Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
War dheer gali maayo, muran iyo dood aan dhammaad lahaynna inaan idinku daaliyo ma doonayo, maxaa yeelay hadal wuxuu ku Qiimo badan yahay yaraanta iyo inuu yahay mid kooban.
Sidaa awgeed, waxaan cuskan doonaa dhawr Qodob oo aan u arko inay Muhim tahay oo Dad badan ogyihiin, inkalenah loo baahanyahay inay sii Ogaato, si ay u dhuuxaan Xaqiiqda dhabta ah, ee ka jirta Gobolka, beentana looga daba tago iyo dacaayadda la faafiyey.
Tusaalayaal loo baahanyahay in Maanka lagu hayo
1. Shabeellada Hoose Beesha Habargidir inay Beero ku leedahay iska daaye, waxaa Daaqa Xoolohooda deegaankaas, oo Ilaahey ku beeray in ka badan Labo iyo Labaatan Jiil. Haddaba, beel Deegaankaas deggan intaa oo Sano, ma idin la tahay in Maanta lagu yiri deegaanka Kooyto baad ku tahay, Marka soo idinlama eka kuwa heekadaa raqiista ah adeegsada waaba kuwa aan deegaanka wax ku laheyn, Darisnimanah daayee.
2. Maamulka Magaalada Marka Komesaariyihii ugu horeeeyay, ee xilkaa qabta wuxuu ahaa nin Habargidir ah, waxaana la dhihi jiray: Axmed Guure Maamul (Sacad, Habargidir) oo Niman Burcad ah oo Bariga Faroole qandaraas ka soo qaatay lana soo hubeeyay ay ku dhex dileen Beertiisa, oo ku taal Magaalada Shalanbood, asaga oo 90 Jir ah iyo Wiil uu Awoowe u yahay, Gurigiina lagu gubay. Haddaba, dadka magaalada iyo gobolka Taariikhdaa ku leh, sidee ku dhacday in Maanta la yiraa waxaa tihiin Kooyto iyo Dad aan u dhalan Deegaanka?
3. Magaalada Shalanbood waxaa heer Degmo soo gaarsiiyay Nin Habargidir ah oo la yiraahdo: Axmed Dabahaye (Cayr, Habar Aji) asagaana ugu horreeyay wax Daga magaaladaa, ka dibna Magaalo ayuu ka dhigay. Haddaba Dhashii Axmed Maanta inay la yiraa magan xitaa kuma tihiin dhulkii Aabbahood uu deegaamyey saw ma ahan fal gurracan iyo dhacdo Dire-diraale?
4. Gen. Dhagabadan oo ahaa Abaanduulihii hore ee Ciidanka Qalabka sida, ayaa labo Boqol oo Nin oo Dir sheegtay soo hubeeyay, asagoo ula jeeday in ay Al-Shabaab la dagaallamaan, maadaama ay Shabaabku dileen 2 la dhalatay Gen. Dhagabadan. Balse, nasiib darro Hubkii Alshabaab in lagula Dagaalo Wasaaradda Gaanshaandhigga looga soo qaaday waxay noqotay in lagu baacsado Beesha Habargidir ee deggan Gobolka.
5. Ugaarsiga lagu hayo Beesha Habargidir ee ka socda Shabeellada Hoose waxaa ka dambeeya silsilad isku xiran sida Dagaal ooge Axmed Madoobe, Gaandi, ina Cabdirashiid, Faroole iyo Niman Magaca Dir sheegta oo uu dhuuxa ka galay naceyb Isirka Habargidir. Adigu is-weydii waxa nimankan Bari ka soo jeeda ka galay inay qalalaaso ka dhalshaan deegaankaa iskana horkeenaan Dad walaalo ah oo wada deggen? Run ahaan waa arrin aan ahayn in lala yaabo, maxaa yeelay sidan oo qayaxan waxay ku hayaan Deegaanka Jubbooyinka.
6. Waxaa la abuuray in ka badan 11 Blog "Website" oo magacyo Deegaanka Sh/Hoose sheegta, oo ay dhammaantood wada hagaan waxna ku Qoraan Labo Nin (SSDF) oo ka so jeeda Gobolka Bari, say qiiq iskugu qariyaan, waxeyna soo Qoraan kaliyah tannaago, Propoganda iyo Isku dir ayagoo sida Qoris-mariskii iska dhigahaya inay yihiin Dir oo Biyomaal yihiin.
Waxaa habboon in laga digtoonaado in Hawiye iyo Reer Samaale ay ku dhacaan dabinka ay la damacsanyihiin Reer Faroole iyo Xuluufadii aan kor ku soo sheegnay.
Waxaa mudan in la xusuusiyo kuwa Qoryaha loo dhiibay oo la yiri soo Ugaarsadda Habargidir in loo sheego Dhacdadaan Taariikhiga ah ee Dalku soo maray: Qarnigii 19aad Dagaaladii uu Halyeey Sheikh Xasan Barsane Hogaaminayay waxaa Abaanduuleyaal ka ahaa, Abaanduule Maxamuud Yuusuf Aaadan
Add comment
Comments