Dowladda & Musuq-Maasuqa: Yey Faa’ido ugu jirtaa Xiritaanka Dekadda Muqdisho?

Keydmedia Online Exclusive - Dekadda Muqdisho oo kamid ah meelaha ugu Muhiimsan ee Dowladda Soomaaliya ay Dhaqaalaha ka hesho ayaa Mudooyinkii dambe waxaa hareeyay Musuq-Maasuq xoog leh, sidee Keydmedia Online ogaatay.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowladda & Musuq-Maasuqa: Yey Faa’ido ugu jirtaa Xiritaanka Dekadda Muqdisho?

Wax isdabamarinta Dhaqaale ayaa la sheegayaa inay isugu jirto mid loo sameeynayo si toos ah iyo si dadban intaba, waxaana Dadka ugu badan ee ku lug leh ay kala yihiin Maareeyaha Dekadda Cabdullahi Cali Nuur iyo ku xigeenadiisa, Nin lagu Magacaabo Qoor-Qoor iyo Yaasiin Cadceed, sidoo kale Qaar kamid ah Xisaabiyayaasha Dekadda ka howlgala ayaa ku lug leh Musuq-Maasuqaan.

Dekadda oo qiyaastii Lacag gaareysa $4.9 (Afar Milyan iyo Sagaal Boqol oo Dollar) Bishiiba ay kasoo xarooto ayaa waxaa si toos ah u qaata Wasaaradda Maaliyada Dowladda Federaalka, taasi oo ku xisaabtanta 90% halka 10% ay kala qaataan Wasaradda Howlaha Guud iyo Dekadaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo u kala qeybsada 5%.

Xog ay Keydmedia Online ka heshay Saraakiil ka shaqeeya Dekadda iyo Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.