Yurub Oo Xaalufineysa Kalluunkii Afrika! (Daawo Video)

KAYAR, Senegal (Keydmedia.net) - Quburo saynisyahano caalamka daraasaad ay ku sameeyeen xaalufka ba’an ee khayraadka Badda Africa loo geysto ayeey ku sheegeen in dhibaatadaas xoogeeda ay ka danbeeyaan Dalalka Reer Galbeedka oo la tagay kallunkii Afrika.
Maqaallo Keydmedia Online
Yurub Oo Xaalufineysa Kalluunkii Afrika! (Daawo Video)

Seynisyahada ayaa isku raacay in wadamada reer yurub, shiinaha iyo ruushka ay doomo waaweyn la aadeen woqooyi galbeed ee badweynta Africa iyagoo baabi’inaya kalluunkii badahaas ku jiray oo ay meelaha qaar ay suuliyeen.

Talabaadaasi  waxa ay cuuryaamisay dhaqaalihii dadka reer Africa oo noloshooda ku tiirsaneyd kheyraadka Badda iyagoo bilaabay iskaga haajiraan wadamadooda oo ay qabtaan Yurub isla markaana ay   safar aan shaarci ahayn oo doon ah aadaya yurub, taasina waa cudur daar ay Yurub leedahay iney badbaadiso oo ay siiso magalyo dadka dhibaatada ka soo haajira oo ku soo qulqulaya.

Ale Nodye waa kulluumayste ku dhaqan tuula xagga woqooyi xigta ee Senegal, waxa uu sheegay iney lixdii sanno ee lasoo dhaafay oo uu ka kaluumaysaneyey badda uu ka heli kari waayey kalluun ku filan oo u gooysa wax uu shidaal uga gato doontiisa, dabadeedna uu fursad u helay inuu fuulo oo uu raaco dooni 87 kale oo African ah ay saarnaayeen oo wajahneyd jasiirada Canery iyagoo rajo ka qaba iney yurub safar aan sharci ahayn ku gaaraan.

Ale waxa uu intaa ku daray in safarkaas badda ahaa ee 2006 aanu guul ku dhamaan, isaga iyo rakaabkii kale la xiray oo dib loo soo celiyey, wiil ay ilmo adeero yihiina ku dhintay.
Ale waa 27 sanno jir, waxa uuna damcay in uu mar labaad damco safarkaas isagoo leh. “waxaan ka noqon karaa  halkaas kaluumate, nolosha halkaas wey fiican tahy, halkan badda kalluun malahan”
   
sannadkii aanu soo dhaafanay 31,000 oo African ah ayaa soo gaadhay jasiirada Canery Island, ku dhawaad 6000 oo qof ayaa ku dhintay oo jaan cirib meel ay dhigeen la waayey sida qaramada midoobay qiyaas ay sameysay ku sheegtay.

Kolka  haddii ay yurub raadisay iney maamusho kalluunkeeda waxa aan sameynay inaan dhoofino mishaakilka kalluunka oo aan si gaar ah u dirnaa Africa, Stev Trenta oo ah agaasimaha fullinta urur arrimaha deegaanka baara oo fadhigiisu yahay London.

Hay’adaha qaramada midoobey kuwooda cunada iy beeraha u qaabilsan ayaa ka deyriyey xaalada nololeed ee dadka woqooyiga Afrika iyo xaaluf ba’an ee loo gaystay kalluunka oo waxa ay hay’ada tiri 75% baaba’ ah oo la gurtay taasina waa arrin halis ah sidaas waxaa tiri ‘United Nations Food and Agriculture Organization”

Daraasaadyo badan oo lagu sameeyey kalluunka ahmiyada uu u leeyahay aadanaha iyo sida sharci darada ah ee loo guranayo oo looga nabbad guurinayo Africa ayaa dood cilmiyeedyo baarintaan lagu sameeyeen Yurub lafteeda sida Ingiriiska iyo faransa.
 
Wadamada ugu daran ee baaba’a ah oo laguba arkayn wax kalluun ah waa Mauritania iy Senagl oo kalluunka, aargoosatada iyo kheyraadkii kale eber ah sida war bixin 2002 yurub soo saartay lagu sheegay.

Uga yaraan 200,000 oo ruux ayay noloshooda ku tiirsan tahay kalluunka oo dadka gobalka ah, waxaa qeylo dhaan iyo cabasho ka soo yeeraysaa Guinea-Bissau mishaalka la soo dersay warshado kalluun oo ay lahaan jirtay albaabada la isgu laabayaa kadib markii doomihii iyagoo fara maran soo laabadoow bilaabeen oo horeyna doomo badan soo iibsan jirtay sidaas dartooda suuqa ka baxeysa.

Warbixinta ku saabsan xaalufka ba’an ee loo gaysta badaha Africa ayaa qoray qaar ka tirsan wargeysyada reer galbeedka sida tan oo aan ka soo xiganay wargeyska New York Times.

Translated by: Nero keydmedia Correspondent - Source: Nytimes




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.