Sababta uu Xoghayahii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isku Casilay

Nairobi (KON) - Xoghayihii Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa Iska Casilay Shaqada, kadib markii uu Musuq-Maasuq ka dareemay Wasaarada Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, sidaas wuxuu ku Qoray Warqad Keydmedia Online hortaala.
Maqaallo Keydmedia Online
Sababta uu Xoghayahii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isku Casilay

Warqadaan uu Cabdisalaam Xaaji u Qoray Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fawzia Yusuf H. Aadam, una diray Xafiyadda Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayuu ku sheegayaa in Wasaarada Arimaha Dibadda ay ka baxday Sharciyo badan oo lagu balamay.

Cabdisalaam ayaa Warqadiisa Is-casilaada ku sheegay in Wasaarada ay ka gaabsatay dib u tayeeysiin lagu sameeyo Wasaaradda Gudaha iyo Dibedda, wuxuuna Wasaarada ku eedeeyay in ay Shaqada u dhiibtay Dad aan Qabrad laheyn.

Warqadaan uu diray Labo Bil kahor (02.09.2013) ayaa Todobaadkaan nasoo gaartay, waxeyna naga soo gaartay Wasaarada gudaheeda. Shaqaale badan ayaa ku faraxsaneyn Shaqada Wasaarada, waxeyna ka cabanayaan Musuq-Maasuqa ka socda gaar ahaan Wasaarada, guud ahaan Villa Soomaaliya.

"... Waxaa kale oo uur-ku taalo leh, in maaddaama Dadka Safaaradaheenna dibadda lagu meeleyay ayna Khibraddi iyo tababarkii loo baahnaa, fulinna karin Shaqada Qaranka sidi loogu talagalay, iyo in ayna Wasaaraddu ka socon tirada lagu Qoray Safaaradaha dibedda Wakhtigii ku meel-gaarka. Sidoo kale cidna ma oga cidda Masruuffa iyo waxa ay qabtaan, ayadoo arrintani ay kasoo horjeedo Sharciga (Vienna Convention an Diplomatic Relations) taasoo dhaawacaysa sumcadda Qarankeenna"

Qodobkaas uu Xoghayihii Joogtada Wasaarada ku Qoray Warqada ayaa laga dareemayaa Jahawareerka ka socda Safaaraddaha iyo Wasaarada, waxeyna Keydmedia Online Todobaad kahor soo Qortay Warbixin tusineysa Musuq-Maasuqa iyo Qabyaaladda ka socota Safaaradda Soomaaliya ee Dalka India, marar badanah waxaan soo Qornay Musuq-Maasuqa ka socda Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa 07 September Xilkaas u Magacaawday Adv. Hersi Haji Olosow, inkastoo Arimaha uu ka cabanayay Cabdisalaam Xaaji aan waxba laga qaban.

Sidoo kale Musuq-Maasuq baaxad weyn ayaa ka socda Wasaarada Arrimaha Dibadda, waxeyna noo sheegeen Shaqaale ka shaqeeya Wasaarada in aan laga Warqabin meeshee ka baxeen Lacago badan oo ay Wasaaraddu ka shaqeyn laheyd.

Hadaba Hoos ka Aqriso Warqadda Is-Casilaada:

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi | Editorial Desk




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.