Wiil Halyey Ah Haddii Aad Rabtid Ha Tumin Hooyadii…! - Dhibaateynta Dumarka

Mohamed Haji - Xadgudubyada ka dhanka ah Dumarka ayaa ah kuwo kala duwan qaab ahaan iyo qab ahaan. Hayeeshee gebi ahaanba xadgudubyaasi waxa ay ka simanyihiin gumaadka Ruuxa Dumarka ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Wiil Halyey Ah Haddii Aad Rabtid Ha Tumin Hooyadii…! - Dhibaateynta Dumarka

Sidaa awgeed dhamaan xudgabayadaasi waa wax ka soo horjeeda Xuquuqda Asaasiga ah ee aadanaha, hanaanka hufan ee Diinteenna iyo Dhaqankeenna suuban (Tan mala hubaa).
 
Xadgudubyadaani ayaa iskugu jira dhibaato Jir ahaaneed oo loo geysto Ruuxa Dumarka iyadoo loo taagsheeganaya, kufsiga noocyadiisa kala duwan, dhibaataynta maan ahaaneed eek a dhalata jirdilka, goodinta, yasmada iyo caburinta.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa iyaguna si gaar ahaaneed waxaa u soo waajaha dhibaatayn fara badan oo ku billowdo Da’ yar sida Gudniinka, guurka khasabka ah iyo dhibaateynta jirka iyo mankaba leh ee kaga timaada xubnaha Qoyska, balse kufsiga ayaa wali ah falka ugu foosha xun uguna faafidda og ee ay dumarkeennu maalmahan la kulmaan. Iyada oo aad si joogto ah u maqleysid "Haweeney lagu kufsaday…” ‘Gabar maydkeeda laga helay meel habla, markii la kufsaday kladib..” iyo War dhowaanahan soo baxay oo sheegaya in Gabar Wariye ah la kufsaday, kadibna xabsiga loo taxaabay.!

Xafiiska Qaramada Midoobay Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay in ugu yaraan 1,700 xaaladood oo Kufsi loo geestay Haweenka barakacayaasha ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga ee gudaha Dalka. Waxaa arintaas ka xanuun badan in ugu yaraan 70% tacaddiyadaasi ay geesteen Rag ku labisan Dareeska Askarta. Meelaha qaarna kuwa Ciidamada Amisom.! Waxaa ugu xanuun badan in Sadex Qaybood dumarkaasi la kufsaday ay Da’doodu ay ka yartahay 18 Jir.

Xadgudubka ugu Sahlan in lala beegto Ruuxa Dumarka; isla markaana ah mid aad u fool xun waxa uu ka yimaadaa dadka ugu dhow-dhow. Waalid iyo Walaal oo mararka qaar ay dhacdo caburin, toosin ama hagid qasab ah; iyagoo aaminsan in ay Qayb ka tahay barbaarinta wanaagsan oo ay mararka qaar dhacdo in la dilo Dumarka iyo Gabdhaha yaryar iyadoo laga cararaayo ceeb u soo hoyata reerka.

Arintaan ayaa fool xumo iyo Nasiib darro ku ah Bulsho fac weyn oo dhaqan iyo Diin wanaagsan leh sida Umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa jira isna Ruux aad ugu dhow ruuxa la dhibaateynayo oo ay dhacdo in awooddiisa iyo mas’uuliyaddiisa uu si xun u adeegsada; Ruuxaasi cid kale ma aha nee waa seygeeda oo ah Qofka kaliya ah oo ay ahayd in uu ka hor istaago wax dhibaatada; laakin nasiib darro waxay Rag badani ka doorteen dhibaateynta xaasaskooda iyo walaalahooda; waliba iyagoo caadeestay gacan u qaadista xaasaskooda.
 
Rag badan ayaa jira oo Qalad ka fahmay Diinta; isla markaanna is tusiyay in jirdilka xaasaskoodu yahay wax aan lagula xisaabtami karin. Qaar ayaa iyagana aaminsan in uu faa’iido u leeyahay reerka; sida marwada oo u dhaga-nuglaata ama ka haybadeysata. Nin waliba sababtiisuu leeyahay; hase ahaatee wax cudurdaar ah malahan dhibaateynta Dumarka.

Doqon kaliya ayaa dhibaateeya Xaaskiisa!
 
Xadiis uu Nucmaan Bin Bashiir RC uu uu ka Wariayay Nabiga CS ayaa ka sheekeysanaya Khilaaf Nabiga CS iyo Hooyadeenna Caa




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.