Xiriirka Al-Shabab-Hisbul-Islam iyo R.Wasaaraha Soomaaliya Mr.Cumar C/rashiid

Siyaasadda sirgaxan ee Soomaaliya marka si hoose aad u eegto waxaa kuu muuqanaya waxyaabo lagu jahwareeri karo isla markaana fahamkooda uu aad u adagyahay , taasina waxaa ugu wacan ragga hor booda Siyaasadda Soomaaliya oo ah kuwa aan u bisleyn siyaasadda isla markaana mudo ku caana maalay dhaqanka NGO-yada ee laba canleynta ku dhisan.
Maqaallo Keydmedia Online
Xiriirka Al-Shabab-Hisbul-Islam iyo R.Wasaaraha Soomaaliya Mr.Cumar C/rashiid

Muda 20-sano ah ayaa Dalka Soomaaliya ku soo jiray gacanta hogaamiyaal aan dhaqan iyo dhogar midna doorin Madaxda NGO-yada iyo Hey’adaha isku tilmaama kuwa caalami ah oo daneeya xaaladda Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horaantii Sanadii 2009 Dalka Jabuuti waxaa lagu soo dhisay Dowlad ay qaab dhismeedkeeda garwadeyn ka aheyd  QM, waxaana  Dowladaasi loogu magac daray “DOWLADII DHALINYARADA” taasina waxay timid markii Madaxweynaha oo dhalinyara ahaa uu magacaabay R.wasaare dhalinyara ah, waxaana lagu hanweynaa in isbadal uu dhalan karo maadaama maskax ugub ah la keenay maxaase dhacay?

Labadii bilood ee ugu horeysay dhismihii dowladda waxaa jiray is marxabeen iyo isu soo dhawaansho u dhaxeeysay mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada laakiin markii danbe waxaa soo shaac baxday in ay si weyn u kala fiigsan yihiin  oo ay luntay is aaminaadii, isku kalsoonidii iyo howl wada qabsigii u dhaxeeyay.

Bishii April ee sanadkii 2009 ayuu soo ifbaxay mugdi siyaasadeedka soo kale dhex galay Madaxweyne Shariif iyo R.wasaare Sharm’arke waxaana xiligaasi uu ku beegnaa waqtigii uu dalka dib ugu soo laabtay hogaamiyaha ururka xisbul islaam ee xiligan Xasan Daahir Awey.

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Xooga hubeysan  iyo R.wasaaraha?

Dad badan ayaa laga yabaa in ay durba ay la soo boodaan arinkani waa mid aan macquul aheyn sidee xiriir u dhex mari karaa koox dagaal wada iyo cidii ay la dagaalameysay, laakiin ka hor inta aadan ku dag dagin arinkaas aan wada eegno sheekadan kadibna fasir ka bixi akhriste  waxa kuu muuqanaya.

C/llaahi Cali Xaashi oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Xisbiga islam markaana ka mid ah dadka ku dhiira galiyay Xasan Daahir inuu dagaal dib uga bilaabo Dalka ayaa la xaqiijiyay inuu Abti u yahay R.wasaare sharma’arke, isla markaana uu R.waaaraha galaan gal ku leeyahay arimaha xisbiga sabab la xiriirta tix galinta Abtigiis.

Dhanka Shabaabka waxa ay wada xiriiraan Fu’aad Shonqale oo ay hal gobal ka soo wada jeedaan, waxaana xiliya kale duwan uu qaaday R.wasaaraha talaabooyin lagu raali galinayo dhinacyadaasi.

Qaramada midoobay Hey’adaheeda gaar ahaan hey’adda u qaabilsan arimaha horumarinta Barnaamijyada ee la yiraahdo UNDP si weyn ayeey ula socotaa dhaq dhaqaaqa Mr Cumar waana arin loo egmaday oo si weyn marka dhankaas la eego loola dhacsan yahay, waxaana UNDP-da ay ku dhiira galisaa Cumar in aan waxba laga qaadi Karin isla markaana uu u madax banaan yahay qaadista talaabo walba oo uu doono waxaana QM oo la soo shaqeeyay xiliyo kale duwan isagoona xilalkan soo qabtay

  • Political Adviser, Darfur-Darfur Dialogue and Consultations (DDDC), Seconded to the African Union Mission in Sudan (AMIS), Sep 2006 – Sep 2007
  • Political/ Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNMIS, Sudan, Jan 2006 – Aug 2006 
  • Political/Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNAMSIL, Sierra Leone, Aug 2000 – Dec 2005.

Cadeymo la xiriira Talaabooyinkiisa ka dhanka ah Dowladda uu ka tirsan yahay

Yuusuf Siyaad Indhacade oo xili Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga ka noqday Xukuumadda uu hogaamiya Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday tuhunka ah in uu laba canleeyo R.wasaaraha waxaana Yuusuf indhacade xiligaas uu ku dooday in loo diiday Rasaas uu kaga hortago xoogaga Dowlada ka horjeeda oo kaabiga ku soo haya xarunta Madaxtooyada “ R.wasaaraha wuxuu la shaqeeyaa kooxaha naga soo horjeeda mana loo dul qaadan karo arinkaasi” sidaa waxaa yiri Yuusuf indhacade oo markaa kadibna isaga tagay xilikii uu ka hayay xukuumadda .

