Weerarkii Westgate & Ammaanka Kenya

Nairobi (KON) - Iyada oo hanjabaado soo cusboonaaday iyo jeesjees ka imanayay al-Shabaab ay soo baxayeen dhowrkii maalmood ee la so dhaafay, ayay dadka Kenya waxa ay sugayaan jawaabo ku aaddan sidii ay u dhacday go’doomintii dhiiggu ku daatay ee suuqa Westgate ee Nairobi – iyo bal in ay suuragal ahayd in laga maagto.
Maqaallo Keydmedia Online
Weerarkii Westgate & Ammaanka Kenya

Illaa hadda, faahfaahin badan oo khuseeysa go’doominta ayaa la fahamay: Sabtidii hore ayay koox hubeeysan oo al-Shabaab ah waxa ay xoog ku galeen suuq heerkiisu sarreeyo ee laga dukaameeysto, waxa ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu fureen dadkii adeeganayay iyagoo sidoo kalena bam-gacmeed ku tuurayay dad tira badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan. Kadib is horfadhi socday afar maalmood, ayay raggii hubeeysnaa waxa ay dileen ugu yaraan 67 qof iyaga oo tiro aan la garanayn oo dad ahna u qabsaday la haysta ahaan illaa iyo intii ciidamada ammaanka Kenya ay xaaladda gacanta ku dhigeen Talaadadii.

Laakiin weerarka kadib, ayaa wali su’aalo badan wax jawaab ah loo hayn: Maxaa ku dhacay la haystayaashii kale? Sidee bay ugu suuroowday weeraryahannadu in ay soo galaan xarunta suuqa oo ay u haysteen muddada intaa dherer le’eg? Yaa soo maleegay oo ka dambeeyay weerarka xaggee buuse jiraa qofkaa hadda?

Ciidamada ammaanka iyo sirdoonka Kenya weerarka maka heleen digniino horudhac ah, mase ka hortagi kareen?

“Weerarrada argaggixiso iskama dhacaan,” ayuu yiri falanqeeyaha arrimaha ammaanka Raymond Kipkorir Cheruiyot, oo ah kornayl ka howlgabay ciidamada qalabka sida ee Kenya isla markaana wax ka leh Shirkadda Multi Security Consultants Limited ee Nairobi.

“Argaggixisadu waxa ay weerarrada qaadaan marka ay hay’adaha ammaanku is dhigtaan,” ayuu u sheegay Sabahi. “Suuqa dukaameeysiga ee Westgate waxa uu ahaa dhisme ahmiyad sare leh, oo ay ahayd in 24-ka saac ammaankiisa si xoog leh isha loogu hayo isla markaana ay joogaan ilaalo bilays oo hubaysan. Hadduu sidaa xaalku ahaan lahaa qorshaha weerarkan waa la ogaan lahaa waana laga hortagi lahaa.”

Cheruiyot waxa uu dhalleeceeyay jawaabtii kala daadsaneeyd ee ay xukuumadda Kenya ka bixisay waxa uu ku tilmaamay weerar aad u khidadeeysan oo ay “kooxda dhex-jiiridda ee argaggixisadu u qorsheeyeen una fuliyeen si taxaddar leh.

Ciidamada ammaanku waxa ay ahayd in ay barahaas qiimaha sare leh u sameeyaan kamaradaha wax lagu ilaaliyo oo u shaqeeynaya si joogta ah, dib u eegid ku sameeyaan hannaanka ammaan ee jira iyo qaababkiisa, isla markaana isha lagu hayo dadka deegaanka ka soo jeeda ee la haya ama taageera argaggixisada, ayuu yiri.

“Waa sax, xilliga ay ku soo jawaabeen ciidamadeenna ammaanku wuu fiicnaa, haseyeeshee hawl-qabadkoodu sidaas waa ka sii cilmiyeeysnaan lahaa haddii ay wax ku qaybsan lahaayeen xogihii sirdoon ee laga helay bannaanka ee ka digayay in Westgate uu argaggixisada u yahay bar-tilmaameed qiime sare u leh oo jilicsan,” ayuu yiri Cheruiyot.

Digniin hore oo laga helay argaggixisada

Bishii August, ciidamada ammaanku waxa ay Kenya ka soo saareen digniin aragaggixiso, iyaga oo sheegay in ay xogo sirdoon ku heleen in ugu yaraan shan howl-fuliye oo al-Shabaab ah ay Mombasa ka soo galeen dhinaca Soomaaliya lagana yaabo in ay qorsheeynayaan weerar lagu beego sannad-guuradii koowaad ee dilkii wadaadkii xagjirka ahaa ee Aboud Rogo Mohammed.

“Digniinta ammaan ee ku jeedday Mombasa ama Kisumu waxay ahayd in ay dareen-galiso dhammaan dalka,” ayuu yiri Gaashaanle Bishar Hajji Abdullahi oo ka howlgabay ciidanka. “Way iska caddahay in uu qof ka caajisay.”

