagu duugo.

Isaga oo 8 sano jir ah ayaa lagu sameeyay qaliin, laakiin wax badan kama tarin qaliinkaasi, waxaana sidoo kale lagu sameeyay baaritaan muda hada laga joogo laba sano laakiin dadaaladaasi midkoodna mara dhal ma noqon, oo iminka waa qof u baahan kaalmo caafimaad.

Sidoo kale Muqdisho waxaa muda hada laga joogo 20 Maalmood ku dhashay wiil aan laheyn cajaro waxaana lugaha wiilkan ay yihiin kuwa u sameysan sida usha oo kale iyadoona ay la yaaban yihiin qaab dhismeedkiisa waalidkii dhalay oo ag danyar aan awoodin daryeel caafimaad in ay u fidiyaan.

Hadii uu sii socda qorshahan lagu sumeynayo xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa la saadaalinayaa in qatarta ay sii badato isla markaana  dad badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato badan kala kulmi doonaan suntaasi, waxaana aan sinaba loo dafiri Karin in ay mas’uuliyada iyo la xisaabtanka arintaasi qaadi doonaan shaqsiyaadka calaamadeysan ee ka qeyb qaatay qorshaha sumeenta xeebaha Soomaaliya.

Abdullahi Hassan - Mogadishu - Keydmedia





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.