WFP: Mar Waa Cunto Dhacday, Marna Waa Cunto la dhacay…!!

Ahmed Warsame (Keydmedia) - Siddeed nin oo ah ganacsato reer Muqdisho ah ayaa qiratay raashinka bakhaarada u yaalla oo ay suuqa fruna ku gadaan inay ka iibsadaan Cabdilqaadir Maxamad Nuur oo ku magacdheer Eenow iyo afadiisa oo leh xarumo dadka lagu quudiyo…! Waa fadiixaddii qaranka iyo tii WFP…!
Maqaallo Keydmedia Online
WFP: Mar Waa Cunto Dhacday, Marna Waa Cunto la dhacay…!!

Xatooyada raashinka loo keeno dadka macaluusha u le’da waxaa la xadi jirey laga soo bilaabo 1992dii oo Eenow qandaraaska haystey…Keligiis ma ahan oo waxaa wax la cuna madaxda WFP iyo kuwa TFG…

16kii bishan Agoosto, markii baaris dabagal ay ku samaysay gabadha la yiraahdo Catherine Houreld oo ka tirsan jariidadda AP (Associate Press) waxay heshay xaqiiqada dhabta ah in raashinka WFP la leexsado in ka badan bar oo lagu iibiyo suuqa furan.

Raashinkaas wuxuu leeyahay shabbadaha dalalka ku deeqay. Raashinka la leexsaday oo yaalla bakhaarrada badan oo Eenow leeyahay iyo dukaamada yar yar oo suuqa ku yaal dayaarado ayaa lagu keenay si nafta loogu celiyo dadka macaluusha u dhimanaya oo daadsan jidkadka iyo xarumaha quudinta.

Raashinkaas waxaa keenay: Dawladaha Turkiga, Jabbaanka, Kuwait, Imaaraadka Carabta, waxayna u badan yihiin raashinka ilmaha lagu nafaqeeyo. Raashinka la leexsado ma ahan mid qarsoodi ah oo waxaa laga iibsan karaa bakhaarada waaweyn, macdaarrada yar yar, waratada iyo guyaha dadweynuhu leeyahay.In yar baa laga helaa bakhaarrada WFP u kiraysan ama xarumaha dadka laga quudiyo.  

Sida Catherine Hourled ay soo faah-faahisay, laga soo bilaabo rarka dekedda Muqdisho gudaheeda, raashinkaas wuxuu u kala ambadaa Bakhaarro badan oo meelo badan Muqdisho kaga yaalla oo uu leeyahay Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Eenow) oo ah qandaraaslaha WFP iyo rag kale oo badan oo ganacsato oo isaga ku lufaaqan.

Toddoba nin oo cuntada WFP ka ganacsada waxay Catherine Hourled u caddeeyeen sida raashinkaas loo leexsado. Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Eenow) ayaan raashinka ka gadanaa, lacagtana waxaan ugu shubnaa xisaab-socota oo uga furan Dahabshiil.

Markaan rasiidka keenno ayaa badeecada naloo fasaxaa Dekedda Muqdisho dhexdeeda. Wixii intaas ka dambeeya, annaga ayaa xor u ah meeshaan ku degsan lahayn iyo sidaan u gadi lahayn, ayay ku nuux-nuuxsatay Catherine.


Afada uu qabo Eenow, iyana door weyn bay ka qaadataa leexsashada raashinka WFP ay Muqdisho keento oo waxay maamushaa xarumo dadka lagu quudiyo oo Muqdisho ka furan. Markii xarumahaas lasoo baarayna, waxaa caddaatay inay soo gaareen cunto bar ka yar intii loo soo qaaday oo ku qornayd diiwaanka cuntada la dhiibay.  

Xarunta quudinta oo dawladdu Gacanta ku hayso oo la yiraahdo Badbaado waa meesha ugu daran oo lagu dhaco baraceyaasha macaluusha la tabaalaysan.

Xaliimo Sheikh Cabdi oo kamid ah barakaceyaasha ayaa wax ka sheegtay dhibka iyo inta kale oo xerada Badbaado ku jirta lasoo mariyey, waxayna tiri: “Cuntada ceeriin oo naloo qaybiyo dib ayaa loola noqdaa kadib marka warfidiyeenku sawirto cunto-qaybinta oo sawirro nalaka qaado.Shaqaalaha dawladda ayaa la yimaada gaadiid cuntadaas dib loogu raro, waxayna nagu qasbaan inaan oggolaano.

