Xeebta Liido iyo Maalinta Jimcada - Daawo

Muqdisho (Keydmedia) - Kumannaan Qof oo Shacabka reer Muqdisho ah ayaa maalin kasta oo Jimco ah isugu soo Baxda Xeebta Liido, maantay ayaan Booqanay waxaana la kulanay...
Maqaallo Keydmedia Online
Xeebta Liido iyo Maalinta Jimcada - Daawo

 

Iyado muddooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay magalada muqdisho horumar dhinaca Dhaqdhaqaaqa Bulshada ayaa waxaa maalin kasta oo Jimco ah Xeebta Dheer ee Liido u daawasha tagta Kumannaan Soomaali ah oo isugu jira Rag, Dumar, Dhallinyaro iyo sidoo kale Qurbajoogta Soomaalida oo beryhii ugu dambeeyay lagu arkayay iyagoo kusoo laabanaya magaalada kana qeybqaadanaya Daawashada iyo dabaasha Badda Soomaaliya.

Dadweynaha ayaa ku farxay inay ku damaashaadaan xeebta liido iyo baddeeda iyadoo aad arkeyso marka aad booqatid Dhallinyarada aad u da’ yar oo ku kala mashquulsan ciyaarta kubbadda cagta iyo qaar iyagu ku dhex dabaalanaaya baddeenna oo ay kheyraad farabadani ka buuxaan.

Mar aan booqanay Xeebta liido ayaa waxaa ku aragnay Caruur  ku dabaalaneysa xeebta 1aad iyo tan labaad ee Badda, waxaana sidoo kale aad dareemeysa sida ay dadka ajaaniibta ah ee dalka yimaada u xiiseenayaan badda Soomaaliya.

Qurbajoogta Soomaalida ayaa kusoo qulqulaya wadanka markii ay arkeen xoogaa nabad gelyo ah oo kasoo bidhaantay caasimadda iyagoo aad arkeyso inay dhunkanayaan Ciidda Xeebta Liido hilow  iyo xamaasad ay u qabaan darteed.

Xeebta Liido ayaa muddo sadex sano ah u xayirneyd kooxda mayalka adage e Alshebab kuwaasoo u diiday in dadku ay ku damaashaadaan xilliyada ay fasaxa leeyihiin, haseyeeshee waa laga saaray markii dambe kooxdaasi kadibna waxa ay dadka Reer Muqdisho heleen Neecaaw aad u macaan.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.