Tusaale kale hadaan soo qaadano 18 bishii June ee Sanadkan dagaal ka dhacay Degmada Dharkeylay waxaa la sheegay in jab ay la kulmeen Ciidamada Dowlada uu gacan balaran ka geestay R.wasaraaha kadib markii uu Saanad Milatari in la siiyo uu ka biya diiday ciidamada deegaankaasi aaga uga jiray.

Taliyaha Ciidamada halkaasi dagan ayaa Maalinimadii khamiista aheyd 17-ka June waxa uu tagay xarunta madaxtooyada si saanad Milatari loo siiyo laakiin R.wasaaraha ayaa balamiyay Maalinta Sabtida ah ee 19 June inuu dib u soo laabto ayaan daro intaan la gaarin xiligii la balamiyay ayaa ciidanka lagu soo qaaday weerar dhaxalkiisa uu noqday dhiig badan oo daatay.

Bishii ina dhaaftay dagaalkii ka bilowday Magaalada Muqdisho difaac kan ugu xoogan waxaa ku jiray xoogag Ahlu suna ee dowladda heshiiska la galay dhawaan laakiin waxa ay Ahlu-suna iskeed u go’aansatay in ay aaga faarujiso kooxaha mucaaradkana ay la wareegaan fariisimihii Siigaale ay ku lahaayeen Ahlu –suna.

Maxaa soo dadajiyay go’aan ka gaarida Dagaalka Ahlu-suna ?

Sarkaal ka tirsan saraakiisha Ahlu-suna ayaa u sheegay Keydmedia in sababta ugu weyn ee ay isaga soo baxeen dagaalka in ay aheyd garab la’aan ka qabsatay dhanka Dowlada iyo Dowlada oo AMISOM ku wargilisay in aan Ahlu-sunada gobalka Banaadir aan sinaba loo taageeri Karin, arintaasi lug balaaran ayuu ku lahaa R.wasaaraha.

Gacan dhaafka laamaha kale ee Dowlada

Rag ganacsata ah oo Dubia ka soo daabula alaabo kale duwan ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xiliyada qaar uu R.wasaarah si hormaris ah canshuuraha uga qaato ganacsato isla markaana uu siiyo Docoments muujinaya in ay dhiibeen wixii canshuur ah ee laga rabay, waxaana lacagahaasi ay si toos ah ugu dhacaan jeebkiisa  iyadoona la tuhmayo in lagu taageero kooxaha Dowladda ka soo horjeeda gaar ahaan Xisbiga uu  hormuudkooda uu ka mid yahay C/llahi Cali Xaashi oo abti ugu aadan R.wasaaraha.

Waxaa la xaqiijiyay in bilihii la soo dhaafay canshuurta ku dhisan qaabka aan sharciga aheyn uu ka qaatay ilaa laba markab oo Ganacsi kuwaas oo markii ay dakada Muqdisho yimaadeen si weyn loola yaabay maadaama ay wateen Docoment-yo cadeynaya in R.waaaraha uu ka hormarsaday canshuurta.

Qorshayaashiisa Cusub

Ilo xog ogaal ah ayaa ku waramay in hadda qorsyahaasha ugu horeeyay ee ay Maagan yihiin UNDP iyo Sharmar’ke oo is biirsanaya in ay ugu horeyso dardar galinta wada hadal Nabadeed oo laga furayo Gobalada Bari iyo Nugaal oo asal ahaan uu ku abtirsado R.wasaaraha, waxaana ujeedka Wada hadalkan uu yahay in la soo dhiso madaxweyne cusub oo badalaya Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo iminka ay si weyn isugu dhacsan yihiin R.wasaare sharmarke.

Wararku waxa ay sheegayaan in wada hadaladaasi ay suurta gal tahay inuu ka qeyb galo Xisbiga uu hogaamiyo Xasan Daahir isla markaana xubinta firfircoon uu ka yahay C/llaahi Cali Xaashi, Cumar C/rashiid abtigiis .

Gunaanad

Haddii qorshaha ku dhisan laba canleynta uu sidan ku sii socda isla markaan Mr Sharmar’ke uu ku sii adkeysto falsafada uu ku naasnuujinayo Abtigiis iyo kooxaha kale ee Dowlada ka soo horjeeda isaga oo ka qalin daaranaya UNDP iyo hey’adaha kale ee QM waxaa suurta gal ah in Gabi ahaanba ay dowlada gabi cidla ah ku soo dhacdo isla markaana talada iyo maamulka ay la wareegaan kooxaha mucaaradka .

W/Q: Seeko - keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.