Qofkii diida xarunta ayaa laga saaraa dabadeedna ma helaan meel kale oo ay u ciirsadaan, oo taasu hore ayay u dhacday. Sidaas darted, qasab bay nagu tahay inaan oggolaano dib u bixinta raashinkii nala siiyey. Marka cuntadaas nalaka qaadayo ugu yaraan 10 qof baa maalin walba xerada baahi ugu dhimata. 

Kuwii diiday inay cuntadooda dhiibaan waa dibad-joogo oo looma oggola inay xerada dib ugu soo noqdaan.” Waxay kaloo ku dartay,  “Dhibaatada la gaarsiiyo inay dawladda u sheegaan, hase yeeshee aan weli wax laga qaban.”

Madax hay’ado xog-ogaal u ah cuntada Eenow leexsado, waxay qirayaan, “Inta aad caawinayso kuwa macaluusha u dhimanaya, waxaad kaloo caawinaysaa kooxaha awoodda leh oo ku taajira cuntada macaawinada ah oo loo keeno dadka macaluusha la tabaalaysan.

Musiibada macaluusha ayay ka ganacsadaan,” sidaasna waxaa yiri Joakim Gundel oo ah khabiir madax ka hay’ad madax-bannaan oo la yiraahdo Katuni Consult oo saldhiggeedu yahay Nairobi oo dabagal ku samaysa raashinka macaawinada ah oo Muqdisho la keeno, iyo sida loo leexsado.

Joachim Gündel wuxuu yiro, “Dad baad maanta quudinaysaa dhiman doona berri.” Stefano Poretti oo ah u qaybsanaha WFP ee Gobollada Bariga Afrika wuu qirsan yahay in cuntada Muqdisho lagu leexsado, meelaha lagu gadana ay makidka yihiin: Bakhaar weyn oo ku yaal duleedka Hotel Naasahablood oo uu leeyahay qandaraasle Eenow iyo xarunta Wakaaladda Biyaha Xamar oo ku taal Kilometer shan.

Cabduraxmaan Cumar Cusmaan oo ufka TFG-da ku hadlay wuxuu qiray inaan dawladdu la socon cunto la xado. Haddiise taasu dhacdo, tuugada waxaa la keeni doonaa maxkamad militari. Warkiisu waa been iyo asaraar. Cuntada Xarunta Badbaado laga dhaco dadweynuhu waa la socdaa, waxaana dhaca shaqaalaha dawladda oo xarunta maamula. Sidoo kale, ma jiro maxakamad milatari oo maxkamadaysa dadka dambiyada gala.

Eenow iyo afadiisa keligood ma ahan inta ku taajirtay xatooyada raashinka macaawinada ah oo waxaa la qaybsada madaxda WFP oo maamula cuntada Soomaaliya loo keeno. Sidoo kale, cuntada la leexsado waxaa khidmad ka qaata madaxda sare ee TFG-da oo qarisa xatooyada cuntada la leexsan.

Dadka xog-ogaalka u ah rashinka macuunada ah oo la leexsado waxay qirayaan in xatooyaddsu soo bilaabatay 1992dii markii Cabdulqaadir M.Nuur(Eenow) la siiyey qandaraaska cunto-qaybinta, waxaana gacan ka geystey madaxda dawladdii Manifesto oo Waqooyiga Muqdisho gacanta ku haysey.

Dad baa ku dooda been asaraar ah. Haddaan cuntada la leexsan, maxaa looga helaa bakhaarrada waaweyn ama yar yar oo Muqdisho ku yaalla…? Maxaa firshooyinka looga helaa…? Maxaa goobaha waratada looga helaa…? Maxaa guri walba oo Muqdisho ku yaal looga helaa…? Maxaa Cabdulqaadir M. Nuur Eeno iyo afadiisu u noqdeen qoyska ugu qanisan Geeska Afrika…?

Maxaa TFG-du u cabburisaa sheegidda raashinka la xado…?  Maxay u qaadatay 20 sano inaan lasoo shaac-bixin xatooyada raashinka macuunada ah…? Yaa mas’uul ka ah geerida 29kun oo ah dhallaanka ah oo cunto la’aanta ugu dhimatay iyadoo raashinkii nafaqayntu lagu iibinyo bakhaarrada Eenow…?

Yaa runta laga qarinayaa…ma bulshada Soomaaliyeed oo la xado…? Ma kuwa macaluusha u le’day…? Ma UN-ka oo cuntada ku tabarucday…? Ma dawladihii raashinka dayuuradaha kusoo raray si loo caymiyo dhallaanka geerida qarka u saran…? Mise Ilaaha wax walba daalacda…?

Ahmed Warsame – Nairobi - Keydmedia - ahmed.warsame@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.