Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Kiiska Wariye Koronto oo mudo soo jiitamayay ayaa wuxuu ka soo bilowday ka dib markii Wariyuhu uu Waraysi ka qaaday haweenay sheegtay in ay kufsadeen Askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, isla markaana qayb ka ahayd dadka degan xero barakac oo ku taala degmada hodan ee gobalka Banaadir.
Waxaa Joogta noqotay in Ciidamo wata dharka dowladda iyo Qoriga dowladda ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay Dowladu ka taliso.
Dhaca, dilka iyo cabsi galinta shacabka waa u caado Ciidamadadaan lagu soo xulay Nidaamka 4.5, waxaa daciif ah oo wax aan jirin oo kale ah talaabo fal celin ah oo ay ciidamada shacabka dhibaateynaya kala kulmaan laamaha garsoorka ee dowladda.
Ciidamda Dowlada inay Kufsi u geestaan Gabdhaha Soomaaliyeed la iskuma hayso, laakiin maxaa ka jirta Dacwadaan?
Qaar badan oo ka mid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa aaminsan xukunka Wariye Koronto in uu yahay mid xaqdaro ah oo ay ku deg degtay Maxkamada gobalka, sidoo kalana ay lug leeyihiin arintaan Saraakiil ka tirsan Dowlada.
Maxamed Ibraahim (Bakistaan) oo ah xogheeyaha guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay baaritaan ay sameeyeen inay ku ogaadeen in Xukunka wariyaha uu yahay mid sharci daro ah.
“Booliska Soomaaliya waxay daba joogaan warbixin laga siidaayay TVga Al-jaziira, waxaana cadaynaynaa in warbixintaasi uusan wax lug ah ku lahayn wariyaha, sidoo kalana waxaa cad haweenayda lagu wareestay warbixintaasi inaysan ahayn Haweenayda hada la xakumay” sidaasi waxaa yiri mudane Bakistaan oo la hadlay Keydmedia Online.
Sidoo kale Maamulka TV-ga Al-Jaziira ayaa Warqad Qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in laba Qof ee la xakumay aysan lug ku lahayn warbixinta ka baxday TV-ga sidoo kale Al-jaziira waxay cadaysay in xitaa aysan garanayn Wariyahaan.
Xogheeyaha guud ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay in Hay’adaha Dowlada qaarkood ay ka soo horjeesteen inay arimahaani kala hadlaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Dhanka Saraakiisha booliska, ma ahayn ogo laan in la tuso cadaymahaan oo dhan, sidoo kalana maxaysan keenin cadaymo muujinaya in wariyahaan uu galay danbiga lagu xakumay.
Marka laga reebo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Shariif oo sheegay in Wariyahaan uu ka been abuurtay Ciidamada Booliska, haweenaydana ay beenisay in la kufsaday, labadaan qofba looma ogolaan in ay maxkamada ka hadlaan oo arintaan ay cadeeyaan ama ay beeniyaan.
Qareenka u doodayay Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim ayaa xukunkaan ku tilmaamay mid xaqdaro ah oo cadaalada ka fog.
Dad lagu kalsoonyahay oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in ay cadahay in haweenayda uu wareestay Wariyaha la kufsaday, isla markaana ay joogaan dad Askartu ay qoryo ku qabteen xiliga uu Kufsigu dhacayay.
Sidoo kale Keydmedia Online ayaa ogaatay in Wariyaha, iyo Haweenayda uu wareestay, iyo ninka qaba haweenayda oo qaraabo ah, in Wariyaha uu qudhiisa uu ku dadaalayay in haweenaydaan wax loo qabto.
Ilo aan ku kalsoonahay ayaa inoo xaqiijiyay in Wariye Koronto iyo Haweenayda oo isla socda ay tageen Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho isla markaana halkaasi ay ku kulmeen Saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana uu qorshuhu ahaa in haweenaydaan ay hay’adaasi wax u qabtaan.
Wariye Koronto haatan Maxkamada Racfaan ayuu ka qaatay, waxaana kiiskaan sidii cadaalad loogu heli lahaa ku jira qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa asna wuxuu balan qaaday in kiiskaan la dadajin doono isla markaana uu ka warqabi doono markaan labaad sida uu u dhacayo oo uusan ogolaan doonin in wado aanan cadaalad ahayn la marsiiyo.
Wakiilka Keydmedia Online ee Xafiiska Muqdisho
Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]
Add comment
Comments