Dadow Maxamad Farmaajo ha lagu quusqaato!

Faallo Bashir M. Xersi

Farriintan waxaan ugu talogalayaa; madaxda hadda joogta ama iman doonta iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay cashar siyaasadeed iyo mid maamul ugu noqdaan qof walba oo xil doorasho ama xilasho qabta, maxaa yeelay, waaya’aragnimada laga helay afartii sano ee sawaxanka iyo indhasarcaadinta, ee ku dhammaatay duullaan iyo dhiig; qori caaraddiis, waxa lagama maarmaan ah, inay wax noo taraan ayaamaha dambe.

Dadow Maxamad Farmaajo ha lagu quusqaato!

Maadaama Maxamadkan uusan ku quusan qaabdarradii uu ku dambeeyey maamulka iyo magaca Maxamadkii kale, haddaba, madaxda hadda joogta ama iman doonta ha ku quusato Maxamadkan aan ku quusan Maxamadka kale.

Si loo adkeeyo dawladnimada, nidaamka dimoqoraaddiyadda iyo wadaagga maamul, si loo hel maamul wanaag iyo kala dambayn dad iyo dal, waxaa muhim ah, in qodobbadan tixgelin gaar ah la siiyo, si loo quusiyo qasaaye inuu mar dambe isku qaado qalqalinta dadka iyo qarbudka qaranka hay’adihiisa dhammaan, gaar ahaan isku qodbidda laamaha kala duwan ee dawladda, ee ay eheed in ay kala madaxbannaanaadaan.

Maxamad Farmaajo asaa ku quusan waayey Maxamad Siyaad Barre, oo dibadda uu ku maqnaa ama korriimadiisii hore ay sabab u noqon karto, ayna ka muhimsan tahay gariidkiisa, aqoontiisa, ogaalkiisa iyo aqooshiisa sida ay u guran tahay, haddana u maran tahay, waxaa dan noogu jirtaa, in dadka kale ku quusta labo Maxamad sida loo quusiyey!

- Qofka Maxamad Farmaajo yaqaannay, ee talo toleed ama saaxiibtinnimo ku lahaa, ee aan hore ugu gudbin weliba si muuqata oo la wada arki ama maqli karo, maanta warkiisu qabasho iyo ma lahan wax ka soo qaad; wixii (xumaan) aad ka aamusneed, eed maalin hore la baqiishay ama la baaqatay, haddii aadan la baqan, maanta iiga gedi maysid baaq dirid iyo warqad qorid!

- Maxamad Farmaajo ma tanaasulin, ee tatajin uu taagdhigay ayuu halkan ku yimid, talaxumadiisuna ay na wada gaarsiiyey, balse, ma tegin weli, ee MADAXTOOYADA in laga saaro waxay muhim u tahay socodka maamulka dawladda iyo qabsoomidda doorashada. Haddow rabo asoo murashax ah hoteel magaalada ku yaal ha dego, waa u furan tahay.

- Si aan qof dambe xilka isugu dhegin, una damcin inuu awood ku muquuniyo dadka ama uu ugu haysto maamulka, waxaan qabaa, in Maxamad Farmaajo uusan samayn xilwareejin, ee madaxweynaha la doorandoonaa, maalinta la doorto, uu MADAXTOOYADA toos ugu guuro, marka la dhaariyo ka dib, si ay ugu quusqaataan malabsadayaasha damaacigu wado ee dariiqyada haliilaya.

- In la soo saaro xeer dhigaya, in Maxamad Farmaajo uusan noqon karin Xildhibaan Qaran ee ma dhace ah, haddaan kaas la awoodinna, in la baabbi’iyo xeerka dhigaya, in madaxweynaashii hore ay noqdaan Xildhibaanno Qaran, oo aan weligeyba diiddanaa, kana dhalatay dhaqan siyaasadeedkii laga dhaxlay talyaaniga, haddana ay sii adkeeyeen tiibbo talyaanigii soomaalida ahaa.

- Xildhibaannadii saxiixay muddokordhinta ee dhalisay; dhimashada, dhaawaca, burburka, duullaanka, qixinta IWK, waa inaan loo oggolaan, inay mar dambe noqdaan Xildhibaanno Qaran, maxaa yeelay, waxay mar walba horseed u yihiin; fadqallo abuur iyo xasilloonidiidnimo.

- Taliyayaashii, saraakiishii iyo ciidankii ka qaybqaatay weerarradii dhacay sanadkan billowgiisa, iyagana waa in laga eryaa ciidanka, maxaa yeelay, haddii ay ciidanka ku sii jiraan waxay mar walba halis ugu jiraan, inay dhexda ka galaan amaba abuuraan tii oo kale, oo inta aan qodobka ka sarreeya ku xusnay.

-Kuwii muddo kororsiga sida tooska ah u taageeray ee fagaarayaasha iyo tiifiiyada la taagnaa, waa inaan xilal dawladeed loo dhiibin intii muddo ah, maxaa yeelay, waa dad aan damiir, dadnimo iyo dastuur celin karaa jirin.

Haddii uu dhacay kala-wareeg ku yimid qoriga caaraddiis, kala-guurse lagu jiro, welina aan la kala guran ee goradda la iskula jiro, maadaama aan weli la isku afgaran qaab doorasho, aysanba dhacayn inta Maxamad MADAXTOOYADA joogo awoodna ku leeyahay, sidaa awgeed waxaan qabaa, haddii aan la kala bixin, ee la isku dhexjiro, waxaa marag ma doonta ah, in xumawadaashu aysan marna ka shaqaynayn samaan iyo wanaag, ee xagaldaacin iyo u joogaan dumin ama dafalaqsi, ee digtoonida ha la badiyo.

Bashiir M. Xersi 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.