In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.

Keydmedia Radio

Keydmedia Radio

TOP 10

Nuug Camel Milk
Mr. Faroolow: Dhaqankii jabhadaha iyo Colaada dib ha ugu celin Soomaali!!

Mr. Faroolow: Dhaqankii jabhadaha iyo Colaada dib ha ugu celin Soomaali!!

Dr. Ismail Malaas - Waxaa la yaab leh weliba fajac iyo amakaag in Dr C/raxmaan Shiikh Max’ud Faroole madaxweynaha puntland iyo Soomaaliyoo idil uu u celiyo waayadii dhaqankii jaahiliyadda, weliba tii carbeed ee isir naceybka, liidida iyo heyb sooca ku dhisneyd, waxaa ii hubaal ah in aqoonyahano fara badan oo reer puntland in ay ka yaqyaqsoodeen hadaladdii uu C/raxmaan Faroole uu u jeediyay dadka reer puntland maalintii ciidul adxaha, khudbaddii faroole waxay heyb sooc ku sameysay dadkii puntland, waxayna tafaraaruq iyo kala tag u horseedeysay ummadda Soomaaliyeedoo idil oo dhibaato ku heysay dowlad la’aanta.

FASHIL KU YIMID DULAALIINTA ARIMAHA SOOMAALIYA

FASHIL KU YIMID DULAALIINTA ARIMAHA SOOMAALIYA

Qaaradda Afrika waxaa la gaday oo go’doomiyey NGO-yo oo afka qalaad lagu yiraahdo (None governmental organizations) oo macna ahaan noqoneysa ururo aan dowli aheyn, waxaana ururadan ay yihiin kuwa dalaaliin ka ah barnaamiyo loogu magac daray horumarin oo ay Hey’adaha reer galbeedka iyo Maraykanka taaba galiyaan.

Riwaayada Waax iyo Waadi Al Shabaab ayaa Diiday in la Fiirsado??

Riwaayada Waax iyo Waadi Al Shabaab ayaa Diiday in la Fiirsado??

(Dr. Ali.A.Hirabe) - Waxaa jira sharci dhahaya qofka dhaqtarka ah marka uu ka soo qalin jibiyo jaamacadaha ”haddii aadan dhayi karin ” daaweeynkarin ” cudurka ha uga darin”,waxaad moodaa intii ilaaheey ka soo badbaadiyay dagaalada foosha xumaa ee dalkeena ku habsaday kuna dhaqan qurbaha in eeyan diyaar u aheeyn damminta colaada socotaa iyo soo celinta nabada iyo wadanoolaansha.

(QISO CAJIIB AH) Haybsoocii Caynaba ceebeeyay!!

(QISO CAJIIB AH) Haybsoocii Caynaba ceebeeyay!!

Hayabsooca aadanaha sidiisaba waa ficil aad u hooseeya oo ceebeeya bulshada uu ka jiro, waana wax ama ficil sabano soo jiray haba u muuqdo si aad ah waagii dhaqaalaha xooga leh lala galay qaaradda Ameerika ayna la galeen dad reer yurub ah oo doonayay in ay maalkooda gashadaan qaaradaas bikrada aheyd: Waqooyga Ameerika iyo Latin Ameerika.

Sheekh Shariifow: Gacmahaaga hayska Goyn!!!

Sheekh Shariifow: Gacmahaaga hayska Goyn!!!

Noloshu waa hardan iyo halgan, waa hardanoo dagaal iyo dirir ayey ku sumadan tahay, misana waa halganoo waxaa dadaal loogu jiraa soo dhicin hunguri iyo dhuuni, haddaba waa lagama maarmaan inay yeelato seero iyo soohdimo, si aysan u dhicin xadgudub iyo xerotaraar, sidaa iyadoo ah haddana gacan ka hadalku waa joogto, qayladhaanta iyo qabqabsiguna waa lammaanaha dagaalka, mar waa maamul ballaarin iyo madaxtinimo xoojin, marna waa dhaqaale raadin iyo xoolo xarayn, intaba waxaa ka dhasha dhimasho dhaawac iyo dhiillo aa dhammaan!.

Tanaasul mise Tatajis!.

Tanaasul mise Tatajis!.