“Shilkan kadib, kuwa og in ay dambi ku leeyihiin arrinka waa in ay is casilaan, ama waa in uu madaxweynuhu shaqada ka eryaa,” ayuu Abdullahi u sheegay Sabahi.

Ciidamada Difaaca Kenya iyo ciidamada kale ee huwantu shaqo fiican ayay ka qabteen tirtiridda al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, laakiin waxay ahayd in adeegyada ammaanka ee Kenya ay bilaabaan baaritaan ay ku baadi-goobayaan xagjiriinta la tuhunsan yahay ee ku sugan ciidda hooyo markii ay heleen xogaha sirdoon, ayuu sheegay.

David Ochami, oo ah saxafi fadhigiisu yahay Mombasa oo ka warrama kooxaha xagjiriinta ah ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, ayaa sheegay in toddobaadyadii ka horreeyay go’doominta Westgate ay jireen calaamado muujinaya in weerar soo aaddanyahay.

Tusaale ahaan, al-Shabaab iyo inta la dhacsan aad ayay u adeegsadeen warbaahinta bulshada toddobaadyadii ka horreeyay weerarka, waxayna ahayd in farrimahoodu wax uun baaq ah naga siiyaan weerarka, ayuu sheegay.

“Qaar ka mida farriimahaas waxa laga yaabaa in ay noqdaan been la doonayo in cabsi lagu abuuro ama marin habaabin, laakiin waxa ay ahayd in loo tarjunto loona qaato si dhab ah,” ayuu Ochami u sheegay Sabahi.

Xittaa intii ay socotay go’doomintu, al-Shabaab waxa ay si xiriir ah farriimo iyada khuseeya u soo dhigaysay Twitter-ka, ayuu sheegay Ochambi, isaga oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay lahayd in si gaar ah ahmiyad loo siiyo sida ay argaggixisadu u isticmaalayso warbaahinta bulshada xilliga ay ku dhex jireen oo fulinayeen weerarka.

Jirteeyoo al-Shabaab laga xiray shan address oo Twitter ah sannadkan, oo ay ku jiraan saddex la xiray wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate, ayay haddana al-Shabaab waxa ay wali isticmaalaysaa warbaahinta bulsahda si ay u handaddo ama ugu digatto cadowgeeda.

Farriimo xiriir ah oo ay soo dirtay Khamiistii, ayay al-Shabaab wax ay ku dhalleeceeysay xukuumadda Kenya xogihii iskhilaafsanaa ee ay bixinaysay weerarkii kadib.

“Xukuumadda Kenya wali waxa ay ku jirtaa jahawareer kamana bixi doonto dhowr bilood illaa iyo inta ay si buuxda uga fahamayso waxa ka dhacay Westgate,” ayay tiri al-Shabaab. “Hadalladii is duqeeynayay ee ay ka bixiyeen dhacdooyinka hubaashii waxa ay calaamad u yihiin in xukuumadda Kenya uu haleelay xanuun ay ka qaadday afkaarta oo ka soo bixi wayday.”

Xagjiriinta ayaa sii waday in ay ku faanaan “howlgalka la yaabka leh” ee ay ka fuliyeen Westgate, iyaga oo dadka reer Kenya “gabi-ahaanta dhaygagiyay wax ka badan 100 saacadood”.

Al-Shabaab ayaa cusbooneeysay hanjabaadda ay ku hayso Kenya iyada oo tiri, “…ha niyad jabina dadoow, kaasi kaliya waxa uu ahaa jilitaankii 1-aad”.

Digniin sheegaysay in weerarka Westgate oo uu soo socdo

Dhinaca kale, sharci-dajiyaha Kenyanka ah Mike Sonko ayaa toddobaadkan qabsaday wararka kadib markii uu shegay in muddo waafi ah ka hor weerarka uu helay xog ku saabsan in argaggixisadu ay qorsheeynayeen in ay weeraraan suuqa Westgate iyo meelo kale oo ku yaal Nairobi.

Waxa uu sheegay in xogtaas uu u gudbiyay mas’uuliyiinta ammaanka, laakiin sidii loo baahnaa ayan dhab ugu qaadan.

Sida uu sheegay Sonko, oo xildhibaan u ah dadka reer Westlands oo ah halka uu ku yaal Westgate, laba haween ah ayaa u yimid oo u sheegay saddex bilood ka hor in xagjiriin al-Shabaab ah ay guri ka kireeysteen xaafadda Parklands ee Nairobi oo ay qorsheeynayeen weerar caynkan oo kale ah.

“Waxay ii sheegeen in weerarka lala damacsanaa Westgate, Village Market, Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta iyo baarlamaanka,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxaan gacan ka siiyay in ay u duubaan ciidamada bilayska iyo sirdoonka warbixin si markaa loo sii ambaqaado baaritaan intaa ka sii badan.”

Adeegga Nabadsugidda Qaranka iyo hay’ado kale oo ammaan ayaa ku fashilmay in ay ku howlgalaan xogtaas. Waxa uu xogtaa la wadaagay Aqalka Guurtida 24-kii September, maalintii la soo afjaray muwaajahadii Westgate.

