Xal Maloo Heli Doonaa Damaca Iyo Shirqoolada “Madaxdii” Hore Ee Soomaaliya?

Daacad (Keydmedia Online) - Ninka Soomaaliga ah ee mar dhadhamiya Madaxtinimada oo Asalkeedu uu yahay in laga Taajiro laguna Cuno Xoolaha Shacabka gaajaysan, ayaa Go'aankiisu yahay inuu Geed dheer iyo Geed gaabanba u fuulo sidii uu mar uun ugu noqon lahaa Jagadii uu Xoolaha kusoo dhacay.
Maqaallo Keydmedia Online
Xal Maloo Heli Doonaa Damaca Iyo Shirqoolada “Madaxdii” Hore Ee Soomaaliya?

Waxaase hada ku cusub Shacabka Soomaaliyeed oo waliba ka yaabisay in Wadadaas ay raacayaan Rag aan wali Jagooyin ka qaban Soomaaliya laakiin u tartamay kuna Guul daraysay in la doorto, kuuwaasoo hada u muuqda inayba ka daran yihiin kuwii Jagooyinka soo qabtay. Soomaalidu waxay tiraahdaa "Dhargaa Waalan, dhadhanshaana ka daran".

Todobaadkii hore ayay aheyd markii laga soo Sheegay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar inuu yiri "Waxaan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya ugu tartamayay inaan Madaxbanaani siiyo Somaliland", Maalmo kadib ayay aheyd markii Shaashadaha uu kasoo muuqday Yusuf Garaad Axmed oo dhexda uga jira Axmed Madoobe iyo Ina-Cabdirashid oo mucaarad muuqda ku ah Dowladda Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Nairobi lagu qabtay Shirweyne ay kasoo qeyb galeen dhamaan Mucaaradka Dowladda Soomaaliya oo uu markaan kusoo biiray C/raxman Baadiyow oo isna sida Labada Nin ee aan kor kusoo sheegay u tartamay Jagada Madaxtinimada Soomaaliya ee uu ku guulaystay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud.

Raggaan kor ku xusan wali ma aysan qaban Jago Dowlad Soomaaliyed, waxayna hada ku Lug xirteen Rag Jagooyin kasoo qabtay Soomaaliya, oo waliba Taariikhdoodu ay Madow tahay, sida Cali Khaliif Galeyr, Cali Max




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.