Waxaa soo afjarmay khilaafkii u dhexeeyey labada masuul ee ugu sarreeya dawladda muranka iyo mandhaafka, khilaafkanoo daba dheeraa soona jiitamay muddo fog, soona maray heerar kala gedisan, cirkana isku shareeray casilaaddii xilkas la’aanadeed ee Sh.Shariif ka dib, tallaabadaa qaawan waxaa xigay dhufayso qodosho iyo aagagga xirasho, gaashaanbuusi abuurasho iyo garab samaysasho, khilaafkoo lixaad saday awgeed, Wuxuuna murankii ku soo afmeermay iscasilaad, , inta aanan ku dheeraan falanqaynta wixii dhacay, ujeedku qormadu waa tilmaamidda: Tafaaruq ka dib ma Tanasul mise Tatajis?!.

MA MID DHIMANE AH AYUU NOQON DOONAA MISE DHAMME?

MA MID DHIMANE AH AYUU NOQON DOONAA MISE DHAMME?

Ilaah baan ka hoos galnay in dhimane noo dhashaa, howlaha iyo waxa uu qabanayana ay dhicisoobaan, maalka ummadda ay lunsadaan laba cali aaney is weydii, sidii horeba u dhacday ay xukun beenbeenaad muddo ay ku wadeen umadda Soomaaliyeed, Cali Mahdi iyo Cumar Carte, Cali iyo wasiirkiisii Caafimaadka waa kuwii bilaabay in Soomaaliya lagu aaso sun nooc kastoy noqoto berri iyo badba, waxaase xusid mudan abaal gudkii arinkaasi inuu si xirfad leh ula cararay wasiirkii Caafimadka isla markaana Cali Mahdi uu meel cidla ah soo dhacay.

SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!! (QEYBTI-2AAD)

SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!! (QEYBTI-2AAD)

Dr. Ismail Malaas Soomaalida qurbaawiga ah.Hadalkan ama baaqan waa mid aniga ii gaar ah, waana baaq aan idinku boorinayo in aad midowdaan, SYL cusub noqotaan qabiil qabiilka laga hurinayo Soomaaliya aad hor istaagtaan, sababta aan sidaa idiin leeyahayna waa idinkaa jooga dalal waa hore soo maray dagaallo fool xun ee sinji,maantana eega USA oo dad isiro fara badan ka yimid ay sameysteen dad mid ah oo sharciga iyo dastuur ay afti dadweyne ku ansixiyeen amuurahooda haga, dastuur qarniyo ka hor la dajiyay.

Taariikhda Dastuurkii 60kii, wixii uu ka yiri nidaamka federaalka iyo midaynta dhulalka Soomaaliyeed

Taariikhda Dastuurkii 60kii, wixii uu ka yiri nidaamka federaalka iyo midaynta dhulalka Soomaaliyeed

Prof. Omar M. Addou - Keydmedia Online - Sannadkii 1956, Maamulkii Talyaaniga ee Wasaayada Soomaaliya waxa uu ku dhaqaaqay diyaarin iyo abaabul doorashooyin guud ee siyaasad oo looga gol lahaa in Golihii degaanka (Territorial Council) loo beddelo Gole leh awood xeerdejin ee ka kooban 70 xubnood, soona xula xubno dawladda daakhili ah ee la qorsheeyey in la dhiso.

SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!!

SAKIINTA SHARIIF XASAN OO BAANGAD CADCADEYSA SOOMAALIYA NOQOTAY!!!

Dr. Ismail MalaasDadka Soomaaliyeed waa dad wada siyaasiyiin ah, wax mashquuliya ma leh waxay ku nool yihiin qaran dumay, tan muufad dubta, midda shaaha karisa, kan macdaarka dhex fadhiya, ganacsatada yar yar, kuwa waaweyn, fadhi ku dirireyda dhamaan dadku siyaasad ayeey ku sheekeynayaan, ka hadlayaan..

Iidaha Umadda iyo Aafada Colaadaha!

Iidaha Umadda iyo Aafada Colaadaha!

Dr. Bashiir M. XersiMaalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku dul meeraan, Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo cad, murugo iyo farxad, jaadadka maalmaha waxay ka dhashaan hadba sidey u soo maraan qofka, qoyska, bulshada, shucabka, umadda iyo qarankaba, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan Nolosha.