Saaxiibkii sharcidajiye Asman Kamama, oo ah shir-guddoomiyaha Guddiga Maamulka Baarlamaanka Qaranka iyo Amniga Qaranka, ayaa sheegay in weerarka suuqu uu soo saaray goldaloolooyin ka jira uruurinta xogaha sirta ah.

“Qaabkii loo fuliyay weerarka, waxa uu ahaa mid aad loo soo agaasimay, macanaha waxa uu ahaa arrin si fiicanna loo soo qorsheeyay loona fuliyay,” ayuu Kamama, oo ah xubin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga Midoobay lagana soo doorto Gobolka Baringo, u sheegay Sabahi.

“Marka in sirdoonkeennu uunan wax xog ah ka hayn weerarka soo aaddan, waxa ay ka dhigan tahay in ay jireen fashillo ammaan oo waaweeyn oo ay khasab nagu tahay in aan baarno isla markaana aan kala xisaabtanno shakhsiyaadka mas’uulka ka ah,” ayuu yiri.

Jawaabta mas’uuliyiinta

Weerarka lagu qaaday Westgate kaliya kama uunan yaabin qaranka laakiin waxa uu sidoo kale u muuqday in uu nal ku ifiyay difaacayaashii qaranka oo shaqadoodii ka seexday, ayay mas’uuliyiini u sheegeen Sabahi.

“Marka daacadnimo buuxda loo hadlo, tani waxa ay ahayd markii ugu horreeysay ee uu Kenya soo maro weerar aragaggixiso oo illaa iyo xadkaas dhiirran oo lagu qaado suuq iyada oo la isticmaalayo qoryo,” ayuu yiri Agaasimaha Dib-u-habeeynta Bilayska Jonathan Kosgei. “Waxannu niqiin bambaanooyin, [laakiin] hannaankan cusub way nagu adkeeyd in aan sii saadaalinno. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanku intii karaankood ah ayay ka geeysteen sidii loo xakamayn lahaa xaaladda iyada oo ay jireen duruufo iyaga ka hiillinayay.”

“Weerarkan waxa sida ay u badan tahay uu soo dadajin doonaa dood qaran oo laga galo bal in la hubeeyo ilaalada ammaanka iyo in kale,” ayuu u sheegay Sabahi. “In ay kaliya ku hubeeysnaadaan bud alwaax ah iyo firinbi, waardiyayaashu waxa ay noqonayaan kuwo nugul gabi ahaanna aan awood u heli karin in ay istaajiyaan weeraarrada hubeeysan.”

Arrin kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado ayaa ah sida ay dhacdada Westgate bannaanka ugu soo saartay isbaddalka weeyn ee ay al-Shabaab uga guurtay khiddadihii millatari uguna baddalatay howlgallada la midka ah kuwa kumaandooska, sida uu sheegayo Wakiilka Xukuumadda Dhexe ee gobolka Western James ole Seriani.

“Waxay doonayeen in ay geeystaan khasaaraha ugu badan ee ay ku soo fashileen in ay ku xaqiijiyaan qaraxyada ay dhigaan waddada dhinacyadeeda,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waa isla tabtii ay sannadkii hore u adeegsadeen Gaarisa markii ay xoogga ku galeen dabadeedna rasaasta ku fureen laba kaniisadood iyo hoteello halkaasna ku dileen in ka badan 20 qof."

Xasuuqa Westgate waa baraarujin, ayuu sheegay Seriani, dadweynuhuna waa in uu feejignaadaa si markaa argaggixisada loo jabiyo ka hor inta aynan u soo gudbin gudaha Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa sidoo kale lagu dhalleeceeyay in ay saxaafadda siisay xogo iskhilaafsan intii uu socday weerarkii argaggixiso ee Westgate.

Laakiin Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mutea Iringo ayaa difaacay xukuumadda, isaga oo sheegay in ay taasi ahayd khiddad ku tala-gal ah oo la doonayay in lagu jahawareeriyo argaggixisada.

“Aamusku sidoo kale waa tab hubeed,” ayuu u sheegay Sabahi. “Looma baahna in aad si muuqata qaylo afka ugu shubato adiga oo dagaal kula jira urur argaggixiso.”

Inkasta oo ay ahayd dhacdo ayaan-darro ah, ayuu Iringo sheegay in uu rajaynayo in weerarkii Westage uu madaxda caalamka ku dhiirri-galiyo in tallaabo laga qaado al-Shabaab.

“Al-Shabaab xilligan kaliya Soomaaliya kuma aha mixnad laakiin waxa ay qayb iyo waax ka tahay shabakad argaggixiso oo caalami ah oo ay xukuumadaha caalamku u baahan yihiin in ay suuliyaan,” ayuu yiri.

Saraakiisha sare ee ammaanka ayaa la filayaa in ay hortagaan baarlamaanka toddobaadka soo socda taasoo qayb ka ah baaritaan lagu sameeynayo weerarka argaggixiso.

“Waxa la gaaray xilligii mas’uuliyadda iyo isla xisaabtanka,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga difaaca Ndung




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.