Xishood-laawe Xildhibaan Xarbiyaa kugu beegan ee Xaniiyo lahow

Xeeldheerayaasha aduunkaa xoolo raac ku tilmaamay, xildhibaan isku sheega qurmoon xaqa soomaali xabaalay, in eey xukumaan kuwa eey xaqireen, xasuuqeen oo eey xasideen weliba xeer hoosaad u sameeystay, xishoodlaawe xildhibaan xoolo badsiyaa lagu sheegay kuwi xumeeyay haweenka, dhalintiina xabaalay xaalufiyoo xabada haaysta haddii, eey isku xeeydeen in eey Qarankan xukumaan xaasidow magacaa ba´ xarig jiidka jiraa xal hadaadan u haaynin, xishoodlaawe xildhibaan xarbiyaa kugu beegan ee xaniinyo lahaaw.
Xishood-laawe Xildhibaan Xarbiyaa kugu beegan ee Xaniiyo lahow

Ninka xabaalay xaqeeyga, xoolaheeyga xooga ku boobay, gabdhaheeyga xumeeyay,xaalmarin ma waxuu u qaatay inuu xoogaan igu haaysto.

Waxaad moodaa kuwa xildhibaanada sheegta ee xilka ku helay xasuuqa umada Somali in la soo gaaray xiligii shacabka Somali dhihi lahaa nama ma tashaan wakhtigiina waa dhamaaday dalka afduub kuma haysan kartaan,gulufta colaadeed ee socotaa dalka kuma qabsan kartaan somali, waxa aad tihiin iyo cida gadaal idiinka riixeeysaa waan aragnaa, waxaan aad ugu xumahay in safaarada Ethiopia ninka safiirka ah ee xamar joogaa in ubax lagu soo dhaweeyo, Khadiijo Diiriye oo ah wasiir ka mid ah dowlada iyo xildhibaano aan damiir Somali ku jirin la kulmaan safiirka Ethiopia waa sharci daro tii ugu weeyneeyd ee abid aan daawano, sidee wasiir iyo xildhibaano u galaan safaarada Ethiopia ee xamar sow kaaf iyo kal dheeri maaha.

Waxaa waajib ah in kuwa safaarada galay ee sheeganaya wasiir iyo xildhibaano maxkamad la soo taagaa sida sharciga caalamka qabo waa kuwa qayaanay qarankii aay u dhaarteen,waxaan kale oo aan aad ugu xumahay in Indhacde uu u hanjabo dowlada hada jirta,sow lama dhihi karo r/wasaare Maxed C/aahi talaabada ugu horeeysa ee waajibka ku ah in aad qaadaa  waxaa ugu horeeysa:

Xildhibaanada iyo wasiirada la kulmay safiirka Ethiopia waxeey galeen qayaano qaran,sabbabta oo ah dalka waxaa ka dhisan dowlad iyada ayaana ka masuul ah badbaadada iyo xalinta wax qaranka ku istaagi lahaa.maxaa diiday in aay la kulmaan Madaxweeye Shariif ama r/wasaare Maxed C/aahi Farmaajo.

Qabqablayaashii dagaalka ee xiligaan u soo tafa-xeeytay in aay burburiyaan jiritaanka dowlada waa in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadaa,sida Indhacade,Maxed dheere.C/qeeybdiid iyo Muuse suudi,xaabsade sabbabta oo ah waa dhinbil aanan weli damin balse u soo taagan hurinta dowlad diid isbaaro doon ,waxaad moodaa in weli aay ka hadlayaan hamiga iyo siyaasada dowlad diid ah.

Mucaarad wax dhisaa ayaan u baahanahay balse mucaarad wax burburiyaa uma baahnin,xisbiga C/aahi sheekh Xassan iyo midka Axmed Samatar waa xisbiyo mucaarad ah oo weliba ka xun Al shabab sabbabta oo ah waxeey diideen in xukuumada hada jirtaa oo ah xukuumad tayo leh,laga dhex heli karo qalinleeydii Somali in aayan taageerin bals ku shaqeeya sidii loo ridi lahaa xukuumada,dhawaan ayeey ku kulmeen haraagii xisbul islaam ee garabka X.Daahir iyo Cabdi Samatar, agaalada Stockholm ee dalka Sweden, ujeedana waxeey aheeyd sii wadida la dagaalamka xukuumada hada jirta,rag isku sheegay aasaasayaashii maxkamadaha balse ah burburiyaashii maxkamadaha ayaa qaban qaabiyay ,afhayeenkii xisbul islaam ee London sh.Bashiir iyo kuwa aay isku jufo yihiin ayaa la kulmay Cabdi Samatar,waxaan leeyahay dalka waa naga wada dhexeeyaa burburkiisa  malab kama cabeeysaan balse dacar ayaad ka dhargeeysaan aan taageerno dowladnimada aan diidno kuwa guracan ee hadba riwaayad noodhigaa

Dowlada waxaa waajib ku ah in aay ku sameeyso hub-ka dhigid dhamaan inta xeendaabka dowlada ku dhex nool ee nabada haysata,sida dagaal oogayaashii dalka burburiyay kuwaas oo uu ugu hareeyo Maxed dheer,Indhacade iyo Cabdi Qeeybdiid iyo cid walba oo hub ku wadata xeendaabka dowlada ka taliso,cidii diidana waa in AMISOM iyo ciidamada xooga dalka lagu wargeliyo ka xoreeynta hubka sharcidarada ah umada 21 sanno ku habsatay dagaalka,dowlada xeendaabkeeda waxaa ku noolaan kara oo kalya cid walba oo dowlad jecel balse kuwa dowlada ka soo horjeeda waa in sidii Al-shabab loola dagaalo.

Dib u heshiisiinta dowlada balanta qaaday waa in xamar lagu dhigaa,ujeedada dib u heshiisiinta waa sii loo soo xulilhaa xildhibaano tayo leh,tiro yar oo dalka,dadka iyo diinta u shaqeeynkara maaha kuwa hada jira ee aanan laheeyn aqoon diin iyo mid dunyaawi.dhameeystirka dastuurka qaranka iyo sii wadida soo celinta qaranimadii burburtay,waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka xooga dalka somali sida uu dhiigiisa ugu huray soo celinta qaranimada somali iyo la dagaalanka kooxaha qaran diidka ah ee sida Al-shabaab iyo dagaal oogayaasha damaca kaga jiro in aay dalka ku soo celiyaan 91 oo kale.

Dalka waxaa uu hada galay marxalad cusub oo runtii haddii aanan laga fiirsan oo aanan wax laga dhihin keeni karta burbur ka xun kii 91 ,waa dowlad goboleeydyo lagu dhisay caadifad iyo humaag qaldan,jufa walba waxaa aay dhahday waxaan nahay dowlad goboleed sow midnimo diid maahin,kuwa qurbaha riwaayadaha isugu dhigaya fadlan dhulka aad sheeganeeysaan ka xoreeya cadowga diidan jiritaankiina,cadowga diidan qaranimada somalia.cadowaga diidan midnimada somalia cadowga idiin gaaleeyay ee isku arka in aay Al-shabab oo kaliya muslim yahay,cadwga  ciidiina ,calankiina iyo cududiina diidan,waxaan dhihi lahaa dowlad goboleed waa dagaal cusub oo ka dhex bilowda degaanada la sheeganyo ee humaaga badan,Alow sahal umuuraha.

W/Q: Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.