Xaqna Malahan Xeer U Doodana Ma Hayaan! (Aragtida 20-sano Jir Soomaali ah)

Tan iyo markii la riday dowladii kacaanka ee 21 sanno dalka maamulaysay waxaa soo baxay marxalado badan oo ay dadkan Soomaalida ah ay soo bareen, waxa ay gabaad u noqdaan is hardan siyaasadeed iyo mid beeleed intaba.
Xaqna Malahan Xeer U Doodana Ma Hayaan! (Aragtida 20-sano Jir Soomaali ah)

Waxaa lumay oo dhexda ka baxay waxyaabo badan oo ay dadkan ku taamayeen markii faraha lagaleen dowladii 21ka sanno ahayd, oo ay dadka qaarkii u maleynayeen in ay nacfi iyo nolol ka roon mida ay ku jireen ay heli doonaan, siday doontaba ha ahaatee dad badan ayaa ku naf waayay dagaaladii dalka ka dhacay kuwo kale waxa ay ku harqameen badaha u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Yeman halka kuwo kale aan raadkooda iyo raqdooda aan lahaynin tan iyo maantadan la joogo.

Hooyo badan ayaa ilmadu indho tirtay siday ugu baroor diiqaysay wiilkeedii/gabadheedii oo aan la garaneyn halka ay maanta caalamka kaga sugan yihiin, halka kuwa kale ay ku 20 jirsadeen dagaalo aan dhammaansho lahayn waxa ayna yihiin kuwo ku naf, hanti ayna ku waayaan qaybo ka mid ah jirkooda, waxaana marag ma doonta ah in maanta shacabka Soomaaliyeed ay la ildaran yihiin waxyaabaha ku habsaday naftooda iyo qalbigooda.

Uurkutaalada uu dareemayo qofkasta oo Soomaali ah ayaa noqonaysa mid rajo beel ka dhigaysa nolosha uu ka dhex nool yahay, waxaa uga daran marka ay dhegihiisu maqlaan waxaa dalka loo soo unkay dowlad aan maqal un ah oo aan haynin tabar iyo waxqabad dhab ah, waxaadna maqlaysaa maalmo un kadib isqabqabsi ka dhexdhasha kuwii ku soo heshiiyay nidaamkii ay isla wadeen.

Aan dib u qooraansado hal ku dhiga maqaalka oo aan dareemayo xanuunka uu xambaarsan yahay oo ah mid wax badan taabanayo dhibaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya oo aysan jirin cid hadal haysa dhibaatooyinka ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka, waxaana lama huraan ah in waqtiga uu sharxi doono dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ha noqoto mid gudaha ah mid dibadda ah.

Aan soo xooraansho aniga oo aan dhammaystiri Karin maqaalkan oo xanuunkiisa aan dareemayo marka aad maqasho 50-meeyo Soomaali ah ayaa ku harqamay badaha u dhaxeeya Yeman iyo Soomaaliya, halka kuwo kalena oo aan xisaabtooda lahaynin in ku dhinteen saxaraha u dhaxeeyo Liiba iyo Suudaan, yeey kuwaasi xisaabta ugu jiraan yaase lagala xisaabtamaa miyeysan ahayn “XAQ MALAHAN XEER U DOODANA MA HAYAAN”.

Aragtida Zulu Alpha

------------------------




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.