Xukuumadda Xasan, Xamar ma xukuntaa?!

Bashiir M. Xersi — Weydiinta sida ay kula tahay uga warceli, balse, inaan teyda kula wadaago ii oggoloow. Xukuumadda Xasan Sheeq waxay ku sii socotaa laba sano jirsi, oo xukunka waxay la wareegtay September 2012kii. Dadka intiisa badan rajo fiian ayey ka muujiyeen, in la gaaray xilligii nabadda iyo xasilloonida, balse, xerta Xasan hanqaltaaggii dadka ku jiray waa dileen. Sidee? Qormada sii raac.
Maqaallo Keydmedia Online
Xukuumadda Xasan, Xamar ma xukuntaa?!

Magac u yeelkan cusab marka laga reebo gacan adayggooga iyo bakhiiltinamadooda ee ay toban Wasiir la so dhoocaarsadeen, ayse sanad ka dib garteen inaysan soconayn, ee haddana 55 Wasiir la soo mooqaarsaeen, wax kale ma hayaan! Isweydii; maxaa u diiday in go’aan dhexdhexaad ah qaataan? Ma garan.

Waxay ku fashilmeen inay rifaan laamihii hore u baxay ee musuqa iyo laaluushka, inay dumiyaan buushashkii belada iyo bambada, inay duugaan hogaggii hanti cunka qaran, inay hufnaan iyo hannaan hubban oo habboon la yimaadaan. Taa badalkeed, waxayba soo dhaweysteen Maxamed Aadan Koofi oo ah xubin hore uga tirsanaa Alshabaab, oo loo dhiibay taliska Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Alshabaab ayaa soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso Adeegga Mobile Intenet iyo Fibre Opitc-ga ee Teleefonnada gacanta, oo ay ka mamnuucday deegaannada koofureed ayna ku jiraan dhulalka ay taliso xukuumadda Xasan. Shabaab waxay ku hanjabtay shirkaddii diidda joojinta adeegga, ee u hoggaansami waysay amarkaa in tallaabo laga qaadi doono. Sida Shabaab looga bartay, muddadii ay u qabteen marka ay dhammaatay, ayey xireen xafiisyadii Shirkadda Hurmuud ku leheed Jubbooyinka inta ay gacanta ku hayaan, taa oo dhalisay in 06/02/14 ay gabi ahaan shirkaddu adeeggaa ka jarto koofurta oo dhan.

Magaalooyinka laga jaray waxaa ka mid ah Muqdisho, xarunta xukuumadda Xasan Sheeq, oo aan wada ognahay in xerta Xasan sheegeen in shirkaddii u hoggaansanta amarka Alshabaab tallaabi laga qaadi doono, ilaa iminkana tallaabo iska daaye tiraab lagama hayo, bal adba.

Dabcan shirkadaha ganacsigu waa muhim inay eegtaan danahooda dhaqaale, haddana, taa waxaa ka sii muhimsan farriinta siyaasadeed ee meesha ku jirta, oo ah, in xukuumadda Xasan aysan xitaa Xamar ka talin, maxaa yeelay, haddii ay ka taliso, sidee ku dhacday in adeegga Mobile Intenet iyo Fibre Opitc-ga laga gooyo magaalada, oo ah xaruntaa horumarka iyo himilada Soomaaliyeed, iyadoo waliba la fulinayo amar Alshabaab? Bal adba.

Alshabaab intaa kuma ekeynsan sida laga filanayey, ee waxay mar kale dalbatay in la joojiyo Mootooyinka saddax lugoodka ah, ee loo yaqaan Bajaaj oo laga isticmaalo magaalada Muqdisho, sidii si la mid ah ayaana looga aqbalay, oo keentay in qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho laga joojiyo adeegsiga mootooyinkaa, oo  dabcan, qofna ammaankiisa u qatali maayo dawlad iyo dad aan sugayn. Tan oo mar kale noqonaysa in amar Alshabaab oo meel  ay Muqdisho ka xukumaan ama xarun ku leeyihiin aan la garanayn (MUUQAAL ahaan) ay maalin walba sida ay doonanaan ka yeelan, oo mar walba taladooda la hirgalsho.

Mar kale, waxaa cabasho u gudbiyey Xasan iyo xertiisa Maamullada Dugsiyada Xamar ku yaalla, ee dhawaan qaatay Manhajka cusub ee ay soo  saareen, ee Marwo Maryan Qaasim hormoodka ka ahayd. Cabashada Maamullada iyo Macallimiintu waxay ku qotantay dalab maangal ah, oo waxay ahayd; haddii aadan Alshabaab naga celin karin Iskuulaadkeenna oo aadnaan ammankooda sugi karin manhajkiinna dhigi maynno, oo anagu nafteenna u halligi maynno. Xasuuso; Alshabaab waxa ay u dhisan tahay waxaa ka mid ah, in bulshada Soomaaliyeed lagu habo Manaahijta Carabta, si ay hiliq uga dhahaan suntooda.

ISBADAL, wuxuu dhashaa marka si dhab ah hoggaanka iyo lamaha ugu muhimsan ee la xiriira wax laga badalo. Haddii la qarxiyey, Xaruntii UNDP, la weeraray Maxkamadda Gobolka Banaadir, la qarxiyey Hotel Jazeera, la weeray Garoonka Diyaaradda “Airport”, akhiiran Madaxtooyadii loo dhacay, waxaa la yiri; “Madax meel ka sarreyso oo la salaaxo ma lehe” xagee dhimman, oo Shabaab qarxin doontaa?.

Haddaan wax laga badalin hoggaanka ammaanka, laamaha nabadsugidda, waaxyaha scodaalka, xoghaynta Wasaaradaha iyo madaxda saraakiisha ciidanka, Nabee inaan qarax iyo qalalaalo laga dhammaanayn. Hadda waad ba aragtaan, sheekadu waxayba maraysaa xaruntii xanniba in la beegsaday, nimanka halkaa iyo heerkaa gaaray waxaa hubaal ah inay meelo ka hoosaysana ay gaarayaan, haddii ay iyagu ka soo hareen, oo ay  hakiyen dagaalkii ka dhanka Alshabaab, way caddayd in buulkoodu loogu imaanayo. Yaa ii macnayn kara waxa aan dagaalka loogu qaadayn Shabaabka Magaalada Jawhar dhanka Waqooyi iyo Bari ka xiga, ee maalmahan kaliya loo billaabay in lala dagaalo Shabaabka Baay iyo Bakool?.

Intii ISBADAL sugaysay, wuxuu ku noqday, Dhays Bakayle iyo Dhaandabgaalle, Xasanna wuxuu noqday LA MOOD AAN NOQON! Inta moodday baase eedda leh, haddana, ku eed la’ inay eyri go’an taagan yihiin iyo aayo la’aan. Waxaa burburtay hammigii iyo rajadii laga qabay in Xamar nabad noqoto, oo waxaa hoos u dhac ku yimid; Qurbajoogtii hilowdga gurya noqoshada ku jirtay, ee magaalada dhaqaale galisay, kaliya ma ahan xitaa maalgashi ku billowday, sidoo kale, waxaa yaraaday maalgashigii shisheeyuhu wadeen, marka laga reebo kan Turkiga, oo aan kala joogsi lahayn. Sidoo kale, waxaa caddaatay in wali lagu jiri Kumeelgaarnimadii, oo dadka lagu cabbay been ah in laga baxay. Waxaa la yiri: “Idho low ku yaal, ma arkaan Addinkooda” Xaxan iyo xertiisuna sidaa ayey noqdeen. Si kale, waa; “Bootin Libaaxle kuftin dawacaale” saw ma aadnaan dareemin baqbaqdii iyo beentii ay daldali jireen inay joogsatay, ee ay ka ki mid ahayd dunida iyo galbeedka ayaa na aqoonsaday, sidii inaysan Soomaaliya hore xor u ahayn! Hadda waxaa billaabatay is eedeyn iyo is tuhun, mardhawna filo is xagxagsho, is ceebayn iyo dacaayad.

Nin Reer Hobyo ahaa, ayaa wuxuu damcay inuu Xajka aado xilli ku began afartameeyadii ama kontameeyadii qarnigii tagay. Maadaama markaa aysan jirin diyaarado la raaco ee Xajka lagu aado, waxaa lagu aadi jiray lug, markaa ayuu wuxuu u hawlgalay inuu soo aruursado dhaqaalihii (SAHAYDII) uu ku aadi lahaa. Isagoo ku gudajira arrintii ayuu wuxuu maqlay in nin deegaanka tagay oo Xajka ku maqnaa uu ku dhintay Dhagaxtuurkii “Jamaraadka” -ha moodin Dhagaxtuurkii Muqdisha- markaa ayaa waxaa laga reebay halqabsigan dhaxalgalka noqday; “Xaj waa Ooroobay oo aadis ma leh” taa oo kale, waxaa taagan Soomaali badan oo uu hanqaltaag uga jiray in xasillooni la heli doono.

Nimanku inay dhanka qalloocan tallaabada u qaadan ma ahane maxaa ka indhaha ka xiray inay dhanka qumman u qaadaan? Tarzan ka qaade Mungaab u dhiib waxay la mid tahay, inta Dawaco raacdaysid inaad soo xaraysato Shabeel, kee dhib badan? Kama muhimsane, dallicinta Mudane Mungaab waxay si cad noogu qeexaysaa, haddii aad rabto in xil laguu dhiibo dadka dil, markaa ayaad mudanaysaa xil saree.

Mudane Tarzan wax lagu eedaba lagu eedi maayo dad dilnimo, halka mudane Mungaab uu ku caan baxay qoorgoyn iyo toogasho aan sharci ahayn (maxkamadna ku magacaaban). Middani waxay keenaysaa in ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ay go’aan adag ka qaataan magacaabista caynkaa ah, haddii kale meesha ha ku kala daareeraan.

Xeebta CURUBiyo
XARAMkii iyo
Hoyga XALANiyo

Xanan Buur iyo
XAMAR XOR ma tahay?!

 

Tunta marka aan isu sheegno Xasan iyo xertiisu shaqadii loo igmaday ayey wadaan oo ah inaan XAMAR XOR NOQON, maxaa yeelay, magaalada oo nabad ah ayey xukunka la wareegeen, haddana, cabsi iyo cabbur ayaa lala joogi la’ yahay. Midda kale, magaalada waxaa ku soo noqday cudurkii BOOJIMO (LA HAYSTE) madax furasho laga qaato, taa oo  magaaladu caan ka noqotay xilligii xerta Xabashida, adba ka garo, maalin walba warka waxaa ku jira hawlgal dad lagu soo qabqabtay oo Muqdisho ka dhacay, oo dadkaa maalin walba la qabtaa dhammaan ma wada dambiilaa iyo Shabaab? Ani  isma dhihin, ee qorshaha ayaa ah, marka hore soo xir, ka dib ka lacagee ama beeso ma samee.

XUKUUMADO aan 
Xuduudahannaga
Xoog u helinoo
Xaafadaha XAMAR
Xarar yaalliyo
Buulo Xuubeey

Xamarweyniyo

Xirka Hodaniyo

Dhaafin xaruntood
Haw u xiisine!
Ma XOR baa XAMAR?!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.